Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Mandheera. abaaraha iyo colaadaha gedo oo saameeyey cuntada iyo ganacsiga

Radio Ergo by Radio Ergo
September 21, 2011
in Cunto-Yaraanta
0
Mandheera. abaaraha iyo colaadaha gedo oo saameeyey cuntada iyo ganacsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMandheera waa magaalo ku taala gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ,waxana ay soohdin dhuleed la leedahay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay suuqyada magaaladaasi hareeyay sicir barar ku yimid dhamaan noocyada kala duwan ee badeecooyinka lagu iibiyo.

Waxaa durbaba cirka isku shareertay qayla dhaanta ka soo yeereysa dadka ku nool magalada Mandheera kuwaasoo sheegay in sicir bararku saamayn xoogan ku yeeshay noloshooda.

Qaar kamid ah ganacsatada yaryar ee ku ganacsata suuqa magaalada Mandheera ayaa Radio Ergo uga waramay xaaladda sicir bararka waxanay sheegeen in ay aad u dareemeen.

Maxamad Xaani,waa ganacsade iibiya waxyaabaha uduga iyo kuwa la isku qurxiyo,wuxuu sheegay in ay iska hor yimaadeen ganacsatada iyo dadka shacabka ,taasoo ay ugu wacantahay sicir bararka  isagoona sheegay in dadku ay  u haystaan sare u kaca inay masuul kayihiin ganacsatada taasoo uu sheegay in aysan sax ahayn.


“Sababaha ugu wacan ee sare ukaca keenay waa qiimaha shilinka Kenya oo hoos u dhacay iyo shirkadaha an alaabaha ka soo iibsano ee dibadda oo qiimahodu sareeyo ayuu yiri Maxamad Xaani oo ah ganacsade iibiya waxyaallaha haweenku isku qurxiyaan”.

Gancsiga alaabta alektaroonikada ah ayaa ka mid ah waxyaabaha  qiima kororka suuqyada degmada  Mandheera wakhtigaan saameeyey.


“qalabka korantada waxa uu qeyb ka yahay waxyabaha sare u kaca ku yimid hadii aan macaamiisheena u sheegno dhibaatooyin ganacsina waan kala kulanay taasina waxa ay saamayn ku yeelatay nolosheena sidaana waxaa Radio Ergo u sheegay Isaaq C/laahi oo ka mid ah ganacsatada ka ganacsata qalabka korantada.”

Sicir bararka ku yimid badecooyinka waxa ay saamayn ku yeelatay nolosha bulshada gaar ahaan dadka danyarta ah iyo xoogsatada, Cali dhuux waa farsamayaqaan ka shaqeeya cillad bixinta qalabka korantada gaar ahaan talefoonada gacanta, wuxuu waxa uu sheegay in sicir bararkaan ay saamayn ku yeelatay nolosha qoyskiisa,Cali ayaa sidoo kale sheegay in qalabka ay ku badalaan madaxyada taleefonada uu qiima koror ku yimid, taasoo uu sheegay in si xoog leh ay u dareemeen.

Waxyabaha qiima kororka laga dareemay suuqyada Mandheera waxa kamid ah dharka, Cumar Xirfadle waa ganacsade noocyada kala duwan ee dharka ku iibiya suuqa weyn ee Mandheere waxa  uu sheegay in ay ku wareereen is badalka lacagta doolarka iyo qiima dhaca shilinka Kenya .
Maxamad yuusuf waxa uu ka midyahay ganacsatada iibisa bagaashka iyo cuntada waxa uu ku micneynayaa sare u kaca ku yimid cunada iyo bagaashka inay ugu wacatahay  raashinka loo adegsado samafalka oo laga iibinayo suuqyada taasoo keentay in badecadi circa isku shareerto.

 Dhamaad

Nuur Cali

Previous Post

Odayaasha Ceelwaaq: Shan kun oo qof ayaa barakacay

Next Post

Cabashooyinka barakacayaasha abaaraha Muqdisho oo sii kordhaya

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

October 29, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

October 23, 2025
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

October 22, 2025
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

October 17, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aanta ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Cabashooyinka barakacayaasha abaaraha Muqdisho oo sii kordhaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-NOV-2025

IDAACADDA 05-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-NOV-2025
November 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2025
November 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2025
November 3, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2025
November 2, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 01-NOV-2025
November 1, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo