
Khasaaraha ayaa ah illaa hadda inta la xaqiijiyey gubashada shan dhisme ganacsi oo ay ku jirto farmashi laga maqnaa xilligaas oo uu dabku gudahiisa ka kacay billowgii, dadka suuqa ku ganacsanayay ayaa marqura billaabay in ay hantidooda labaxaan intii awooddooda ah, iyagoo ka baqa qaba in dabku baabi’iyo, laakiin dadka oo aad usoo gurmaday ayaa suura galiyay inay damiyaan.
Dabkaan Xagardheere ayaa imanaya wax ka yar toban maalmood markii suuqii ganacsi ee xerada Dhagaxley uu baabi’iyey dab goor habeennimo ah ka kacay suuqaas oo hanti badanina ku gubatay.
waxyaabaha markasta sababa dabka kusoo noqnoqday xeryaha ayaa ah mashiinnada dabka dhaliya oo dhexyaal bartamaha suuqyada iyo xaafadaha dadku daganyahay, iyo guryaha dadka qaxootigu ku ganacsadaan oo ciriiri badani ka jiro kana samaysan caws iyo dhis, kaasoo sii fududaynaya in dabku si fudud u faafo.
Farxaan Lafoole/MH









