Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hay’adaha soyden iyo yea oo carruur u qaybiyay qalabka lagu caseeyo kabaha

admin by admin
November 21, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankCarruur gaaraysa illaa soddon carruur ah kuwaasoo isugu jira carruurta qoysaska barakacayaasha, carruurta jidadka, iyo  carruur kale oo horey ugu shaqaysan jiray xirfadda caseeyanimada ayaa la guddoonsiiyay sanaadiiq ay ku jiraan qalabka  lagu caseeyo ama lagu nadiifiyo kabaha,qalabkaasoo ay guddoonsiiyeen hay,adaha kala ah SOYDEN iyo hay,adda YEA

Barnaamijkan ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday SOYDEN oo ah hay’adda isku xirka iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo hay’adda ACRL oo ah golaha hoggaaminta diimaha Afrika, waxaana fulisay hay’adda shaqo abuuridda dhalinyarada ee YEA oo mataan la ah SOYDEN.,waxaana lagu soo beegay munaasibaddan carruurta caseeyaasha lagu guddonsiinayay agabyadaasi maalinta Raja galintaiyo duceynta caruurta adduunka ee 20ka Nofembar qalabkaasoo ay hay,aduhu ugu tala galeen in carruurtu ay ku shaqaystaan si ay uga soo saartaan nolol maalmeedka qoysaskooda danyarta ah.

Munaasabadda lagu guddoonsiinayay carruurta caseeyayaasha ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: Maxamuud Cali Alassow (Jaani-dheere) oo ah farshaxamiiste Soomaaliyeed iyo xubnaha hay’adaha SOYDEN iyo YEA.

“Carruurta aan soo xulannay waxay ahaayeen 30, qaarkood waxaan ka keennay kaamamka ay ku jiraan barakacayaasha, qaarkood waxay ahaayeen carruurta waddooyinka ka qaraabta iyo kuwo kale oo horay ugu shaqeysan jiray caseeyaha” sidaana waxaa tiri  tiri Fowsiyo Cabdul-ladiif Axmed oo ah madaxa xog-ururinta YEA, Fowsiyo waxay intaas ku dartay in carruurta yar-yar ee ay guddoonsiiyeen qalabka caseeyaha ay yihiin kuwa ugu liita bulshada ayna go’aansadeen inay shaqooyin u abuuraan si ay u soo saartaan noloshooda.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga xuso Munaasibaddaan taas oo la aasaasay markii ugu horreysay sannadkii 2008. Iyadoo saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga xusay dalal badan oo caalamka ku yaalla, waxaana hal-ku-dhigga sannadkan laga dhigay: (JOOJI TACADDIYADA KA DHANKA AH CARUURTA).

Carruurta loo qaybiyay caseeyayaasha ayaa waxay da’doodu u dhexeysay 10-sano illaa 15-sano, qaarkood waxay ahaayeen kuwo la nool eheladooda kaddib markii waalidiintood ay dhinteen.

“Waxaan la noolahay eedaday, waxaan helaa wax yar oo lacag ah, iyada ayaana ku caawiyaa,” ayuu yiri Cali Cumar Bashiir oo ka mid ahaa carruurtii caseeyayaasha loo qaybiyay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay caseeyaha la siiyay. Wuxuuna xusay in dhowr maalmood uusan shaqeysan kaddib markii uu ka lumay qalabkii uu wax ku caseynayay.

Sidoo kale, mid ka mid ah carruurta ayaa sheegay inuusan weligii noqon caseeye uuna ku faraxsan yahay in maanta uu billaabo shaqo, isga oo ka mid ahaa carruurta  ku nool waddooyinka, iyadoo carruurtu ay ka baxeen halkii qalabka lagu guddoonsiiyay iyagoo faraxsan qaarkoodna ay qaylinayeen.

Warsaxaafadeed ay soo saareen hay’adaha SOYDEN, YEA iyo ACRL ayaa waxay ugu baaqeen qaybaha bulshada, siyaasiyiinta, mucaaradka iyo muxaafadkaba inay u istaagaan taageeridda iyo wax u qabashada caruurta Soomaaliyeed oo u baahan daryeel iyo ka difaacidda tacadiyada loo geysto.

Horraantii sanadkaan ayay ahayd markii munaasibad sidaanoo kale ah ay xarunta shaqa abuurista Dhaqane ay  carruur gaaraysa illaa 40 ugu  qeybisay  qalabka lagu caseeyo kabaha,waxaana dhammaan arrimahaan ay qeyb ka qaadanayaan dhiirri galinta carruurta yar yar ee iyagu dhexda u xirtay in ay dabaraan baahida qoysaskooda oo ah kuwa aad u duruufeysan

Abdisamad Abdulkadir/MG

Previous Post

Raashinka oo gabaabsi ka noqday magaalooyin badan oo ku yaal xuduudaha soomaaliya, kenya iyo ethiopia

Next Post

DADWEYNAHA XAGARDHEER OO KA CABANAYA QASHIN BUUX DHAAFIYAY WADDOOYINKA XERADAASI

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
DADWEYNAHA XAGARDHEER OO KA CABANAYA QASHIN BUUX DHAAFIYAY WADDOOYINKA XERADAASI

DADWEYNAHA XAGARDHEER OO KA CABANAYA QASHIN BUUX DHAAFIYAY WADDOOYINKA XERADAASI

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo