Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo badan oo u dhintay biyo yari ka jirta deegaanka Jeexdin labadii bil ee u danbeeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 15, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Xoolo badan oo u dhintay biyo yari ka jirta deegaanka Jeexdin labadii bil ee u danbeeyay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal xoolo ah ayaa harraad ugu dhintay gobolka Mudug. Kun iyo shan boqol oo qoys oo xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaanka Jeexdin ayaa biyo la’aan wajahaya tan iyo bishii May ee sanadkan.

Qoyska Mursal  Nuur Mire waxaa bilihii Juun iyo July ka dhintay saddex tiro oo ari ah iyo labaatan geel ah. Wuxuu sheegay in xooluhu ay ka cabi waayeen ceelka deegaanka oo biyihiisu ay dhanaan isku beddeleen.

Mursal ayaa ka walaacsan inay u sii joogi doonaan sagaashan ari ah iyo shan geel ah oo u hartay, kuwaas oo todobaadkiiba mar uu siiyo fuusto biyo ah oo uu ka daynsado booyado biyo ka keeno magaalada Gaalkacyo uu u jirta qiyaastii 20 km.

“Biyaha lacag badan baa la iiga leeyahay oo xitaa ninkii muddadii aan ku balamiyey waa la dhaafay xili kasta waa isoo Weydiiyaa waxuu ileeyahay biyahii lacagtoodii soo tuur. Biyo la’aanta waxaa ka dhashay xoolihii oo baaba’ay, dadkii oo sigtay.”

Mursal waxaa ku adag gadashada biyaha qaaliga ah oo fuustadii ay ku iibsadaan $7-8. Sababta keentay qiimo kororka biyaha ayuu ku tilmaamay waddada loo maro deegaanka oo bacaad ah, isla markaana gaadiidku ay ku adag tahay inay isticmaalaan.

Faro marnaanta dhaqaale waxay ninkan bidday inuu dayn ku maareeyo qoyskiisa oo toddobo qof ah. Wuxuu sheegay in lagu leeyahay $2,600 oo uu ganacsato deggan Gaalkacyo uu uga soo qaaday biyo iyo raashin. Waxaa gabaabsi ka ah min 12 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo uu soo qaatay horraantii bishii July.

Raashinka u harsan ayuu xusay inuu hayn karo muddo todobaad ah. Mursal ayaa intaas ku daray in xoolaha u jooga ay yihiin caato aan suuq galin. Waxaa isku raacay oonka iyo daaq yarida ka dhashay roobka gu’ga oo deegaanka ku yaraa. Wuxuu ka walaacsan yahay in saameynta ka dhalatay xoolaha uu waayay iyo biyo yarida deegaanka ka jirta ay u horseedaan in deegaankooda ay ka tagaan.

“Baahida nahaysa waa iska badantahay xoolaheenii markii biyo yaridaas u baaba’een dadkii noloshiisii waa iska sii yaraanaysaa oo waa ka sii daraysaa. Deegaan kale ma gaarno baabuur ma lihi. Mardhaw waxay tagaysaa in aan kaamamka barakaca iska soo aadno biyo la’aanta darteed.”

Ceelka deegaanka oo riig ah ayaa markii biyihiisu ay isbeddeleen waxaa adkaatay in dadka iyo xooluhu ay cabi waayeen. wuxuu ka mid yahay 11 ceel oo ku yaalla deegaannada Galmudug oo biyahooda ay dhanaan noqdeen, sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay wasaaradda biyaha iyo khayraadka dhulka ee Galmudug.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baaris ay ku sameeyeen sababta biyaha ceelashu ay isku beddeleen ay ku ogaadeen in ay tahay saamayn ka dhalatay abaarihii soo laalaabtay. Ceelka deegaanka Jeexdin oo la qoday labo sano ka hor ayaa biyihiisu is beddeleen markii kugu horraysay.

Dadka halista ugu jira inay xoolo la’aan ku dhacdo waxaa ka mid ah Caydiid Ciise Bootaan oo qoyskiisu oo sagaal qof yahay. Wuxuu sheegay inay ka le’deen 30 ka mid ah 70 neef oo ari ah oo reer kiisa ay xoolo  ka lahaayeen.

Caydiid wuxuu xusay inuu isku dayay in xoolihiisa uu u la hayaamo deegaannada biyaha leh si ay oonka uga badbaadaan, balse ay tabar yari darteed socod gali waayeen.

“Xoolahu waxay ku jiraan jiidaal muddo 2 bilood ah waliba ay tabar yaryahiin wax naq layiraahdo ama qoyaan ah ma jiraan marka xaaladaas adayga badan baa lagu jiraa adigu hadda waxaa ii haray ari 80 neef ah dadkuna waa qof ila mid ah iyo mid iga hooseeya.”

Ninkan xoolaha u haray wuxuu ku darsaday nin ay qaraabo yihiin oo dad ay ehelo yihiin ay bac biyo ugu shubeen. Waxaa lagu leeyahay $1,100 oo dayn ah oo uu ku qaatay raashin iyo biyo.

Qoyska Caydiid dadda waxay hal waqti tabka saartaan raashin ay u soo dhiibeen 20 bishii hore dad qaraabo la ah oo jooga magaalada Gaalkacyo. Wuxuu ka welwelsan yahay sida ay ahaan doonto nolosha reerkiisa haddii xaalku sidaan sii ahaado.

“Xaaladda aan hadda ku jirno haddii wax isbeddel ah oo kale aysan dhicin nolol lagu sii socdaa ma jirto. Xoolaha waaba la iska dayn lahaaye. Meeshaan meel halis badan weeye. Wax aan hadda haysanno ma jiraan xoolahaas aan iska agtaaganahay oo wax kale oo Meesha laga qabto ayaaba jirin oo nolol maalmeed laga raadsan karo. Haddii ay biyo leedahay waxaa beddelmi lahaa shaqay yeelan laheed oo waxbaa soo geli lahaa laakiin hadda haba yaraatee wax soo gala malahan”.

Wuxuu xusay in dhaqaalo yarida dadka ay u dheer tahay gaadiidka oo ku dhib qaba soo galitaanka deegaanka. Wuxuu tilmaamay in marar badan booyadaha ay dalbadaan oo biyaha u sida ay dhex ku halaabaan sabab la xiriirta bacaadka wadada.

Bashiir Xuseen Maxamuud oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Jeexdin ayaa sheegay in dadka deggan deegaanka iyo nawaaxigiisa ay ka siman yihiin dhibaatada ka dhalatay biyo la’aanta.

Wuxuu xusay in haddii xooluhu dadka ka dhamaadaan ay sababi karto macluul, maaddaama nolosha dadka iyo xooluhu ay isku xiran yihiin.

Intaas wuxuu ku daray in maamulku uusan awoodin in ay dadka gargaar u fidiyaan, balse ay labadii bil ee la soo dhaaafay ay kala hadleen hay’adaha iyo maamulka Galmudug sidii ay dadka deegaanka u caawin lahaayeen.

“Waxaan codsanayaa anoo ku hadlaaya afka deegaanka marka hore in ceel naloo qodo haantii waa haysanaa soolarkii waa haysanaa in si dag ah noogu qodaan maamulka, jaaliyada dibada, ganacsatada iyo intii wax garad ah waxaa kaloo codsanayaa in haayadaha ka shaqeeya Galmudug inay dadkan tixgalin siiyaan oo dadka kale la mid dhigaan.”

Nolol-xumada haysata dadka deegaanka ayaa ka sii dararayysa markasta oo jiilaalku sii dheeraado maadaama ay sii badanaysa baahida loo qabo biyaha. Dadka oo aan awoodin inay wax ka qabtaan arrinta ku soo korortay ceelka ayaa ka cabsi qaba in xaaladdoodu ay macluul isku beddesho.

Previous Post

Baydhabo: Haweenay dan-yar ah oo dhaqaale ay ka heshay shaqada dhagax-jabinta ku sameysatay ganacsi nolosha qoyskeeda ku filnaaday

Next Post

Karkaar: Qoysaska danyarta ah oo wajahaya daawo la’aan markii uu gabaabsi dhaqaale ku yimid xaruumo ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jireen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Karkaar: Qoysaska danyarta ah oo wajahaya daawo la’aan markii uu gabaabsi dhaqaale ku yimid xaruumo ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jireen

Karkaar: Qoysaska danyarta ah oo wajahaya daawo la’aan markii uu gabaabsi dhaqaale ku yimid xaruumo ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo