Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

ISBITAALKA DOOLOW OO AY SOO WAJAHDAY DAAWO LA`AAN

admin by admin
January 19, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
ISBITAALKA DOOLOW OO AY SOO WAJAHDAY DAAWO LA`AAN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSaraakiisha  dhinaca caafimaadka ee degmada Doolow gobolka Gedo ayaa sheegay inay gabaabsi ka noqotay daawadii uu haystay cisbitaalka degmadaasi, oo aysana jirin waqtigaan cid gaar ah oo ay ka sugayaan, taasoo sida uu Raadiyo Ergo  u sheegay maamulka cisbitaalka  laga yaabo iney ka dhalato xaalad adag oo ay wanaagsanaan lahayd in laga hortago.

Cudurro deegaanka ka dillaacay iyo kuwo horay uga jiray oo ay ka mid yihiin Shubanka, Duumada, Nafaqa darrada,  xanuunada haweenka ku dhaca iyo qaar kale ayaa lagu soo warramayaa iney qalqal gelin karaan caafimaadka bulshada ku nool degmada Doolow iyo nawaaxigeeda, sababtuna waxa tahay daawada cisbitaalku hadda haysto oo gabaabsi ah ay keeneyso in joogsadaan hawlaha  caafimaad, kumannaan qof oo ay xaalado caafimaad darro haysatana ay halkaasi khatar ku gasho noloshooda.

Maamulaha cisbitaalka guud ee magaalada Doolow Cabdirisaaq Cali Muxumad oo loo yaqaan (Afareey) ayaa Raadio Ergo u sheegay in cisbitaalku aanu ku ekeen oo kaliya daweeynta dadka deegaanka ee sidoo kale ay daboolaan baahida caafimaad ee kumannaan dad ku soo barakacay degmada iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo ay haddaba saameysay  buu yiri  dawa yarida ina soo wajahday”.

“Baahida meesha ka jirta waa baahi daawo yari ah, siiba dawooyinka Duumada, kuwa Qallajiyaha ah iyo kuwa fuuq celinta ayaa aad ugu yar deegaanka, sida aad ogtahayna degmada waxaa ku soo qaxay dad aad u fara badan, innaguna waxaan ugu badnaan daaweyn karnaa 40%, marka xitaa shalay gabar foolaneysay oo dhiig baxaysay wax waan u qaban weynay oo waxaan u dirnay Buulo-Xaawo.  Xaaladdu aad bey u adag tahay,” ayuu yiri maamulaha cisbitlaaka Doolow.

“Waxaa iman karta iney dad badan dhammaadaan waliba hooyooyinka uurka leh iyo ilmaha shanta sano ka yar oo iyagu u nugul cudurrada, maaddaama cid baahidooda dabooli karta aysan hadda ka jirin deegaanka oo haddaba wey dhacday in kastoo aaney saa`id ahayn, laakiin weyba iska iman haddii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto, hase ahaatee waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo wax inoo qaban karta iney soo gargaaraan dadka meeshaan ku baaba`aya ee ay cudurdadu dilanayaan” ayuu yiri mar akle yiri Cabdirisaaq.

Ma aha cisbitaalka Doolow oo kaliya xarumaha caafimaad ee la daalaa dhacaya la tacaalidda bukaannada gobolka, sidoo kale waxaa jirta in iyana goobo caafimaad oo fara badan oo ku yaalla Gedo ay saaran yihiin culeysyo la xiriira dawo yari, kuwaasoo aan si rasmi ah ku kaafin karin baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolka, hase ahaatee inta badan goobaha sida bilaashka ah loogu dabiibo dadweynaha ayaa laga helaa oo kaliya daweynta cudurrada inta badan haleela bulshada, sida Duumada, Nafaqa darrida, Shubanka iyo qaar kale.
Nuur Cali Faarax/FM/MH

Previous Post

OXFAM/SAVE THE CHILDREN: JAWAABTA BEESHA CAALAMKU KA BIXISAY ABAARTII BARIGA AFRIKA OO GAABIS AHAYD AYAA KEENTAY INAY DHINTAAN KUMANNAAN QOF

Next Post

OCHA: WAA IN CAALAMKA UU SII WADAA TAAGEERADA GARGAAR EE SOOMAALIYA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
OCHA: WAA IN CAALAMKA UU SII WADAA TAAGEERADA GARGAAR EE SOOMAALIYA

OCHA: WAA IN CAALAMKA UU SII WADAA TAAGEERADA GARGAAR EE SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo