Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

QOYSAS KU JIRA XERYAHA BAYDHABO OO KA CABANAYA DHIBAATOOYIN IYO XANUUNO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 14, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar kamid ah barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo ayaa walaac kamuujinaya dhibaatooyin dhinaca nolosha laxiriira iyadoo kaamamka laga dareemayo saameynta ay ku yeesheen cuduro soo ritay caruur.

Inkabadan 10 caruur ah oo la xanuunsanaya cuduro malariya ay qeyb katahay ayaa jiifa gudaha kaam qiyaastii 7 km dhinaca galbeed kaga began magaalada kuwaasi aannu helin daryeel caafimaad.

Xaawo Ibraahim Maxamed waa 48 jir kamid ah qoysas dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo markii roobab ay ka curteen gobolka oo soo celiyay rajada kumanaan qoys oo saameyntii abaarta ay ku yeelatay uga barakacay deegaanadooda, xaawo waa hooyada todobo caruur ah oo ay ku quudiso qarashaad kooban oo ay ka hesho xaabo ay ka keento dhul duur ah oo ku dhow kaamka ay ku nooshahay.

Ma ahan iyada oo kaliya haweenka qabta shaqooyinka kuwaasi lamid ah si caruurtooda nolol ay u helaan hasee yeeshee waxaa jira haween kale oo xilliga waaberiga ay wada kalahaan si ay u soo helaan ugu yaraan qarash casho ay ugu sameeyaan caruurtooda.

Ku dhowaad 400 qoys oo badankood ka soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ku nool halkani kuwaasi oo ashtako kamuujinaya xaaladaha ay ku noolyihiin, cunno yari, biyo la’aan iyo caafimaad darro oo isbiirsaday ayaa kajira kaamka, waxaana haweenka iyo caruurta ka muuqda tabaryarida iyo diihaalka ay ku reebeen cudurada iyo cunto la’aanta.

Cudurada kajira kaamka ayaa soo ritay carruur da’dooda ay u dhaxeyso 5 – 8 jir kuwaasi oo aanu heli daryeel caafimaad.

Xaawo ibraahim ayaa sheegtay in cuduradan aysan ku koobneyn oo kaliya balse ay yihiin kuwo ku faafsan kaamam kale oo ku yaala nawaaxiga ay deganyihiin, mana ahan markii ugu horeysay oo xaalado caafimaad daarro laga dareemo goobaha ay ku noolyihiin barakacayaasha ku nool magaalada.

Kasokow carruurta waxaajira xaalaado soo wajaha haweenka kaamamka kujira oo mararka qaar nafsadooda halis ay lasoo gudboonaanto, adeegyo caafimaad oo deg deg ah lagama helo halkani waxaana dhacda in xilli habeen ah oo dhaq dhaqaaq aanu kajirin magaalda haween ay ku umulaan gudaha cooshado kaamka ku yaala sida Radio Ergo ay u sheegtay fadumo sheikh axmed.

Qoysaska ayaa markii ay dhamaadeen abaarihii koonfurta ku dhufaty waxaa ay dib u bilaabeen ku laabasahada deegaanadii ay ka soo barabaxeen iyaga oo beertay beerahooda balse rajo xumo ayaa dib uga soo bidhaantay deegaanada markii ay gaabis noqdeen roobabkii la filayay in ay curtaan, waxaa sidoo kale saameeyay hoos u dhac kuyimid qiimaha dalaggii ka soo go’ay beeraha oo markale u kordhiyay xanuunkii ay qabeen.

Beeraleyda ma helin taageero dhameystiran oo uu kamid yahay qalab fududeeya tacbashada beeraha iyo sidoo kale hanaan maamul oo dhiira gelin u sameeya si ay uga faaideystaan kheyraadka dalka islamarkaasina loo helo waxsoosaar tayo leh oo gudaha dalka kahanaqaada.

Cadow Aadan waa beeraley ku nool magaalada baydhabo oo isaga soo tagay beertiisa markii uu dareemay in aanu jirin rajo wanaagsan islamrkaasina ay dhici karto dhibaato kale.

Waxaajira walaac ay muujinayaan hay’adaha gar gaarka oo ku aadan in dhibaatooyinka markale ay soo laabtaan, sida ay sheegtay qaramada midoobe weli waxaa jira dhibaatooyin kataagan dalka sanad kaddib abaartii ku dhufutay Soomaaliya.

Dagaalo  ka dhaca deegaano katirsan gobolada Bay iyo Bakol ayaa keenaya in ay barakacaan qoysas ubadan haween iyo caruur kuwaasi oo gaaraya xerooyin qaarkamid ah hay’adaha gar gaarku ay kasameeyeen deegaano ku teedsan xadka u dhaxeeya itoobiya iyo gobolka Bakol. Barakacayaasha ayaa ugu baaqey hay’adaha gar gaarka in ay kaalmo la soo gaaraan si wax looga qabto duruufaha adag oo ay ku nool yihiin.

Dhibanayaashan ayaa bisha barakeysan ee ramadaan ku soomaya xaalado adag oo nolosha la xiriira waxayna u muuqataa in farxad lamid ah midda dadkale aysan heli doonin marka lagaaro ciidda haddii aannu helin taageero ugu yaraan farxad gelisa munaasabadda maalintaasi oo kumanaan dad ah ay damaashaadayaan.

Cabdicasiis Koronto/MG

Previous Post

DAB KA KACAY XERADA XAGARDHEERE

Next Post

HAWEEN KA DOODAY QOONDADII AY KU LAHAAYEEN BAARLAMAANKA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
HAWEEN KA DOODAY QOONDADII AY KU LAHAAYEEN BAARLAMAANKA

HAWEEN KA DOODAY QOONDADII AY KU LAHAAYEEN BAARLAMAANKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo