Xaaladda sugnaanta cuntada ee Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo wanaagsanaato inta lagu guda jiro lixda bilood ee ugu horreysa sanadkan 2013ka, sida ay sheegtay QM.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay waaxda taxliilinta sugnaanta cuntada iyo nafaqada ee (FSNAU), uuna shaaciyay xafiiska QM ee isku xirka arrimaha bini`adaannimada OCHA ayaa sheegeysa in tirada dadka baahan ay xitaa hoos u dhici doonto.
“Si kastaba, xaaladda nafaqada ee gobollada koofurta Soomaaliya, qeybo ka mid ah waqooyiga iyo bartamaha ayaa weli sidooda sii ahaan doona, tanoo loo sababeynayo adeegyo caafimaad oo rasmi ah oo aan ka jirin, quudin xumo iyo iyadoo ay suurto gal tahay inay ka dillaacaan cudurrada biyaha ka dhasha ee daacuunka iyo jadeecada inta lagu guda jiro xilli roobaadka bilaha Abriil ilaa Juunyo,” FSNAU ayaa ku sheegtay warbixinteeda ay ka soo saartay magaalada Nayroobi.
Bishii la soo dhaafay, QM ayaa gudaha magaalada Muqdisho ka furtay codsiga 1.3 bilyan oo doollaarka Mareykanka ah oo wax looga qabanayo xaaladaha bini`aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya ilaa dhammaadka sanadkan 2013ka, isla markaana sare loogu qaadayo xasiloonida dalka, oo ay in ka badan 20sano halakeeyeen dagaallo, abaaro, daadad iyo cunno yaraan.
Codsigan, oo qeyb ka ah qorshaha horumarineed ee saddexda sano, ayaa lagu bixin doonaa 369 mashaariic bini`aadannimo oo lagu beegsanayo 3.8 milyan oo Soomaali u baahan ah, sida ay sheegtay OCHA.