Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Jowhar: Ganacsato iyo beeraley dhaqaale xumo wajahaya markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
August 16, 2023
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Ganacsato iyo beeraley dhaqaale xumo wajahaya markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta

Amaano oo joogta dukaankeeda oo suuq xumo ku dhacday/ Maxamed-amoore/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maano Nuur Xasan oo khudaarta ka ganacsata ayaa tan iyo bartamihii Juun ee sanadkan ay meheraddeedu xirantahay, markii khudaarta lagu iibiyo Jowhar ay qiimo beeshay isla markaana ay wax faa’iido ah ka waysay.

Waxay u sababaysay gaadiidkii khudaarta ka qaadi jiray Jowhar oo hakad uu ku yimid fatahaad xirtay waddooyinka soo  gala magaalada darteed, taas oo ka dhigtay khudaarta mid buux dhaafisay suuqyada.

Waxay ka mid tahay Maano boqollaal ganacsato ah oo qoysaskooda ay haysato cunno xumo. Carruurta Maano oo todobo ah ayaa dantu bidday in 24  saacba ay hal mar dabka shitaan.

Raashin ka kooban  min 12 kiilo ah oo Bur, Bariiis iyo Sonkor ah oo uu soo daynsaday saygeeda 15 bishan July ayaa gabaabsi ka sii ah. waxay ka walaacsan tahay siday ku heli doonaan raashin kale.

Dukaanka ka xirmay ayay maalinkii ka heli jirtay lacag u dhaxaysa $8-10  taasi oo hadda meesha ka baxday.

“Markii hore sadex waqti ayay ilmahaygu wax ii cunayeen. Haddase saddexdii waqti gaab ayay gashay hal waqti ayaan ku soo aruurnay. Hadda oo aanan shaqayn waxba ima soo galaan. Marka saamayn wayn ayaa taas igu yeelatay.”

Maano waxay sheegtay in  khudaarta oo suuqa isku soo gaartay kana badatay baahida dadka deeganka darteed ay keentay qiimo-dhaca xad-dhaafka ah. Waxay xustay in jirgaanka yaanyada ah oo loogu keeni jiray $5  hadda uu marayo $1. Taas oo meesha ka saartay in faa’iido laga helo.

Haweenaydan waxay subax walba miiska dhigan jirtay yaanyo, moos, basal iyo baradho, balse tan iyo 17 bishii Juun ee sanadkan meheraddeeda ma furin suuq xumada darteed.

“Maaddama ganacsii uu hakad galay oo aan guri joog noqday hoos u dhac wayn ayaa hadda qoyskaygu la kulmay”.

Dhaqaalo xumada soo foodsaartay qoyskan darteed waxay ka cabsi qabaan in sanad dusiyeedkan furmaya billawga bisha siddeedaad ay waxbarashada ka haraan   saddex ka mid ah carruurtooda oo dhigta fasaladda dusiga sare iyo dhexe oo bishii laga qaadin jiray lacag dhan $26.

Ganasigeeda oo ay ku billawday $300 oo uu daymiyay nin ay qaraabo yihiin sanadkii 2018 ayaa il dhaqaale u ahaa qoyskeeda oo ku tiirsanaa maaddama aabbaha reerku uusan shaqayn siday sheegtay.

Waxay xustay in xilligan meheraddeedu ay wajahayso caqabad aan horay u soo marin. Waxaa lagu leeyahay kiradda labo bil oo ah $100 oo uu ka qaado nin leh dabakaayo ay wax ku gadan jirtay. Waxay rajo ka qabtaa in ay dib ugu laabato marka suuqu isbeddelo.

Si la mid ah ganacsatada waxay arrintaan saamaysay beeralayda oo sanadkan filayay inay faa’iido badan ka heli doonaan beerahooda oo hadda dalag fiican u soo go’ay saddex sano oo abaar ahayd ka dib.

Rajadaas ayaa meesha ka baxday markii ay ku qasbanaadeen in khudaartooda ay u iibgeeyaan suuqyada Jowhar kaliya markii gaadiidkii khudaarta loogu qaadilahaa gobolada waqooyi oo ay dalabka ugu badan ka heli jireen ay soo gali waayeen Jowhar.

Qaasim Cumar Cabdullaahi  oo ka mid ah beeraleyda ku nool degmada Jowhar wuxuu saddexdii bishaan suuqa  keenay dalagyo isugu jira galley, haruur, yaanyo, Moos iyo khudaar. Dalagga qaarkiis ayaa qurmay, markii uu waayay cid ka soo dalbata.

Tobankii bishan July wuxuu  kala laabtay 10 kiintaal oo ah galley iyo haruur, markii uu iib u waayay. Kiiladii haruurka ama galleyda ah oo suuqyada Jowhar ka ahaan jirtay   $1 doollar ayaa hadda la iibinayaa   $0.25, aas oo meesha ka saartay in beeralaydu ka helaan nolol maalmeedkooda.

“Magaalada Muqdisho oo khudaartu noo aadi jirtay ma noo aaddo afarta jaho waxa naga fadhiya biyo, saamaynta taas ayaa nagu keentay.”

Ninkan oo ah aabbaha qoys ka kooban toban qof ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa uu ku maareeyo daymo uu ka soo qaato ganacsato deggan Jowhar oo ay macmiil yihii iyo raashinka diirka leh ee uga baxay beerta oo ay karsadaan markay wax kale soo waayaan.

Wuxuu xusay in qiime dhaca ku yimid dalagyada ay isagu ku tahay khasaare, maaddama lacagtii ka gashay markii uu tacbayay aysan uga soo bixin.

Kun iyo shan boqol oo doollar oo uu soo deysaday ayuu sheegay in lagu leeyahay. Lacagtan wuxuu ku bixiyay abuurka iyo falista beerta, taas oo laga rabay in uu iska gudo bishii juun ee la soo dhaafay.

Samayna suuq  xumadan waa mid ay ka siman yihiin dhamaan beeralayda Jowhar sida uu Radiyow Ergo u sheegay Muxuyadiin Cabdullaahi Maxamuud oo ah Guddoomiyaha iskaashatada beeralayda Jowhar. Wuxuu xusay in ku dhawaad 8,000 oo beeralay  ah oo Jowhar iyo deegaannada hoos yimaada ku nool ay u iib waayeen dalagyadii ay abuurka badan sanadkan galiyeen.

Muxiyadiin ayaa sheegay in beerta ugu yar sanadkan la galiyay lacag dhan $1,000, maaddama sanadkan uu roobka gu’ga si fiican uga da’ay  gobolka Shabeelle dhexe.

Magaalada Jowhar oo ay dadkeedu u badan yihiin beeraley ku tiirsan biyaha wabiga Shabeelle ayaa si guud looga dareemay qiimo dhaca  khudaarta, taas oo saamayn ku reebtay dadka ka ganacsada iyo beeralayda.

Previous Post

Karkaar: Qoysaska danyarta ah oo wajahaya daawo la’aan markii uu gabaabsi dhaqaale ku yimid xaruumo ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jireen

Next Post

Jubbada hoose: Dabeysha xooggan ee xagaaga oo hoy la’aan ka dhigtay kumanaan qoys oo barakac ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Jubbada hoose: Dabeysha xooggan ee xagaaga oo hoy la’aan ka dhigtay kumanaan qoys oo barakac ah

Jubbada hoose: Dabeysha xooggan ee xagaaga oo hoy la’aan ka dhigtay kumanaan qoys oo barakac ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo