Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hay’ada maaraynta musiibooyinka oo ka digtay dhibaato ka dhalata duqaymo loo gaysto magaalooyin ku yaal koonfurta wadanka.

admin by admin
November 4, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Hay’ada maaraynta musiibooyinka oo ka digtay dhibaato ka dhalata duqaymo loo gaysto magaalooyin ku yaal koonfurta wadanka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXaaladdaha colaadeed ee ka aloosan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa keenay cabsi ah in markale barakaca baahsani ka bilowdo magaalooyin door ah, siiba markii dhowaan dawladda Kenya sheegtay inay duqayn doonto 10 magaalo oo ku yaal koonfurta Soomaaliya.

Haddaba gudoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka dawladda Soomaaliya Dr. Cabdillaahi Maxamed Shirwac oo la hadlayey Radio Ergo ayaa ku tilmaamay arrimahani inay keeni karaan masiibo bani’aadanimo oo aad u daran.

“Arintaan hanjabaadda duqayntu waa dhibaato soo korortay, xilligii abaaraha iyo macaluushu bilaabatay dad badan ayaa u soo qaxay Muqdisho iyo kuwo ka talaabay xuduudaha wadamadda deriska ah ee Kenya iyo Ethiopia, bishii Juun gurmad ayaa laga bilaabay Muqdisho, natiijo fiican ayuuna dhalay, dhimashadii faraha badnayd, qulqulkii dadka iyo nafaqa daradii aadka u darnayd way yaraatay, waxaan dhowaan qorshayney inay hay’adduhu la yimaadaan qorshe dadka barakcayaasha ah ee ku sugan Muqdisho dib loogu celin lahaa guryahoodii iyo in dib loo soo nooleeyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee magaaladda Muqdisho, sida biyaha, caafimaadka iyo saxadda.

Waxay noogu muuqataa in wararkaan ay wadaan warbaahintu ee tilmaamaya in dawladaha qaar duqayn u gaysanayaan magaalooyin keeni karaan dhibaato bani’aadanimo oo daran, dadku way soo kabanayaan, waxayna arintaani ku keenaysaa inay dib ugu noqdaan macaluushii, magaalooyinka hadda hanjabaadaha loo jeediyey waxaan na soo gaaraya in barakac ka bilowday, waxaanan ku talinaynaa in la joojiyo colaadaha lana kordhiyo gargaarka iyo taakulaynta dadka barakacay la siinayo”.

Dad door ah oo ku sugan magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baardheere oo Radio Ergo la hadlay ayaa sheegaya in ay hadda jirto in dadku markay maqleen duqayn ay ka carareen magaalooyinka iyagoo u cararaya dhulka miyiga ah, tan kale dadkii qorshaynayey inay wakhtigaan dib ugu noqdaan guryahoodii si ay uga faa’iidaystaan xilli roobaadka Dayrta ayaa iyaguna baaqanaya oo ku sii negaanaya xeryahii ay horey ugu barakaceen, tan ugu daran ee hadda walaaca laga qabo ayaa ah in barakac hor leh soo gaaro Muqdisho ayuu sheegay gudoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka dawladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dad ka baxay magaaladda Kismaayo xilligaana ku sugan degaanka Goobweyn oo waqooyi ka xigga Kismaayo ayaa Ergo u sheegay isaguna “Annigu waxaan ka mid ahay dadka shacabka ah ee degan Kismaayo, markaan aragnay hadaladda dadku isla dhex marayaan iyo duqaymo loo geystay magalooyin u dhow dhow Kismaayo, ayaan go’aansanay inaan isaga baxno Kismaayo, waxaanan hadda marayaa Kabsuuma, waxaana ila socda qoyskaygii iyo caruurtaydii, dad badan oo kale ayaa marayaa meesha, waxayna hadda go’aansadeen inay meelaha dhinaca yadda koonayaasha ahi uga baxayaan, dad badan oo hadda degey Goobweyn ayaa jira”

Wuxuu kaloo sheegay qofkaan oo ka gaabsaday magaciisa in coladaahii Kismaayo horey uga dhici jirey uu goob joog u ahaa, uuna ilaa saddex goor oo hore dagaal uga cararay Kismaayo, qaxaanise ka duwan yahay, kuwii hore waxaan naqaanay waxaan ka cararayno, kanse ma garanayno cid aan ka cararayno iyo meel aan u cararayno oo duqayn diyaaradeed oo la sheegay goob kastay ka dhici kartaa ayuu hadalkiisii sii raaciyey.

 

Mar la waydiiyey masuulkaan waxay ku salaynayaan cabsidaan in barakaca hore leh soo gaaro Muqdisho ee ay qabaan ayuu ku sheegay inay sameeyaan xog ururis iyo la socosho guud ahaan magaalooyinka gaar ahaan Baydhabo iyo Kismaayo oo ilaa maalmahanba ay jireen dad u barakacaya dhinaca deegaanadda Gosha ee ku teedsan webiga Jubba kuwaasoo ka imanaya magaaladda Kismaayo.

Ka sokow digniinaha ayaa waxaa dadka qaar sheegayaan in hadal haynta duqyn la geysto ay iyadda laftigeedu tahay dhibaato qayb ka ah inay dadku barakacaan.

Hay’addaha gargaarka ka shaqeeya ayaa iyagu sheegaya inay doonayaan sidii ay u gaari lahaayeen 4 milyan oo cunto yaraani ku haysato Soomaaliya kuwaasoo 3 milyan oo ka mid ahi ku sugan yihiin koonfurta, report, dagaaladaan hadda socdaana waxay hakad gelin karaan sidii loo gaari lahaa dadkaas, iyo in tiro kale oo barakacayaal ahi abuurmaan.

Ugu danbayntiina hay’adda maaraynta masiibooyinku waxay ku baaqday in la joojiyo dagaaladda si dadka Soomaaliyeed u helaan nabad ay markale ku soo ceshadaan adeegyadoodii nolosha.

Previous Post

Wareysi ku saabsan dhibaatada ciidamada dowladda Soomaaliya ay u gaystaan dadka ku jira xeryaha barakaca.

Next Post

Muqdisho: qoysas dib loogu celiyay deegaanadii ay ka soo barakaceen

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Muqdisho: qoysas dib loogu celiyay deegaanadii ay ka soo barakaceen

Muqdisho: qoysas dib loogu celiyay deegaanadii ay ka soo barakaceen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-SEP-2026

IDAACADDA 19-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo