Ganacsatada yar yar oo goobo ganacsi ku leh degmooyinka Caabudwaaq iyo degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ka cabanayaan lacago been abuur ah oo ay sheegeen in la soo geliyay gobolkaasi.
Inta badan ganacsatada gobolku waxay xiriir ganacsi la leeyihiin gobollada Hiiraan iyo Mudug halka kuwa kalana ganacsigoodu uu ku xiran yahay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in aysan lacagtaan aheyn mid ay halkaas adeeg uga keensan karaan.
Marka laga hadlayo dadka ugu badan ee goobaha ganacsi ku leh degmooyinka gobolka Galagaduud waxay u badan yihiin haween iibiya khudaarta, dharka, raashiinka, hilibka iyo caanaha, waxaa kale oo jira rag leh goobo lagu iibiyo cuntooyinka kuwa la kariyo iyo kuwa ceyriinka ah sidoo kale agabka bagaashka loo yaqaan qaybihiisa kala duwan.
Arrintaan waxaa Raadiyo Ergo uga warramay Maxamed Ahmed Jimcaale oo ka tirsan ganacsatada degmada Dhusomareeb ayaa sheegay in lacagtaan ay tahay mid dhibaato ku ah dadka.
“Lacagahaan hadda ku soo kordhay magaaladaan waa lacago dadka dhibaato ku haya, kama socoto lacagtaan deegaannada gobolka ku xeeran sida Gaalkacyo, Beledweyn iyo goobaha ganacsigu nagala dhaxeeyo.
waxaa ka imaan karta khatar aad u badan, markii hore ayay dadkani dhibaato dhanka dhaqaalaha ah heysatay haddana ma jirto meel ay lacagahaas kula laaban karaan.” Ayuu yiri ganacsadahaasi.
Xasan Cabdi Calas, waa guddoomiyaha degmada Caabudwaaq wuxuu isagana raadiyo Ergo u sheegay “Go`aanka nooga yalla waa in aanu qabanno oo aan la soo gelin degmada sababtu waxay tahay waa lacag been abuur ah, haddii ay soo gashana waxaan uga digeynaa in aysan isticmaali karin lacagtaan haddii uu yahay qof ganacsi leh ama xawaaladleyda. Lacagtaas waa been abuur waxii hadda soo galayna waanu ka qabaneynaa, ciidamada ammaanka waxaan amreynaa inay soo qabtaan qofkii lagu helo dadka hadda haysatana waxaan leennahay iska celiya lacagtaas.”
Cabdijamaal Macallin Axmed/FM