Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Wareysi ku saabsan dhibaatada ciidamada dowladda Soomaaliya ay u gaystaan dadka ku jira xeryaha barakaca.

admin by admin
November 3, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
Wareysi ku saabsan dhibaatada ciidamada dowladda Soomaaliya ay u gaystaan dadka ku jira xeryaha barakaca.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMuqdisho:- Kulanti wacan dhageystayaal sida aad ula wada socotaan waxaa magaalada Muqdisho in muddo ah ka jiray falal danbiyeedyo ay geysanayaan askar ka tirsan dowladda iyo qaar badan oo inta ay xirtaan dareyska ciidamada isku ekeysiiya askarta .

Waxaana danbiyadaasi ugu waaweyn dilalka micno la’aanta ah ee dadka rayidka loo geysto, waxaana sidoo kale jira dhibaato si gaar ah u taabatay dadka abaaraha ka soo barakacay oo iyaga la kulmay tan iyo markii ay magaalada Muqdisho soo gaareen gar gaar iyo dhibaato kooxahaasi ka imaaneyysa oo is bar bar socota ,waxaana jira dhacdooyin gaar ah oo wali dadka ay xusuustaan sida dhacdadii 5tii August ee Sanadkaan ka dhacday xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay askar dooneysay in ay u gacan dhaafaan gar gaar la siiyay dadka barakacayaasha ee halkaasi inta dadka ay ku rasaaseeyeen 15 ruux ku dileen qaar badan oo kalana ku dhaawacay.

Waxaa Sidoo kale magaalada Muqdisho toddobaad kasta ka dhaca dilal goonni goonni ah mana jiraan illaa iyo hadda wax muuqda oo laga qabtay kooxaha manaxayaasha ah ee dadka dhibaateeya. haddaba maxaa sababay arrimahaasi oo dhan ? Maxaa laga qabtay ? Yaa masuul ka ah ? Maxaase xal u ah Su’aalahaasi iyo qaar kale waxaan hordhigay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda KMG Gashaanle Sare Xasan Maxamed Xuseen Muun Gaab.

Ugu horreyn waxaan wax ka weeydiinnay bal waxa sababta u ah dhibaateeynta dadka rayidka ee Muqdisho sida xoowliga ah ugu dhacda.

Gud:  Bismillaah,  in shacabka dhibaato loo geysto marka hore waan ka xunnahay ee hadda waxaa soo cusbooneeysiiyay Su’aasha ,guud ahaan waad ogtahay waxaa la dhihi karaa waa ay yaraatay shacabka dhibaatadii loo geysanayay ,hadana waa ay hagaajiyeen anshaxooda askarta waana ay yaaratay arrinta ah in dareyskooda lagu labisto ,waxaana muuqda in shacabka uu nabad galay oo aan Suuqyada la bililaqeeysan sidaas in ay xaaladda ahyyd ayaan ogeyn marka wax hadda soo cusboonaaday ma jirto waana nalagu amaanay.

Wariyaha:  Waa yahay guddoomiye dad badan ayaa ku dhageysanayo waxa aad inoo caddeeysaa cidda caqabadda idinku ah?

Gud:  Waxaan kuu sheegi karaa haddii aan soo koobo caqabadda arrintaasi hor taagan in wax laga qabto waxay tahay haddii dhibaato meel ka dhacdo oo ay qeeylo dhaan soo yeerto asalka waxa uu yahay in ciidamada Booliiska ay ku baxaan meeshaas ,cidda dhibaatada geysaneysana ay soo qabtaan sharcigana ay horkeenaan taa haddii la waayo waxa ay ka digan tahay in fowdo ay goobta camimeeyso sidoo  kale waxaa la ogsoon yahay in gudaha magaalada Muqdisho wali ay ku jiraan ciidamada Millatariga xeryo goonni ah oo hadda magaalada ayay joogaan

Wariyaha: Marka halkaasi oo kale yaa masuul ka ah haddii dhibaato ay dhacdo soo qabashada cidda geysatay ?

Gud: Taliska ciidanka meeshaas jooga gaar ahaan Taliyahaasi ayaa laga rabaa in uu wax ka qabto oo uu sharciga horkeeno ,marka haddii baryahaan ay dhibaato u soo cusboonaatay waxaa u wacan in aan la soo qabaneynin cidda dhibaatada geysatay oo aan sharciga la horkeeneynin.

Wariyaha: Arrintaasi wax  xal ah malahan miyaad leedahay oo dadkii maatada ahaa iyo dadkii rayidka sidaa ayaa loo dilaaya?

Gudo:  Maya annaga howsha aan heeyno gacmaha kama laabaneyno, Xafiisyo badan waa ay furan yihiin wixii la soo qabtana sharciga ayaan horkeenna cadaaladana waan marinnaa waan isku daynaa xitaa in aan dhaqdhaqaaqno oo aan aagaggii aan tagno iyo meelaha dhibaatada laga soo sheegayo maanta xitaa howlgal ayaan wadnay ,waxaa goobaha aan tagnay ka mid ah Lafweyn iyo  Siisii.  wixii ka horreeyay waxaan dhowr jeer tagnay Soos  iyo Heliwaa intaasna waxaan u dhaxeynay dhibaato la soo sheegay.

Wariyaha: Marka ma jirtaa inta aad howlgalladaasi waddeen cid aad u soo qabateen ?

Gud: Waxaan rabaa adiga iyo shacabka in aan idin fahansiiyo maxkamadda waxa ay qabato, Maxkamadda iyadu ma aha in ay soo qabato danbiilaha balse waxaan tageynaa halka ay dhibaato ka soo yeerto waxaan la kulmeynaa Taliyaha meeshaasi, waxaan ugu baahannahay in uu wada shaqeyn nala yeesho oo uu soo qabto askarigii dhibaatada geystay ,haddii wadashaqeyn uu nala yeelan waayo oo uu askariga soo qaban waayo maxkamadda waa ay iska soo laabaneysaa, iyadu in ay qoryo qaadato ma soo qabaneyso oo meelba kuma oga ,haddii Sarkaalka uu wada shaqeyn nala yeelan waayo Sarkaalka qudhiisa ayaa kiiska lagu soo oogayaa.

Wariyaha:  Haddii mas’uuliyaddu  ay tahay mas’uuliyad wadareed, Saraakiisha marka aad tuhunsan tihiin yaad ka sugeysaan in ay soo qabtaan iyo in ay sharciga mariyaan?

Gud:  Masuuliyaddaasi waa Mas’uuliyad wadareed oo loo baahan yahay in ay soo qabtaan kan booliiska, kan Mallatariga iyo kan Nabad Sugidda  in waajibkooda qaran ay gutaan lagulana xisaabtamo Wasaaradaha shaqada ku leh. anaaga maxkamad ayaa nahay  Maamul iyo Siyaasad iyo fal danbiyeed soo qabashadiisa intaba shaqadeenna ma aha. cidda la soo qabto in aan cadaaladda marinno ayay waajibkeeda tahay.

Wariyaha:  Guddoomiye Muqdisho wax badan ayay dhibaato ka jirtay, waayahan dambe dadka barakacayaasha ayaa la rasaaseeyaa,  dhac ayaa loo geystaa xitaa mararka qaar dad mas’uuliyiin ah baa arrinta lagu tuhmaa maxay dhibaatada u sii socotaa?

Gud: Waxaan kuu sheegayaa maxkamaddu xalka amniga qeyb ayey ka tahay. ciddii dhibaato geyatana sharciga ayaan marineynaa oo cadaaladda ayaan horkeeneynaa annaga doorka aan ammaanka ku leennahay waxa ay tahay ciddi amni darro fulisa in aan cadaaladda horkeenno.

Dhammaad

Yusuf/MH/FM

Previous Post

Hanjabaadihii Kenya oo keenay welwelka barakac ku yimaada kumannaan qoys

Next Post

Hay’ada maaraynta musiibooyinka oo ka digtay dhibaato ka dhalata duqaymo loo gaysto magaalooyin ku yaal koonfurta wadanka.

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Hay’ada maaraynta musiibooyinka oo ka digtay dhibaato ka dhalata duqaymo loo gaysto magaalooyin ku yaal koonfurta wadanka.

Hay'ada maaraynta musiibooyinka oo ka digtay dhibaato ka dhalata duqaymo loo gaysto magaalooyin ku yaal koonfurta wadanka.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo