Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaybta labaad ee barnaamijka tiiraanyo iyo tahriib

admin by admin
November 11, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaybta labaad ee barnaamijka tiiraanyo iyo tahriib
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQeybtan labaad ee barnaamijkana waxaannu ku eegi doonnaa, waxa  uu tahriibuhu dareemo ka hor tahriibka iyo inta badan meelaha ay Soomaalida ka tahriibaan iyo waxa u fududeeya.

Marka laga hadlayo tahriibka waa howl adag oo tahriibuhu uu muddo badan ka baaraandego dabadeed marka uu howshan adag isku diyaarinayo, waxaa qaar badan oo ka mid ah dadkii horay u tahriibay ay inoo xaqiijiyeen in qofka uu dareemayo murugo qalbigiisa buuxineysa arrintaasi oo ay u sababeeyeen arrimo badan.

Tah hore waxay tahay qofka tahriibaya ma jecla in uu ka tago dadkii ay dunida isku jeclaayeen ee ehelkiisa, tan kale ee qofka tahriibaya uu aad ugu xisaabtamo aadna uga walwalo waa waxa ay ku dambeyneyso naftiisa nolol iyo geeri maadaama uu safarku yahay mid adag

Mahdi Cabdullaahi Axmed, oo horay Soomaaliya uga tahriibay dibna loogu soo celiyay, ayaa wuxuu gaarsiiyay walwalka uu qofka dareemayo, ka hor inta aanu tahriibin heer uu cuntada iyo hurdadaba ka go’o.

“Run ahaantii markii ugu horreysay ee damac tahriib uu i soo galo waxay ahayd labo sano ka hor, markaasoo aan ku hammiyay in dalkaan aan si dhaqso ah uga baxo xilligaas waxaan dareemay murug aad u fara badan cabsi iyo walwal joogta ah ayaan dareemay waalikeyna wuu iga walwalayay aniga iyo waalidkaba waxaan kabaqeynay inaan meel cidlo ah ku dhinto”.

Su.aal:  marka murugadaasi noloshaada iyo go’aankaaguba maxay ka baddeshay?

Jawaab: “Nolosheyda culeys fara badan ayaan dareemay sida hurdada oo igu yaraatay laakiin saacad walba tahriibka ayuun baan ka fikirayay iyo sida uu igu dhammaan karo”.

Su.aal: marka naftaada maxaad ku qancinjirtay, yaad kala tashan jirtay go’aanka ugu dambeeya ee kuu soo baxayna muxuu ahaa?

Jawaab: “Run ahaantii nafteyda waxaan ku qancin jiray inaan tahriibo, murug ayaa idabooshay wax aan sameeyo waan garan waayay waxaana iga dhaadhacsanaa oo kaliya tahriibka”.

Laakiin Mahdi ayaa wuxuu intaa iigu daray in mar qofka haddii ay murugadaasi soo gasho, go’aankiisa ugu dambeeya uu noqonayo tahriibka oo kaliya oo go’aankaasi aanu ka laaban.

“Run ahaantii inta aan anigu arkaayay qof tahriib damcay, oo go’aankaasi haddana ka laabtay maan arag qofka tahriibka oo kaliya ayaa u soo baxaysa “.

Sida aanu warbintani ku ogaannay, waxaa jira in yar oo ka mid ah dadka uu tahriibku niyadda ka galo oo ka laabta go,aankaasi, inta uu qofka ku jiro xilliga uu dareemayo murugada tahriibka Xasan Cali Faarax wuxuu ii sheegay inuu isku deyay in Muqdisho uu dhowr jeer ka tahriibo laakiin murugada ka tanbadisay ay ku qasabtay in go’aankaasi uu dib u liqo.

“Walaal aniga sababta aan tahriibka u doonayay waad garan kartaa, waayo Soomaaliya waxa ka dhaca waad ogtahay gaar ahaan magaalada Muqdisho anigana Muqdisho ayaan joogaa waxaan jeclahay inaan ka tahriibo, sababaha aan u tahriibayo waxaa ka mid ah shaqo la’aan nolol la’aan  waxbarasho la’aan  laakiin murugbaa I gashay oo cuntadii ayaan ka go’ay sidaas awgeedna dhibaato waliba hadhacdee waxaan go’aansaday inaan dalka iska joogo”.

Dadka ka tahriiba Soomaaliya, ayaa waxay adeegsadaan waddooyin badan iyagoo tahriibkooduna u kala jiheeyay dalal iyo qaarado, taasina waxay ku xirantahay taageerada iyo qarashka uu qofka markaa heli karo inta badan dadka aanay waalikood ka warqabin ee tahriiba haddana aan haysan qarash buuran, waxay u tahriibaan dhinaca dalka yemen oo ah dal aan sidaasi uga dhaqaalo wanaagsaneyn Soomaaliya, laakiin ujeedka tahriibuhu uu yahay inuu uga sii gudbo dalka Sacuudiga waxaana dadkani doonaya ay ka raacaan xeebaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. waxaa jira dad u tahriiba isla dalka Yemen balse adeegsada waddo k abadbaado roon tan Boosaaso oo ah dhinaca dalka Jabuuti  waxaa la ii sheegay intii aan baaristani ku guda jiray in dadkaasi ay raacaan doonyo waaweyn oo lagu qaado xoolaha nool waxaana ka shaqeeya  shaqaalo u dhashay dalka India  oo dadka u fududeeya inay doonyahaasi raacaan waakan Mahdi oo markale arrintaasi ka hadlaya

“Run ahaantii waa iska nasiib, waa jirtaa  doon sharciyeysan oo Hindida ay ka shaqeeyaan oo dadka ay raacaan $120 ayaa  la bixiyaa nin dallaal oo Jabuutiyaan ah ayaa kuu soo dhammeynaya waxaad siineysaa 40 faran illaa iyo 30 faran marka doontaas ayaad raaceysaa oo ku geyneysa magaalada Cadan ee dalka yemen”.

Badanaa dadka haysta dhiirrigelinta tahriibka waxay markiiba abbaaraan dhinaca dalka Liibiya si ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub iyo dalka Talyaaniga, laakiin dadkan safarka ugu adag uguna qatarta badan ayay gawaari ku sii maraan dalal badan oo Afrikaan ah.

Waxaa kale oo jira dad iyana u qul qula dhinaca dalka koofur afrika kuwaasi oo iyana isga gudba dalal badan, mararka qaarna inta la qabto ayaan dib loo arkin haddaba waddooyinkaasi iyo kuwa kalaba oo tahriibayaaasha ay adeegsadaan iyo hababka ay u isticmaalaanba waa diiradda barnaamijkan tiiraanyo iyo tahriib

Waxaa jira dad badan oo aad isu weydiiyay aadna uga fikira, sababta qofka tahriibayo oo laga yaabo mararka qaar in uu gacanta ku haysto dhowr kun oo doollar sababta uu qarashkaasi ugu adeegsan waayay habab kale sida in uu ku abuuro ganacsi iyo xirfado noloshiisa wax taraya oo uu kaga maagi waayay qatarta uu noloshiisa gelinayo

Pro. Cabdinuur Macallin Abuukar, oo wax ka dhiga jaamacadda Beledweyn wuxuu arrintaasi ku fasiray inay tahay Soomaalida qaarkood oo aan dalba u arkin dalkooda hooyo una hanqaltaaga nolosha taalla waddamada galbeedka.

“Arrintaasi waxay qeyb ka tahay rajo xumada, macnaha wax rajo ah ma jirto taasaa dadka ku kallifeysa inay dalkooda ka hijroodaan oo meel kale ay aadaan qofka haddii ay u muuqato rajo berrito jirta wuu iska joogi karaa laakiin haddii maalin waliba uu mugdi filanayo sabab uu ku joogo majirto”.

Yusuf Keynan/MH/FM

Previous Post

Qm Oo Ka Walaacsan Xayiraad Iyo Hanti La Wareegid Alshabaab Ay Ku Dhaqaaqeen

Next Post

Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha

Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo