Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Safaaradda Soomaalida Liibiya oo ka dayrisay dhibaatada tahriibka

admin by admin
February 2, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Safaaradda Soomaalida Liibiya oo ka dayrisay dhibaatada tahriibka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankNairobi:- Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Liibiya, ayaa ka dayriyey xawliga tahriibka ay ku socdaan boqollaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee isku biimaynaya safarka dhibta badan ee ay kaga tallaabayaan badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Cabdiqani Maxamed Wacays, oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada caasimadda ah ee Tripoli oo u warramayay Raadiyo Ergo ayaa yiri “walaal intii maamulkii Liibiya kala daatay ayey arrinta tahriibka iyo dhibaatadeedu faraha ka sii baxday, bishii hadda dhammaatay doonyo badan oo tahriib ah ayaa ka baxay Liibiya, iyadoo 2 doonyood iyagoo dadkoodu inay haligmaan ay ku dhow yihiin la soo badbaadiyey, hal doon ah ayaan jaan iyo cirib meel ay dhigtay lahayn iyada iyo dadkii saarnaa in muddo ah, iyadoo ka dibna ay soo caaryeen maydad badani”

Safiirka ayaa sheegay in 37 qof oo dadkii doontaas saarnaa aan raq iyo ruux midna lahayn, iyadoo 18 ka mid ahi maydadkoodu soo gaareen xeebaha Liibiya lana xabaalay, wuxuuna masuulku sheegay in dawladda Talyaanigu xaqiijisay geerida dhammaan dadkii saarnaa doontaas.

Wuxuu dhinaca kale safiirku ku eedeeyey ehelka iyo waalidiinta dhalay dhalinyarada inay iyagu leeyihiin masuuliyadda koowaad ee khatarta gelinaysa dhalinyarada, sidoo kalena wuxuu ka codsaday maamullada magaalooyinka xeebaha ku yaal Liibiya ay ka qayb qaataan caawinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay tahriibka.

Wuxuu kaloo sheegay safiirku in dhinaca bari magaalada ku taal ee Banqaasi ay dhalinyaro badan lagu qab qabtay kadibna la geeyey xeryo lagu hayo, waana 340 – 400 oo qof oo dhalinyaro Soomaali ah, xerooyin ayeyna ku jiraan waxayna u hayaan sidii aysan khatarta tahriibka u gelin naftooda.

wuuxuu safiirku caddeeyay inaysan jirin wax Soomaali ah oo u xiran qul qulatooyinka ka jira Liibiya, isagoo dhinaca kalena caddeeyey in maamulka cusub ee Liibiya ay gebi ahaanba mamnuuceen tahriibka.

Dadka Soomaaliyeed ee tahriib doonka ah ayaa ka kala imanaya Jabuuti, Kenya, Yugandha, Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana jira hannaaan isku xiran oo dad mukhalasiin ka macaasha dhibaatada dadka ay ku lug leeyihiin, iyadoo ay soo badanayaan Soomaalida tahriib doonka ah ee imanaya Liibiya.

MG/MH/FM

Previous Post

Dhibaatooyinka walxaha qarxaa u geystaan dadka rayidka ah

Next Post

OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey

OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo