Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Karkaar: Qoysaska danyarta ah oo wajahaya daawo la’aan markii uu gabaabsi dhaqaale ku yimid xaruumo ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jireen

Radio Ergo by Radio Ergo
August 15, 2023
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Karkaar: Qoysaska danyarta ah oo wajahaya daawo la’aan markii uu gabaabsi dhaqaale ku yimid xaruumo ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jireen

Howl-wadeenada caafimaadka isbitaalka degmada Beyla/Maxamuud Nadiif Shire/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Maxamed Cali waa hoyo dan yar ah oo aan awoodin kharashaadka ku baxa caafimaadka qoyskeeda oo ka kooban 12 qof. Tobankii sano ee la soo dhaafey waxay ku xirnayd adeeg caafimaad oo ay si bilaash ah uga helaysay isbitaalka magaalada Bayla.

Haweeneydan oo toddobo ka mid ah carruurteeda ku dhashay isbitaalka Bayla ayaa ka walacsan, sida uu xaalka noqon doono, haddii ay istaagaan adeegyadaan bilaashka ah oo ay labadii bilood ee u dambeeysay gabaabsi ka dareentay.

A1 “Waan ku dhalaa, khusuusan ani ahaantayda. Carruurtayda marka ay xanuunsantahay waan geeyaa oo si fiican baa la i qaabilaa, markaan xaamilo ahay sidoo kale adeegii waa ka helnaa. Inkastoo markii hore adeegu diyaar ahaa, hadda se, adeegii sidii waagii hore ma aha – Haddi ay baaritaan tahay, daawo tahay, faleenbo tahay. Meel aan soo wacno ma aanan garanayn, shalay ayay na soo gaartay, in hawlahaasi meesha ka baxeena. Aad iyo aad bay hadda dadkii u yaaban-yihiin, waa la walaacsan yahay, hadii adeegaasi faraha ka baxo hadde maxaa loo malaynayaa?” ayay tiri.

Isbitaalka Bayla ayaa qeyb ka ah 70 xaruumo caafimaad ah oo ku yaala degmooyinka iyo tuulooyiinka gobolka Karkaar ee Puntland, kuwaasi oo ay dadka deegaanadaasi ay ka helaayeen adeeg bilaash ah. Howl-wadeenada isbitaaladan ayaa mushahaarkooda ka heli jiray mashruuca Shine [Iftiin] ee sanduuqa badbaadada carruurta ee Save The Children, sida u sheegay xafiiska caafimaadka ee gobolka Karkaar. Dhaqalaha ku baxaaya mashruucaan ayaa bixin jirtay dowladda Ingriiska.

Labadii bilood ee la soo dhaafeey ayaa wax mushahaar ah la siin shaqaalihii ka hawl-gallaayay degmooyinka gobolka ee mashruucaan ku tiirsanaa. Arrintan ayaa saameeyn ku yeelatay adeegyadii ay heli jireen dadka danyarta ah ee ku nool deegaanka.

Faadumo oo xaamilo ah ayaa dhalmada uga hartay 10 maalmood keliyah. Waxay xustay in saddexdeedii carruur ee ugu dambeeysay ay ku dhashay qalliin. Waxay hadda ka walwalsantahay inay midkaanna uu qalliin ku noqdo, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay isaga bixiso.

A2 “Ma caawaa mise beri baan ahay, laakiin walaac ayaa iga haysta, bishii 8-aad baan ku jiraa hadeer, hadeer waaba kusii hanwaynaa oo qaliin baa diyaar noo ahaa. Niyadaydu markii hore waa dhisnayd, ilaa shalay niyadaydu ma dhisna. Welwelka iga haysta ma qiyaasi karo, waayo carruurta xitaa waa ay ku tiirsanayd, haddii ay nafaqo darro tahay, haddii ay daawo kale tahay, walaahi waa welwel. Qardhada noo dhaw walaahi ma gaari karno wax walba waa lacag, anagana lacag la’aan baa naloogu shaqaynayay,” ayay tiri.

Taageerada caafimaad ee mashruuca Shine ayaa soo socday muddo 19 sano ah, waxaana dhamaan dadwaynaha gobolka karkaar ay si bilaasha ah u heli-jireen adeegyda aasaasiga ah sida, hooyada iyo dhalaanka, dawooyinka, talaalada, qaliimada loo samaynayo hooyooyinka uurka leh iyo gaadiidka caafimaadka.

Isbitaalka Bayla ayaa ah midka keliyaha ee ku yaala magaaladaasi ee adeeg buuxa bixiyo. Maamulka isbitaalka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bishii ay ku dhalaan qiyaastii 60 dumar.

Dr. Mire Maxamed Cali wuxuu ka mid yahay howl-wadeenada isbitaalka degmada Xaafuun. Wuxuu halkan ka shaqeeynayay 20 sano. Wuxuu sheegay labo sano ka hor laga jaray 20% mushaarkii uu qaadanaayay. Labadii bilood ee la soo dhaafey ayuu xusay in mushahaar uusan helin.

Ninkan oo ah aabbaha qoys ka kooban 14 qof ayaa sheegay in lix ka mid ah carruurtiisa ay u dhigtaan iskuul iyo dugsi. Lacagtooda ayuu tilmaamay in lagu leeyahay bilihii uusan mushahaarka qaadan. Wuxuu hadda ku jira shaqo raadin.

“Hadde, waxay keenaysaa masalan caruurta biilkoodii, iskuuladii ay gabaabsi noqdaan, oo aad marmar dhahdo meelahaas u shaqa tagayaa oo qaraab baan u doonayaa  caruurtii waxay ku noolaadaan. Biil baa lagaa rabaa, iskuul baa la rabaa, quraankii ayaa la rabaa, adeeg badan baa lagaa rabaa. Dad qaraabo baa guriga kula joogay oo guriga wax ka cuni jiray, waxaas oo dhan adaa laga rabaa inaad keento ama cirka ka keen ama dhulka ka keen ama meel kale keen,” ayuu yiri.

Dr. Mire ayaa sheegay in isbitaalka Xaafuun ay bishii celcelis ahaan imaan jireen 1,800 oo bukaan. Tiradaan ayuu xusay in 110 ilaa 120 ka mid ah ay ahaayeen haween doonaya adeega dhalmada.

Wuxuu xusay in bukaanada u baahda caafimaad degdeg ah loo diri jiray gaariga ambalaasta, kaasi oo si bilaash ah isbitaalka ku keeni jiray. Kharashaadka daawada isbitaalka ayaa sidoo kale laga helaayay mashruucaan. Dhanka daawada isbitaalka Xaafuun ayuu sheegay in hadda gabaabsi ka jiro.

“Dhamaan adeegyadu waxay ahaayeen kuwa aad loogu xiran yahay ama baadiyaha haka yimaado ama magaalada hareeraheeda haka yimaado. Hadda, hadii la yiraahdo xagee wax ka dhaceen looma gurman karo, waayo gaarigii shidaal ma haysto, ooliyo ma haysato, biil ma haysto, ma dhaqaaqi karo. Daawadu hoos bay u dhacday oo sidii hore ma ahan,” ayuu yiri.

Isuduwaha wasaarada caafimaadka Puntland ee gobolka Karkaar Dr. Cabdilaahi Cartan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sababta adeegaan loo joojiyay ay tahay khilaafka siyaasigga ah ee Puntland iyo DFS u dhaxeeya. Shacabka danyarta ah ee mashruucaan ka faa’ideysanaya  ayuu tilmaamey in ay wajahayaan xaalad adag oo aan horay looga sii gaashaaman.

“Sida aad ogtahay project Shine la oran-jiray oo Unicef taageeri jirtay ayaa gobolkaaan ka shaqayn-jiray, awalna ka yimi mashruuc Change la dhihi jirtay oo boqortooyada Uk fund garayn jirtay. Save The Children ayaa gacanta ku hayn jirtay, barnaamijkaas wejigiisii hadda taagnaa. Cusboonaysiinta markii la soo gaaray, waxaan ognahay walaal in DFS ay jubaland u wareejisay, guud ahaana uu gobolkeenii uu Gap ku soo dhacay. Barnaamijyadaas waxay wasaarada ka taageeri jireen xagga Incentive-ka, dawooyinka oo kale. Waxaan marka oran lahaa DFS inay siyaasadayn adeega dadwaynaha,” ayuu yiri.

In ka badan 50 kun oo qof oo ku nool gobolka Karkaar ayaa bil walba ka faa’ideysan jiray adeegaan caafimaadka bilaashka ah oo uu bixinayay mashruucaan.

Raadiyow Ergo ayaa a xiriiray hay’adda Save the Children oo gacanta ku haysay mashruuca Shine.

Maxamed Cabdiqaadir Saciid oo ah madaxa u qaabilsan hay’adda Puntland ayaa sheegay in gabaabsi dhaqaale uu ku yimid, sidaa awgeedna ay u sameeysay adeeg dhimis. Wuxuu xusay in hay’adda Save the Children ay weli taageerayso 39 xaruumo caafimaad oo ku yaala gobolka Karkaar, kuwaasi oo qeyb ka ah 52 xaruun oo ay horay u taageeri jirtay.

 

Previous Post

Mudug: Xoolo badan oo u dhintay biyo yari ka jirta deegaanka Jeexdin labadii bil ee u danbeeyay

Next Post

Jowhar: Ganacsato iyo beeraley dhaqaale xumo wajahaya markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Jowhar: Ganacsato iyo beeraley dhaqaale xumo wajahaya markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta

Jowhar: Ganacsato iyo beeraley dhaqaale xumo wajahaya markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo