Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal cusub oo ku dhibaataysan xuduuda kenya iyo soomaaliya

Radio Ergo by Radio Ergo
May 2, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakacayaal cusub oo ku dhibaataysan xuduuda kenya iyo soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarakacayaal hor leh oo ka yimid qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray deegaanka la yiraahdo Tuulo Amiin oo dacalka ku haya xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto waddamada Kenya iyo Ethiopia, ayaa waxaa soo foodsaaray xaalado adag oo dhanka nolosha la xiriirta, barakacayaashan cusub ayaa lagu soo warramayaa inay ku biireen kuwo halkaasi horey ugu sugnaa.

Barakacayaashaan oo la sheegay inay badigood ka yimaadeen deegaanno ku yaalla gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo qeybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa waxaa heysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunna la`aan, hoy la`aan, biya la`aan iyo daryeel caafimaad oo aysan helin.

Carruurta iyo dadka da`da ah ayaa waxaa haysta dhibaatada ugu daran, taasoo ay ka mid tahay nafaqa darri xooggan. “Ma heysanno Weelal aan ku cunno hunguriga iyo hoy aan ka gabbaadsanno dhaxanta , roobabka iyo kulaylka, raggeenii shaqa ma haystaan.” sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegtay hooyo ka mid ah qoysaskaasi cusub ee ka soo barakacay dagaallada ka jira Soomaaliya taasoo haysata carruur badan, hooyadan ayaa intaasi ku dartay inay u baahan yihiin in lala soo gaaro gurmad deg deg ah.

Qaar ka mid ah kuwa ugu taagta daran dadkaan ka soo cararay meelo ka mid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya waa haween da` ah, kuwaasoo hadda billaabay inay ka dawarsadaan dariiqyada iyo mehradaha ganacsiga.

Haweeney Ergo la hadashay xilli ay isku toleysay jawaanno, baco iyo baakado ay doonaysay inay ka samayso gabbaad ay ka galaan iyada iyo qoyskeeda qorraxda kuleeylka badan ee ka jirta degaanka iyo roobabka billowga ah, ayaa sheegtay inay noloshu ku sii daba yar tahay, xaaladdooduna ay mareyso meel halis ah “Qoyskeyga wuxuu ka kooban yahay illaa 10 ruux, wax aan heysanno lama arko, marka waxaan u baahannahay kaalmo weyn oo leh cunno, hoy , daawo iyo biyo intaba si aan u sii noolaanno” ayay tiri haweeneydaasi.

Dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Beled Xaawo oo qaarkood soo arkay  dhibaatada haysata qoysaskaasi oo Ergo la hadlay ayaa sheegay in bulshada caalamka looga baahan yahay in dadkaasi ay wax u qabato. “Dadka muslimiinta ah, Soomalida iyo dhammaanba beesha caalamka ee wax gar-gaara waxaan ka codsaneynaa iney kaalmo deg deg ah lasoo gaaraan dhibbanayaashaan aan xitaa helin deeqaha laga dhiibo meelaha u dhaw dhaw iyaga.” ayuu yiri Rashiid Cabdi oo ka mid ah mas`uuliyiin soo booqatay goobta ay ku nool yihiin dadkaasi.

Ma ahan Tuulo Amiin oo kaliya meesha ay dhibaatadu ka jirto, ee waxaa sidoo kale jira meelo kale oo aad u fara badan oo ay weli ku xareysan yihiin barakacayaal aad u tiro badan kuwaasoo ka soo cararay abaaraha iyo colaadaha  ka jira Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ku yaalla koofurta.

Deegaankaan dhibaatada nolosha ku hayso qoysaskaasi, ayaa qiyaastii illaa 5km  ka xiga dhanka waqooyi magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Nuur Cali Faarax/AA/FM/MG

Previous Post

ROOBAB KHASAARE KA GEYSTAY GALGADUUD

Next Post

Nolosha qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xerada marataani ee dalka mozambique

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Nolosha qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xerada marataani ee dalka mozambique

Nolosha qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xerada marataani ee dalka mozambique

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo