Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Beeralleyda gobolka Gedo oo ka caga jiidaya inay qotaan beeraha.

Radio Ergo by Radio Ergo
November 11, 2011
in Masiibooyinka
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGEDO: Inkasta oo ay bulshada gobolka Gedo ka soo samatabaxeen abaartii iyo kuleylkii jiilaalka, haddana wali badankood uma dhaqaaqin qodashada beeraha oo waxay ka dhursugayaan inuu dhulku liqo biyaha dhex ceegaaga, waqtiyada uu roobku da’ayana uu kala fogaado, si uu dhulku u yara kafafo deetana ay suuragasho in wax lagu tabcan karo.

Beeralley fara badan oo la hadlay raadiyo ERGO ayaa sheegay iney Alle uga mahadinayaan raxmadda ku hoortay gayigooda, walina ku dul da’eysa, waxayse tilmaameen iney wali u suura geli la’adahay iney tabcadaan beeraha maadaama roobabku aaney kala go’ lahayn. dhulka meelaha qodashada ku wacan ee ay beeruhu ku yaallaanna ay ku jiraan biyo fara badan, qaarkoodana ay yihiin wali kuwa qoyan oo aad u jilicsan xilligii ku habboonaa tacabkana uu wali dhiman yahay.

Mid ka mid ah beeralleydii u warrantahay raadiyaha ERGO, ayaa isagoo ku sagan magaalada Luuq wuxuu sheegay iney isu diyaarinayaan iney dhulka miro ku beertaan, laakiin haddana ay aad u taxaddarayaan oo ay ka fekerayaan waxyeello kasta oo soo wajihi karta beerahooda.

“Beeraha hadda xilli roob waaye, biyaa fadhiya lama galo marka xilliyada roobka uu feero ama uu kala kaco fursad lagu gaadaa oo beeraha in la tabcan karo ayaa leysku dayaa marmar waxaad arkeysaa dheelidii oo dhexmareysa roobka uu ku da’ayo, dheelidu biyaha raaceyso” ayuu sheegay mid ka tirsan dhul qodatada degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Sidaasoo kale waxaa isna beeralley kale oo ku sugan magaalada Doolow ee gobolka Gedo uu ERGO u sheegay, in haba yaraatee aanu hadda wax tacbasho la taaban karo ka jirin Gobolka, laakiin ay sugayaan oo kaliya cirka iyo dhulka oo isla hela fursad yar oo u oggolaan karta iney dhul qodashada ku dhaqaaqaan.

 

“Tacbasho hadda majirto oo waa roobsan yihiin beeraha, kolkey biyaha ka dhammaadaan ayay abuurayaan, roobabna waa laga baqayaa haddana biyaa ku jira” ayuu yiri beeraley ku sugan magaalada Doolow ee waqooyiga gobolka Gedo.

Magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka ayay xaaladahaan oo kale ka taagan yihiin, sida degmada Baardheere oo uu maro wabiga Jubba, waxaana si kasta oo ay tahayba beeraleydu heegan ugu jiraan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen roobabka da’ay iyo reyska dhulka barwaaqada maanta la jiifa.

Nuur Cali/MH/FM

Previous Post

Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha

Next Post

CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILLAACAY DEGMADA DHOOBLEY

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILLAACAY DEGMADA DHOOBLEY

CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILLAACAY DEGMADA DHOOBLEY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo