Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey

admin by admin
February 3, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankNairobi:- Markii si weyn kor loogu qaadey gargaarka bani’aadamnimada iyo dalag aad u wanaagsan oo soo go’ay oo is-biirsadey ayaa gacan ka geystey in ay soo wanaagsanaato xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo aaney hadda xaalado macaluuleed weli ka sii jirin, laakiin haddii si weyn loo kala gooyo gargaarka waxaa dhacaysa in ay meesha ka baxaan guulihii la gaarey tan iyo markii macaluusha lagu dhawaaqey bishii Luuliyo ee la soo dhaafey, si lagu sheegey falanqeyn/lafaguris ay maanta soo saareen Waaxda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ka tirsan ee Lafagurista Haqab-beelka Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) iyo Nidaamka Ka-sii-digista Macaluusha (FEWS NET). Xogta ugu dambeysa ee la hayo ayaa tilmaameysa in 2.34 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar nafo-badbaadin iyo in la filayo in ay xaaladdu mar kale ka sii darto marka la gaaro bisha Maajo.

“Guulaha la gaarey waa kuwo jilicsan waana ay is beddeli doonaan haddii aan la sii wadin taageerada,” ayaa uu yiri Mark Bowden, oo ah Xiriiriyaha hawlaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. “Waxaa jira 1.7 milyan oo qof oo koonfurta Soomaaliya ku nool oo weli ay dhibaatooyin haystaan. Malaayiin qof ayaa si ay u noolaadaan weli u baahan cunto, biyo nadiif ah, hoy iyo gargaar kale waxaana la filayaa in ay xaaladdu ka sii darto bisha Maajo.”

“Waa in aan waqtigaan kooban ee xaaladdu ka roon tahay sidii ay ahayd markii ay jireen dhibaatooyinka ugu xun aan uga faa’iideysanaa in aan dadaalladeenna diiradda ku saarno bixinta gargaar nafo-badbaadin ah, annaga oo isla markaana dhiseyna kartida ay dadku u leeyihiin in ay waajahaan abaar mustaqbalka dhacda – sidaasna aan ku yarayno gargaar ku tiirsanaantooda,” ayuu yiri Bowden. “Soo-kabasho ayaa suuragal ah keliya marka la gaaro bisha Agoosto haddii roobabku ay wanaagsanaadaan iyo haddii waxyaabo kale oo ka baxsan roobka, sida iskahorimaad, aanu wax u dhimin horumarka ilaa hadda la gaarey.”

Sida ay qabto lafagurista FSNAU iyo FEWS NET ee maanta la soo saarey, meelaha ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo degaamada martigeliyey Dadka Gudaha Ku Barokacay ee Muqdisho iyo waddada Afgooye, halkaas oo xaalado macaluuleed ay ka sii jireen, ayaa xaaladdoodu soo wanaagsanaatey oo soo gaartey heerarkii macaluusha ka hor ay taagnaayeen. Macaluusha ayaa Soomaaliya looga dhawaaqey 20kii Luuliyo. Wixii loo soo gaarey Nofembar, ayaa qaybo ka mid ah gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay xaaladdoodu soo wanaagsanaatey oo ay soo gaartey sidii ay ahayd macaluusha ka hor, taas oo ah heerar xaalado degdeg ah.

Xogta ugu dambeysa ee ay hayaan FSNAU iyo FEWS Net ayaa muujineysa in dadaallada bani’aadamnimada ee joogtada ah uu xoojiyey dalagga wanaagsan ee hadda soo go’aya ka dib roobabkii Deyrta. Dalagga soo go’ay, oo ah laba-laabka celceliskii 17kii sano ee la soo dhaafey, waxaa uu bixinayaa 10 boqolkiiba baahida cunto ee Soomaaliya ee sanad caadi ah.

“Dalaggaan aan caadiga ahayn ee soo go’ay ayaa xoojin muhiim ah siinaya dadaallada bani’aadamnimada ee socda. Gaar ahaan, waxaa uu waxtarayaa beeralleyda-xoolo-dhaqatada ah, oo si aan caadi ahayn oo culus ay u saameeysey dhibaatadu. Haseyeeshee, arrintan ayaa laga yaabaa in waxtarkeedu uu muddo kooban jiro waxaana sanado ay iskahorimaad iyo roob yari ay jireen ay malaayiin Soomaali ah ka dhigeen kuwo nugul/baylahsan. Heerarka dhimashada ee qaybo badan oo koonfurta Soomaaliya ku tirsan ayaa weli ka mid ah kuwa ugu sarreeya dunida oo dhan, sababtuna badanaa waaa nafaqo-xumo iyo cudurro dillaaca,” ayaa uu yiri Bowden.

“Dalagga soo go’ay ee aadka u wanaagsan waxaa uu keeney in uu hoos u dhaco qiimaha cuntada iyo in ay korodho helitaanka cuntada ee dadka ku nool degaamada ay sida ugu ba’an u saameysey abaarta. Dadka Soomaalida ah ee nugul ayaa uu weli soo wajihi doonaa ‘waqti adag’ bilaha ka horreeya inta aanu dalaggan wanaagsan soo go’in. Waxaa muhiim ah in gargaar joogto ah la bixiyo si loo adkeeyo guulihii la gaarey iyo in hoos loo sii dhigo heerarka aadka u sarreeya ee nafaqo-xumada iyo geerida ee ka jira Soomaaliya. Deeq-bixiyeyaashii soo-jireenka ahaa iyo kuwa cusub ayaa sanadkii la dhaafey si aad u deeqsinimo badan wax u bixiyey. Soomaalidu waxaa ay u baahan yihiin in qacan-qabashadaas sii socoto.”

“Annaga oo u marney barnaamijeyn cusub oo hal-abuur ku dhisan iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha gudaha waxaan awoodney in aan yareyno raadadka ugu xun ee macaluusha. Haseyeeshee, gaaritaanka dadka gargaarka u baahan ayaa weli ahaan doonta culeys weyn oo jira. Waxaan si weyn isugu halleyneynaa bani’adamnimada dhammaan qaybaha ku lugta leh iskahorimaadka waxaana aan ka dooneynaa in ay muujiyaan sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay wanaajinta dadka Soomaaliyeed. Qaybaha kala duwan eek u lugta leh waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay ixtiraamaan sharciga bani’aadamnimada ee caalamiga ah ayna oggolaadaan in si shuruud la’aan ah loo gaaro dadka nugul. Sidaa si la mid ah, dhammaan qaybaha kala duwan waa in ay yareeyaan saameynta uu iskahorimaadku ku leeyahay dadka rayidka ah,” ayaa uu yiri Bowden.

Previous Post

Safaaradda Soomaalida Liibiya oo ka dayrisay dhibaatada tahriibka

Next Post

Barakac ka jira degmada Badhaadhe

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Barakac ka jira degmada Badhaadhe

Barakac ka jira degmada Badhaadhe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18 MAY 2026

IDAACADDA 18 MAY 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18 MAY 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo