Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

WFP OO DIB UGA HOWLGALEYSA KISMAAYO

Radio Ergo by Radio Ergo
January 29, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay`adda QM ee cuntada ayaa dib u billowday in gargaar cunto ay gaarsiiso magaalada Koofurta Soomaaliya ku taalla ee Kismaayo, markii ugu horreysay muddo afar sano ah. Isku dhacyo iyo amaan darro ayaa ka hor istaagay WFP iyo hay`ado kale oo gargaar inay deegaankaas ka shaqeeyaan, balse amaanka oo haatan soo wanaagsanaaday ayaa suurto gal ka dhigay in la gaaro dadka ugu nugul ee Kismaayo ku nool.

Qiimeyn dhowaan la sameeyay ayaa tusineysa in heerar sare ay gaareen cunno yaraanta iyo nafaqo darrada ka jirta magaalada. WFP ayaa halkaas gaarsiineysa cunto diyaarsan dad gaaraya ilaa 15,000 oo qof iyo taageero nafaqeyn gaar u ah 5,000 oo hooyooyin iyo carruur ka yar da`da shanta sano ah.

“Waa wax aad muhiim u ah inaan mar kale awoodno inaan Kismaayo ka shaqeyno, iyadoo qiimeynteennii dhowaan aan ku sameynay xaaladda cuntada iyo nafaqada ay muujineyso inay jirto baahi weyn,” sidaa waxaa yiri Stefano Porretti, oo ah wakiilka WFP ee Soomaaliya. “Qiimeyntu waxay tusisay in kala bar dadka deggan Kismaayo ay u halgamayaan helidda baahiyaha nolol maalmeedkooda, boqolkiiba 24 carruurta ka hooseysa shanta sanana ay nafaqo darro heysato.” Ayuu mar kale yiri.

WFP ayaa shan xarumo quudin gaar ah ka sameysay agagaarka Kismaayo, halkaasoo haweenka uurka leh, kuwa kalkaalisooyinka ah iyo carruurta yar yar loogu sameynayo baaritaan dhanka nafaqo darrada ah. Haddii lagu arko nafaqo darro aad u dranna waxaa hore laga siinayaa nafaqooyin diyaarsan oo ay maalin walba qaataan. Saddex meel ka meel dadka daryeelka u baahanna waa carruur.

WFP waxay haatan saddex xarumo oo lagu qeybiyo cunto diyaarsan ku leedahay Kismaayo, mid walbana waxay cunto diyaarsan siisaa ilaa 5,000 oo qof maalin walba. Tan iyo intuu barnaamijku billowday horraantii bishan, tiro badan oo dad ah ayaa xarumahaas yimaada, in la siiyo cunto la kariyay oo diyaarsanna waxaa loo arkaa mid badbaado u ah intii la siin lahaa cuntooyin qalallan oo laga yaabo in dad tuugo ah ay ka xadaan.

Iyadoo u diyaar garoobeysay dib uga bilaabidda barnaamijkeeda gargaarka cunto ee Kismaayo, WFP waxay tababareysay la howl-galeyaasheeda gudaha waxayna 1,100 mitrik tan oo cunto ah kusoo daabushay magaalo-dekadeedka-isla markaana ku filan barnaamijka cuntada karsan ee diyaarsan muddo saddex bilood ah iyo barnaamijka nafaqeynta muddo lix toddobaad ah.

WFP waa hay`adda gargaar ee ugu weyn caalamka ee la dagaallanta gaajada dhammaan dunida. Sanad kasta, celcelis ahaan, WFP waxay quudisaa in ka badan 90 milyan oo qof oo ku nool in ka badan 70 dal.

FM

Previous Post

Qaxooti dib ugu soo laabtay gobolka Gedo

Next Post

XAALADDA GUUD EE ISBITAALKA BAYDHABO

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

XAALADDA GUUD EE ISBITAALKA BAYDHABO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo