Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud

Radio Ergo by Radio Ergo
September 22, 2011
in Cunto-Yaraanta
0
Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGalgaduud, Raadiyo Ergo, Sebtember 2011. 34 qof ayaa gaajo iyo macaluul ugu dhimatay degaanno ka tirsan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, siduu xaqiijiyey guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee degamadaas Maxamed Axmed Jicmaale.

“Dadkaani waxaa ku dhacay abaar, waxaa ka baa’bay xoolihii ay lahaayeen, siiba ariga iyo lo’da, taasaa keentay in gaajo markii ugu horraysay taariikhda dad ugu dhintaan degmada Ceel-dheer,

Ilaa hadda waxaan xaqiijiyey toddobaadyadii la soo dhaafay ay macaluul u dhimatay 34 qof kuwaasoo haween iyo carruur isugu jira waxayna ku dhinteen Ceel-dheer iyo tuulooyinka ka ag dhow ee kala ah Hul Caduur, Caws Wayn, Baraag Sheikh Cabdullahi, Burdiir iyo  Hawdley”

Masuuliyiinta degmadda Ceel dheer ayaa sidoo kale xaqiijinaya inaysan jirin wax hay’ado gargaar ah oo ka hawl gala wakhtigan, waxaana gargaar aan badnayn gaarsiiyey hay’adda al Islaax iyo dad ka mid ah qurbo joogta Soomaalida mase ahan wax ku filan baahida badan ee jirta.

Guddoomiyaha gurmadka abaaraha Ceel-dheer wuxuu sidoo kale sheegay inay barakaca iyo cudurrada deegaanka ka jiraan ay aad u sarakacayaan, taasoo ay wehliso nafaqa darrida, jadeecada iyo shubanka wakhtigaanna ay u dhimanayaan carruurta iyo dadka waayeelka ah.

Wuxuuna Guddoomiyuhu codsi u jeedinayaa dhammaan bulshadda caalamka ee gargaarka, ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeedba inay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, gaajeysan, arradan, cudurraduna ugu darsameen ee ku sugan deegaannadaas.

Waxaa kaloo degmada Ceel-dheer ka samaysmay xeryo barakacayaal cusubi ku soo xeroonayaan kuwaasoo ah dadka ay abaartu cayrtaysay oo ka soo hayaamaya dhulka miyiga ah.

Degamadda Ceel-dheer oo ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab ayaa haddana masuuliyiintoodu codsanayaan inay soo dhowaynayaan cid kastoo ka cawinaysa taakulaynta dadka dhibaataysan iyagoona sheegay in ay gacan siinayaan hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba.

Cabdijamaal

Dhamaad

Previous Post

Cabashooyinka barakacayaasha abaaraha Muqdisho oo sii kordhaya

Next Post

CAYAAR SAAXIIBTINIMO

Related Posts

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Next Post
CAYAAR SAAXIIBTINIMO

CAYAAR SAAXIIBTINIMO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-JUL-2026

IDAACADDA 15-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUL-2026
July 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUL-2026
July 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo