Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Saamaynta uu qarixii Muqdisho ku yeeshay dadka rayidka ah

admin by admin
April 15, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaraxii ka dhacay dhismaha maxkamadda sare ee Banaadir ee magaalada Muqdisho 14 Abriil 2013 ayaa wuxuu saameyn iyo cabsiba uu ku reebay dadka rayadka ah ee magaalada.

Qaraxan ay ku dhinteen 32 qof isla markaasna ay ku dhaawacmeen 54 sida ay xaqiijiyeen laamaha caafimadka ee isbitaallada Muqdisho ayaa wuxuu ku reebay dadka argagax iyo iney si deggan u adeegan waayaan.

Weriyaha raadiyo Ergo ee Muqdisho Yuusuf Keynaan ayaa sheegay iney aad u yaraatay kalsoonidii dadka ay ku adeegan jireen, iyadoo aad arkeysid in hotelladii lagu shaahi jiray iyo meelihii la fariisan jiray ay dadku ka carareen.

Dadku waxay isugu baaqayaan iney socodkooda yareeyaan, siduu noo sheegay Yuusuf, wuxuuna intaas noogu daray in gawaarida basaska ah ee ay dadweynuhu raacaan cabsi badan ay ka jirto, iyagoo markaas ka taxaddaraya meelaha ay joogaan gaadiidka askarta ka dib markii gaari lala beegsaday oo lagu dhuftay gaarigii Laanqeerta cas ee Turkiga, halkaasina lagu dilay darawalkii Soomaaliga ahaa ee gaariaga u waday waxana ku dhaawacmay 2 katirsana samafalayaasha Turkiga ah kuwaasi oo xalayba laga qaaday Muqdisho.

Cabsidan ayaa iyaguna dhinac ka ah ciidamada dawladda oo feejignaantooda ay sababi karto iney dadku wax ku noqdaan, markii la eego gaadiidka ay ku dhexwataan dadka dhexdisa. Sida uu ku warrmayo nin goobjooge ah ayaa wuxuu leeyahay “ Waxaa noo muuqanaya khatarro badan, markii ciidanku oo la fuushan baabuurtooda hubka ay ka shakiyaan dadka qaar oo ay iyagoo dhinac kala eegi ay xabbada iska furan, taasoo keeni karta dhimasho iyo dhaawacy”

Waxaa kaloo jira caqabado lagala kulmay sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii dhibaatada halkaas ku gaartay gaar ahaan kuwii dhawaca soo gaaray. Ciidamada ayaa isku gadaamay goobtii qaraxa ka dhacay waxaana aad u adkaatay sidii looga soo bixin lahaa burburka dadkii gargaarka u baahana, taaso keentay iney qaarkood waayaan gargaarkii ay u baahnaayeen halkaasna ay ku dhiteen.

Dr. cabduqaadir cabdiraxmaan Aadan oo ah madaxa gaadiidka gudrmadka degdega ayaa raadiyo Ergo u sheegay iney goobtaas ay ka qaadeen 22 meyd iyo 18 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba.

“ Waxaan dhibaato kala kulannay sidii aan u soo bixin lahayn dadkaas, weliba waxaa jiray qaar teleefoonka mobaylka naga soo wacayay oo dhaawacyo halis ah qabay, sidii ay noo soo wacayeenna markii dambe aamusay oo u dhintay dhaawacaas.” Waxaa yiri Dr. Cabdulqaadir.

Isbitaalka Madiina oo kaliya waxa la dhigay 16 meyd ah iyo 42 dhwaacyo siduu isna raadow Ergo u sheegay Dr. Maxamed Yuusuf agaasimaha guud ee cusbitaalka madiina.

Si kataba ha ahaatee qaraxan ayaa ku keenay dadweynaha rayadka ah welwel iyo cabsi iyagoo shaki ka muujiyay habsami u socodka hawlahooda taasoo keeni karta iney hakat galaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa guud.

Haddaba qaraxan ayaa ku soo beegmay muddo yar uun ka dib markii ay dawladda Ingiriiska uga digtay waddaniyiinteed ineyan tegin magaalada Muqdisho.

Yuusuf Keynaan/AM/MH

Previous Post

Gabadh yar oo u baahan in loo fidiyo gargaar caafimaad

Next Post

HAWEENKA LUUQ OO WADA OLOLE NADAAFADEED

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
HAWEENKA LUUQ OO WADA OLOLE NADAAFADEED

HAWEENKA LUUQ OO WADA OLOLE NADAAFADEED

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo