Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Isbitaalka Shalaanbood oo sariiro u la’ bukaanno uu soo ritay shuban-biyood

Jibril Osman by Jibril Osman
March 26, 2024
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Isbitaalka Shalaanbood oo sariiro u la’ bukaanno uu soo ritay shuban-biyood

Abuukar Cismaan Axmed oo dhabta ku haya gabadhiisa oo shuban uu soo ritay/Cabdulqadir Ismacil/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol siddeetan iyo labo qof oo uu soo ritay cudurka Daacuun-caloolaha tan iyo horraantii bishan ayaa la dhigay isbitaalka deegaanka Shalaambood ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Abuukar Cusmaan Axmed wuxuu dhabta ku hayaa wiilkiisa oo saddex jir ah oo 20 bishan uu keenay isbitaalka deegaanka markii uu ku soo booday cudurka Daacuun-calooleedka xilli habeen ah.

Wuxuu kala soo lugeeyay isagoo dhabarka ku wada tuulada Buula-cadeed oo qiyaastii 3 km dhinaca koonfur ka xigta Shalaanbood. Sariiraha bukaannada oo buuxa dartood wuxuu ku hayaa geedka ku yaalla daaradda dhismaha isbitaalka.

Wuxuu halkan ku sugayaa shaqaalaha caafimaadka oo kala gaari la’ dadka sida koox kooxda ah loo keenayo saacad walba. Waxaa ka muuqda dhafar, halka wiilkiisa uusan weli ka soo kaban fuuq baxa shubanka.

Wiilkiisa wuxuu ka mid ah 25 bukaan oo weli jiifa isbitaalka. Abuukar ayaa ka hadlaya sida uu ku billowday xanuunka iyo  astaamihii uu ku arkay.

“Walwal fara badan ayaan dareemay. Gargaar deg deg ahna waan u baahday. Kaniniini bahal ayaan siiyay, inaysan i anfaceyn markaan arkay isbitaalka ayaan u soo cararay, habeen. Dhaqaatiirta way ku dadaaleen hadda maash Allah wuu ii fiican yahay.”

Abuukar ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa shantii maalin ee la soo dhaafay saddex carruur ah oo ka yar da’da shan jirka oo u dhintay cudurka. Arrintan ayuu sheegay in ay sabab u tahay biyaha aan nadiif ahayn ee laga cabo deegaankiisa.

“Markii hore biyaha ceelka ayaan cabi jirnay. Laakiin biyaha warta iyo biyo kale ceel aan la isticmaali jirin ayaan hadda isticmaalnay. Anagana dad sabool ayaan iska nahay biyaha warta ayaan iska cabnaa.”

Qoyska Abuukar oo ka kooban lix qof ayaa ah danyar noloshoodu ay ku tiirsan tahay xaabo ay xaaaskiisu ka hesho labo doollar. Waxay dabka shitaan hal xilli. Wuxuu sheegay in sida uu uga xannuunsaday canuga inaysan shaqo tagin, taas oo sababtay inay qoyskiisa dul-saar ku noqdaan qoys kale. –

Afar ceel oo dadka deegaanka ay ku tiirsanaayeen ayaa duugmay 2 bishii Maarso, markii bacaadka deegaanka ku hareereysan uu daboolay. Qiimaha la iibiyo halkii jiirkaan ee biyaha ah ayaa gaaray 12 kun Shilling Soomaali ah. Waxaa laga keenaa deegaanka Ceel-jaalle oo shalaambood u jirta 5 km dhanka koofur-bari.

Dadka danta yar ee deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga ee aanan awoodin in ay iibsadaan biyaha ayaa labadii toddobaad ee soo dhaafnay isticmaalayay biyaha goob biyo fariisi ahaan jirtay oo matoor kanaalka wabiga lagu soo furay. Biyahaas oo aan nadiif ahayn ayaa la sheegay inay keentay in dadka deegaanka uu shubanku soo rito.

Dhaqtar Maxamuud Maxamed Jimcaale oo ah agaasimaha isbitaalka Shalaambood ayaa sheegay inay badanayaan kiisaska cudurka. Wuxuu xusay in 154 bukaan markii gargaar loo fidiyay lagu guulaystay inay caafimaadaan isla markaana dib loogu celiyay guryahoodii.

Baahida jirta iyo awoodooda ayuu xusay inaysan isku dhigmin. Wuxuu sheegay inay gabaabsi tahay dawada ay heli karaan.

Bukaannada ayuu tilmaamay in loo keeno iyaga oo aad u liita oo u baahan daryeel dheeraad ah si ay deg deg ugu soo kabtaan. Wuxuu sheegay inuu ka cabsi qabo hakashada shaqada ay hayaan sababo la xiriira dhaqaale la’aanta haysata.

“Xaaladda ay sida hadda ku sii socoto, isbitaalku awoodba uma laha in uu buuxiyo. Yacnii dhibaatada iska soo daba dhaceyso ee shuban biyoodka ah maxaa yeelay, waxaa laga keenaa dhowr tuulo oo kala geddisan. Bukaanada la keenayo waa kuwo aad u liito markaasi, marka bukaanada waxay u baahanayaan gacan annaga naga baxsan in faleembooyin ku filan loo helo dawooyin kale ku filan la helo.”

Dhaqtar Maxamuud ayaa sheegay in ay ka baqayaan in cudurka uu gaaro heer ay xakameyn waayaan. Sababta cudurka kiisaskiisa kor u qaadaysa ayuu ku sheegay biyo yarida ka jirta deegaanka. Sidoo kale isbitaalka ayuu xusay inay hayso biyo la’aanta. Dhaqtar Maxamuud ayaa sheegay in maalin walba ay fuusto biyo ah magaalo kale uga keenaan bukaanada.

“Ceelka isbitaalka uu lahaa waa dumay. Waad arkeysaan shubanka iyo dadka u jiifana aad ayay u tiro badan yihiin, saacad kastana dadku waa iska soo daba dhacayaa, biyaha aan rabno inaan dadkaas ku maareynana waa kuwo gaari dameerka lagu keeno, waana dareemi kartaa inaysan markaas ku filnaaneyn biyo gaari dameer lagu keenay inaan micnahaa bukaanadaasi aan ku maareyno.”

Dhaqtar Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in ceelasha dadka dib loogu qodo si looga hor tago soo laalaabashada kiisaska cudurka.

Wuxuu xusay in dadka ay cabbaan biyo ku jira biyo fariisi magaalada duleedkeeda ah, kaas oo ahaa goob qashinka deegaanka.

Dadka Daacuunka uu soo ritay ayaa laga kala keenay tuulooyin ay ka mid yihiin Golweyn, Siinaay, Mushaani  iyo gudaha deegaanka shalambood.

Axmed Jeelle Barow oo ka mid ah dadka ku nool Shalaambood ayaa sheegay in 4 ka mid ah xubnaha qoyskiisa ay la dhul dhaceen cudurka.

Wuxuu isbitaalka keenay bukaanada 17 bishan, wuxuuna ka bixiyay isla 21 bishan. Wuxuu tilmaamay in hadda caafimaadkooda uu tartartiib u soo laabanayo, kaddib maalmo ay ku sugnaayeen hubanti la’aan.

Axmed ayaa xusay in isbitaalka uu ka helay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Wuxuu intaas raaciyay inta uusan bukaanada qoyskiisa isbitaalka keenin in uu goobaha gaarka qarash badan kaga baxay balse xaaladooda ay ka sii dareysay.

“Maanta waa maalinta Afaraad aan isbitaalka ku jiro, waxan keenay afar bukaan qofkaan xaaskeyga waaye, caruurteyda ayaan keenay, gabdhahaayga ayaan keenay, gabar kale adeer aan u ahay ayan keenay, waxan ku arkay shuban, farmashiyo ayan waxa ka gatay hal doolar iyo bar waxna waa ii qaban waayeen lacagna way iga dhameeyeen isbitaalka markaan keenay Alxamdulilaah lacag la’aan micnaha jawi degan ayaa wax naloogu qabtay.”

Ninkan ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee dhowr qof oo ka mid ah qoyskiisa uu hal mar ku wada dhaco Daacuunka.

Qoyskiisa oo ka kooban siddeed ayaa biisha goomiiste. Wuxuu buufiyaa lugaha gawaarida. Wuxuu maalintii ka helaa labo doollar, balse muddo toddobaad ah ma uusan shaqayn.

Wuxuu intaas raaciyay inuu cidlo uga soo tagay beer labo hektar ah oo uu ku leeyahay duleedka Shalaambood.

Biyo la’aanta ka jirta deegaanka Shalaambood ayaan weli xal loo helin. Deegaanka waxaa ku siqaya bacaadka guurguura, kaas oo durba qariyay ceelashii biyaha laga cabbi jiray.

Previous Post

Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

Next Post

Mudug: Xoolo-dhaqato ay colaad barakicisay oo nolol-xumo ku wajahaya miyiga Xarardheere

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Mudug: Xoolo-dhaqato ay colaad barakicisay oo nolol-xumo ku wajahaya miyiga Xarardheere

Mudug: Xoolo-dhaqato ay colaad barakicisay oo nolol-xumo ku wajahaya miyiga Xarardheere

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-APR-2026

IDAACADDA 29-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo