Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cabashooyinka barakacayaasha abaaraha Muqdisho oo sii kordhaya

Radio Ergo by Radio Ergo
September 22, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisoh oo ka cabanaya ineysan helin wax gargaar ah iyadoo qaarkoodna ay soo wajahday xaalad caafimaad darro.

Qoysaskan oo deggan dhismihii hore ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in muddadii ay ku noolaayeen xeradaas oo ay iigu sheegeen ineyan muddo sanad ah helin wax gargaar ah.

“Intii ehel ah ee meesha aan wada joogno waan rafaadsannahay wax aan heysanno ma laha, deyn ayaa la igu lee yahay ilmaha wax aan u haayo ma laha hayadaha gargaarka sida Turkiga waxaan ka cosanaynaa in nala gargaaro” Sidaasi waxaa ii sheegtay iyadoo murugo la hadli la’Xabibo Cali oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku nool dhismihii safaaraddii hore ee Mareykanka ku lahayd magaalada Muqdisho.

“Waxaan abaarta darteed uga soo barakacay degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, halkaan markaan imid ma jirto wax deeq ah oo aan helnay, biyo la’aan, cunto la,aan ayaa halkaan nagu haysa, mararka qaarkood waxaan dharka u soo dhaqnaa reeraha halkaan deggan, mana nagu filna waxaan ka soo helnaa, waxaan walaalaheen ka codsanaynaa in ay gargaar nala soo gaaraan”  sidaasi waxaa Radio Ergo u shegtay hoyo lagu magacaabo Deeqo Xuseen Maxamed oo ka mid ah  qoysaskaas.

Sidoo kale aabbe lagu magacaabo Cabdule Axmed wuxuu ka mid yahay qoysaska ka sheeganaya in lagu hilmaamay xeradaas, waxa aan weydiiyay sababta loo soo gaarsiin waayay gargaarka waxa uu yiri” Ma garan karo sababta naloo soo gaarsiin waayay tan iyo ciiddii Carrafo ee sanadkii hore la soo dhaafay wax gargaar ah ma anaan helin”.

Dhanka kale qoysas barakacayaal ah oo ku nool xerada barakacayasha caafimaad ee ku taala degmada Boondheere ee gobolkan Benaadir ayaa iyana sidoo kale ka cabanaya xaalad dhinaca nolosha ah oo ay u dheer tahay caafimaad darro.

Qoysaska oo isugu jiro dad xoolalay iyo beeraley ahaa oo aan ku booqday halkaas ayaa ii shegay in ay haysato xaalad dhinaca nolosha ah iyadoo carruurta ku dhaqan xeradaasina ay soo food saartay xanuunka cudurka Jadeecada.

Waxaa sii kordhaya cabashooyinka iyo caafimaad darada ka soo yeeraysa qoysaska barakacayaasha ee ku sugan xeryo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.
Dhamaad.

Previous Post

Mandheera. abaaraha iyo colaadaha gedo oo saameeyey cuntada iyo ganacsiga

Next Post

Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Next Post
Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud

Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo