Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 11, 2011
in Cunto-Yaraanta
0
Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa la isku raacsan yahay in waddanka Soomaaliya uu leeyahay xoolo aan cadadkooda la soo koobi karin, kuwaasoo ah nooca ugu wanaagsan xoolaha lagu dhaqdo adduunka korkiisa. iyadoo aqoonyahannadu sheegeen inay taasi tahay tan keentay in kumannaaan xoolo ah laga dhoofiyo waddanka, ayna noqdaan tiirka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Haddaba xannaanaynta xoolaha ayaan jirin, iyadoo ay saamayn ku yeesheen daagaallada 21-ka sano socda, dhaqashadii iyo tacabkii laf dhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed waa xoolaha nool e.

Xoolaha la dhaqado oo kala ah Geela, Lo’da, Adhiga iyo Fardaha gobolkasta oo waddanka ah xoolahan qayb ka mid ah waa lagu dhaqdaa, Dr. Mohamed Omar Enow oo ah dhakhtar ku takhasusay xoolaha ayaa wuxuu leeyahay:

“Cudurrada ku dhaca xoolaha way fara badan yihiin, wayna kala duwan yihiin, xilliyada ay ku dhacaanna waa kala geddisan yihiin, kuwo dadku sababaan waa jiraan kuwo deegaanku keenaana waa jiraan. wakhtigaan hadda la joogo xoolaha waa isku mid waxaan annagu baaritaan ku samaynay gobollada dhexe sida Cadaaddo iyo Caabudwaaq, cudurradan ka helnayna wa isku mid, sambabka, furuqa, cabeebka, dhiciska, mandheerta, iyo gooryaanno kala geddisan, cudurka Sambabka ayaana ah kan ugu badan ee dila xoolaha Soomaalida” .

Cudurradaan ayaa ah kuwo badi ku dhaca xoolaha Soomaalida, Dr. Mohamed Omar wuxuu sheegayaa in cudurrada uu gooryaanku keeno ay yihiin kuwa waydeeya neefka, kana dhammeeya cadka iyo caanahaba.

Talooyinka la siinayo xoolo dhaqatada ayaa ah in ay la socdaan daaweynta iyo wanaajinta saxada xoolaha, xooluhu sida dadka ayey ugu baahan yihiin in loo daaweeyo. hay’ad la yiraahdo Solidarity ayaa hadda wadda inay tababarto dadka ku nool tuulooyinka gobollada dhexe iyadoo la rajaynayo in Soomaaliya oo dhan la gaarsiiyo.

Bacda la isticmaalo ayaa iyaduna ah dhibaato haysata xoolaha iyadoo ay xooluhu cunaan ka dibna cudur ay ku noqdaan, waana tan ugu khatarsan, mana jirto daawo bac lagu daaweynayo. sidoo kale dhakhtarku wuxuu ka digey in la siiyo foolyada Muuska xoollha ayna u keenayso dhibaato caafimaad.

Talooyinka kale ee xoolo dhaqatada ayaa ah inay iyagu ay is xilqaamaan ayna duugaan dhammaan waxyaabaha dhibaatada u keenaya xoolaha ayna ugu horrayso bacda, iyadoo aan la sugin dhakhtar iyo cid gaar ah.

Arrimaha kale ee dhakhtarku ka digay ayaa a,h inay jiraan tallaal lagu sameeyo xoolaha looga hortagayo cudurrada, loomana baahna in marka neefka la tallaalo muddo 5 maalmood ah aan caanahadooda la cabi karin “masuuliyaddu waxay saaran tahay dadka xoolaha leh, annaga dhakhaatiir ahaan waxaan siinnaa talooyin, dhibaatada kale waa dadkii oo siinaya xoolihii daawooyinka dadka loogu tala galay taasina waa khalad” ayuu sheegay dhakhtarku.

Cumar Tiijar/MH/FM

Previous Post

Qaybta labaad ee barnaamijka tiiraanyo iyo tahriib

Next Post

Beeralleyda gobolka Gedo oo ka caga jiidaya inay qotaan beeraha.

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
blank

Beeralleyda gobolka Gedo oo ka caga jiidaya inay qotaan beeraha.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo