Cabdiqani: “Ma jiraan wax kufsi ah oo loo geysto hablaha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada waddanka Liibiya”
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa ka warrantay xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada kala duwan ee dalkaasi, sababtuna waxay tahay in markii la sii daayaba haddana markale laga soo qabto xeebaha dalkaasi iyagoo tahriibaya. Sidaas waxaa raadiyo Ergo u sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya Cabdiqani Maxamad Wacays.
Mudane Cabdiqani ayaa dhinaca kale sheegay in haba yaraatee aanay jirin wax kufsi ah oo loo geysto hablaha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada waddanka Liibiya, lana sii dayay iyagoo aan wax dhib ah loo geysan sida uu noo sheegay safiirka. Wuxuuna intaa ku daray ee uu yiri ‘’ Waxaan maalmihii ugu dambeeyay aniga iyo qunsulka safaaradda Soomaalida isaga daba noqoneynay xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista Soomaalida, si loo soo daayo maxaabiista ku harsan jeelasha.
“Iyagaa ka mas`uul ah wixii ku dhaca haddii ay noqon lahayd in xabsi ay galaan in laga dhaco waxa ay wataan iyo in ay soo gaaraan dhibaatooyin kale, waa haddiiba ay ka badbaadaan in badda ay ku dhintaan.” Ayuu yiri safiirka oo waaliddiinta Soomaaliyeedna ugu baaqya inaysan carruurtooda ka oggolaan tahriibka, oo khatar badan gelinaya naftooda.
Xabsiga weyn ee ku yaalla magaalada Tripoli ee caasimadda ah waxaa ku jira ilaa 150 maxaabiis Soomaali ah, sidoo kale xabsi lagu magacaabo Qubus oo isna qiyaastii magaalada Tripoli u jira ilaa 140km isna waxaa ku xiran maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraysa ilaa 160 ruux, Benghazi xabsi ku yaalla oo lagu macaabo Bafuuda waxaa isna ku jira maxaabiis dhan ilaa 80 Soomaali ah, dhowr qofoodna waxaa haysta rag jabhad ah, sidaasna waxaa noo sheegay safiirka Soomaalida ee dalkaas Liibiya.
AA/FM/AM