Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhibaatooyinka uu sababo guurka xilliga hore ah ee gabdhaha

admin by admin
November 2, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
Dhibaatooyinka uu sababo guurka xilliga hore ah ee gabdhaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMuqdisho:- Guurka xilligga hore ah ee gabadha yar iyadoo aan u bislaanin la guursado, ayaa waxay ku keentaa gabdhaha yar yar dhibaatooyin dhanka caafimaadka iyo mid dhaqanba.

Waxaa jira haween badan oo Soomali ah kuwaasoo noloshooda ay saamayn ku yeelatay guurka xilliga hore ah, oo gabadha iyadoo jir ahaan iyo maskax ahaanba aanay ugu dulqaadan karin ay noqoto haweenay reer leh islamarkaana ay adagtahay in isfaham buuxa uu ka dhasho qoyskaasi la yagleelay.

Farxiyo Aaden, waxay ka mid tahay haweenka ku guursaday da’da ka yar 15-ka sano, iyadoo Ka warrameysa sababta iyadoo yar ay u guursatay iyo dhibaatooyinka ay la kulantay ayaa waxay tiri “ waxaa igu kalliftay inaan anigoo yar guursado daruuf ka timid dhanka Qoyskeyga, waxaana xilligaasi ii bilaabnaysay da’da 14ka sano, dhibaatooyinka aan la kulmay waxaa ka mid ahaa uurka markaan yeeshay rafaad badan ayaan ka maray, waayo aad baan u yaraa aniga waxaan ahaa qof aad u yar jir ahaan, waxaa igu adkaatay inaan u dulqaato xanuunka xilliga uurka ”.

Farxiyo oo guurka xilliga hore ah kala kulantay dhibaatooyinka ay soo sheegtay ayaa dhinaca kale waxa ay sheegtay in xilligaasi aysan ogeyn in wax xil ah uu ka saarnaa dhaqanka gurigeeda, waxeyna sheegtay in ay ku adkeyd in ay guriga maamusho iyadoo xustay in xilligaasi ay isku arkaysay sidii iney ahayd ardayad dugsileey ah oo reerkii waalidkeed joogta.

Sidaasi si la mid ah, haweenka ay saamaynta ku yeelatay noloshooda guurka Xilliga hore ah ayaa waxaa ka mid ah Raxmo Ahmed oo xlligan ah hooyo haysata Afar carruur ah, iyadoo inooga warrantay dhibaatooyinka ay kala kulantay guurka xilliga hore ayaa waxa ay sheegtay in la guursaday iyadoo da’da 14 sano jirka ah islamarkaana aanay kala garanaynin in uu xil saaranyahay iyo in kale, waxeyna sheegtay in ay la kulantay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka oo ay ka mid yihiin sida ay sheegtay Dhabar xanuun iyo Mindhicir xanuun, waxeyna intaa ku dartay in uu farqi weeyn u dhaxeeyo dhaqanka xilligaan iyo xilligii hore oo ay ahayd Carruur.

Dr Xaliimo Mohamed waxey ku soo taqasustay cudurrada haweenka iyadoo sharraxaad ka bixinaysa dhibaatooyinka caafimaad ee ku dhaca haweenka lagu guursado da’da yar ayaa waxa ay tiri “ Markey Gabadhu guursato iyadoo yar dhibaatooyin badan oo xagga caafimaadka ayaa u yimaado, cudurro wey ku dhacaan, oo matalan ay ka mid tahay cudurka dhiig karka, wey kaga badan tahay gabadha dhashoyda ah ee da’deedu fiican tahay, cudurkaa waxaa la dhahaa (Eklamshiya) waxeyna ku badantahay gabdhaha yar yar ee uurka yeesha, waxaa kaloo ku dhici karo cudurradda dhalmadda ee keena xubnaheeda oo aan u diyaar garoobin in ay uur yeelato dabadeedna ay foosha ku dhibtooto, waxaa kaloo ku dhici kara haddii ay uur yeelato gabadha yaraanta lagu guursado, in ay si deg deg ah oo lama filaan ah u dhasho oo ay ka fool dhawdahay naagta dhashoyda ah, si deg deg ah marka ay u dhashana wax yaabo badan ayaa imaan karo sida in canuggu uu dhibtoodo ibadana ay ku go’do”.

Dhanka kale Drs Xaliimo Mohamed, waxey kula talisay Hablaha lagu guurado da’da yar ee dhibaatooyinka caafimaad Qatarta ugu jira in ay habboontahay in gabadha lagu guursado da’da ka weyn 16-ka sano, iyadoo sidoo kale sheegtay in gabadha lagu guursado da’da ka weyn 30 ka sano in iyaguna ay dhibaatooyinkan oo kale la kulmi karaan, waxey sidoo kale gabdhaha yaraanta lagu guursado ee uurka leh kula talisay in ay si joogta ah ay u tagaan goobaha caafimaadka si loola socdo xaaladdooda caafimaad.

Maadaama hablaha yaraanta lagu guursado ay la kulmaan dhibaatooyinka aan ka soo hadalnay, ayaa dhinaca kale waxa uu sharciga caalamiga ah arintaani ka qabo waxaa inoo sharxaya Cismaan Aweys oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ee ku sugan Magaalada Muqdisho wuxuuna yiri “Guurka haweenka yar yar loo dadajiyo waa xaaraan, marka laga eego sharciga Madaniga ah ee Xuquuqul insaanka, wuxuu leeyahay, waa mamnuuc waana xadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka”.

Sadia Mohamed Nur/FM

Previous Post

Qiimo koror ku yimid xoolaha lagu iibiyo seyladda Garowe

Next Post

Hanjabaadihii Kenya oo keenay welwelka barakac ku yimaada kumannaan qoys

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Hanjabaadihii Kenya oo keenay welwelka barakac ku yimaada kumannaan qoys

Hanjabaadihii Kenya oo keenay welwelka barakac ku yimaada kumannaan qoys

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo