Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaatooyinka walxaha qarxaa u geystaan dadka rayidka ah

admin by admin
February 1, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dhibaatooyinka walxaha qarxaa u geystaan dadka rayidka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGalguduud:- Intabadan dhibaatooyin iyo waxyeelo badan ayay walxaha qarxa u geystaan dadka rayidka, gaar ahaan kuwooda ku nool goobaha dagaaladu ka dhacaan, iyadoo xiliyadaas looga tago dhulka miinooyin iyo agabyo kale oo ka haray hubkii la isticmaalayey, waxaadna arkaysaa iyadoo in badan dadku ku darayaan walxahaas qashinka ay ka gurayaan guryahooda iyagoo geynaya goobaha qashin qubka kuwaasoo dhibaato u keena xoolaha, caruurta iyo dadka kale ee markaas isku daya inay nadiifiyaan goobaha qashinka lagu ururiyo.

Gobolada dhexe ee dalka Somalia oo kamid ah goobaha ay dagaalada xoogani ka soconayeen muddooyinkii ugu dambaysay ayaa waxyaabaha qarxa ka dhacaan waxaana qasaaraha ugu badani ka soo gaaraa dadka iyo duunyada ku nool degaanadaasi, gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo ay ka soo garaan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo in ay ku waayaan xubna ka mid ah jirkooda.

Gobolka Galgaduud oo kamid ah gobollada ku yaala ama dhaca bartamaha Soomaaliya waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay si isdaba joog ah uga dhacayay dagaalo ku soo noqnoqday halkaasi,waxaana dagaalada ka dhacay halkaasi ay sababeen in goobaha qaar looga tago waxyaabaha qarxa,meelaha ugu badan ee looga tago waxyaabaha qarxa waxaa ka mid ah xeryaha ay degan yihiin ciidamada ,goobaha baadiyaha oo ay ka dhacaan dagaalo qabali ah iyo goobaha lagu shubo qashinka.

“Qaraxyada ka dhaca goobaha qashinka lagu shubo waxa ay sababeen in dad badani ay ku waayeen nafsadooda kuwa kalana ay ku naafoobeen,qaraxi ugu dambeeyay waxaa ku dhintay illaa saddex caruur ah waxaana uu ka dhacay xaafadda Horseed ee ka tirsan degmada Dhuusa mareeb”sidaana waxaa idaacdda ERGO u sheegay Ciise Maxamuud Maalin oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ee dawladii kacaanka,Ciise ayaa intaasi ku daray in mudoodyinii ugu dambeeyay ay ka wadeen degmada Dhuusa mareeb olole dadka looga wacyi galinayo sida ay isaga ilaalin lahaayen ugana feejignaan lahaayeen goobaha ay yaalaan miinooyink agar ahaan goobaha lagu daadiyo qashinka,waxaana uu sheegay in dadka ugu badan ee miinooyinka ku waxyeelooba ay yihiin caruurta,isagoona intaasi ku daray in qashinka ay u ururiyaan dabadeedna ay wixii qashin ah gubaan wixii kale ee ay ka shakiyaana inta ay god u qodaan ku ridaan.

“Dadka waxaan uga dignaa in ay kadheeraadaan meelaha ay yaalaan wax yabaaha qarxa waxaan dalbanayaa in meelaha ay dadku ku nool yihiin laga qaado lagana baaro waxbaha qarxa sida suuqyada iyo cusbitaalada oo iyagu ka mid ah goobaha ay dadku ku badan yihiin” sidaana waxaa Ergo u sheegtay Istaahil Cali Xaashi oo ka tirsan haweenka degmada Dhuusamareeb.

“Qashinka waxaan ku qaadnaa gacamaheena kadibna waxaan qashinkaasi isugu geynaa goobo aan u diyaarinay runtiina waa arrin aad u wanaagsan oo aan ku xaqiijinayno amaanka dadkeena” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegtay Sacdiya Maxamed oo ka mid ah haweenka xaafadda Waabari ee degmada Dhuusamareeb.

“Anagu qashinka xaafadaha masoo dhigno waxaa qashinka laga keenaa xaafadaha kale waxaa dhibka ugu badan uu ku dhacayaa hooyada iyo caruurta waxaan deganahay kaamka gubtay waxaan cabsi ka qabi jirnay in ay dhibaato kasoo gaarto lakiin hada waan iska qaadnay, qaar kamid ah caruurta ku nool halkaan waxaa jirkooida ku jira firirka waxyaabaha qarxa,awoodna uma lihin inaan ka soo saarno”sidaana waxaa tiri Caynabo Aadan Guutale.iyadoona intaasi ku dartay in hay,adaha ay ka codsanayaan in arrimahaasi ay gacan weyn ka geystaan.

Gobolku waxaa uu ka mid yahay gobollada ay ka jiraan qataraha dhanka waxyaabaha qarxa,waxaana ka jirta halis badan oo la xirrirta arrimahaasi,goobha ama magaalooyinka ugu badan ee ka mid ah kuwaasoo ay ka jiraan halisahaasi waxaa ka mid ah Balanbal, Caabud waaq iyo degmada xarunta ah ee Dhuusa mareeb.

si kastaba ha ahaatee ma jiraan hay,ado qaabilsan miino saarista oo ka hawl gala gobolka xilli wali gobolka ay ka soconayaan dagaalo u dhexeeya dhinacya iska soo hor jeeda.

Cabdijamaal/MH/AA

Previous Post

SAAMAYN COLAADAHA AY KU YEESHEEN GOOBAHA GANACSIGA IYO WAXBARASHADA DHUUSAMAREEB

Next Post

Safaaradda Soomaalida Liibiya oo ka dayrisay dhibaatada tahriibka

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Safaaradda Soomaalida Liibiya oo ka dayrisay dhibaatada tahriibka

Safaaradda Soomaalida Liibiya oo ka dayrisay dhibaatada tahriibka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY-2026

IDAACADDA 19-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo