Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

Jibril Osman by Jibril Osman
March 10, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Yaasmiin iyo Sucaad oo ka shaqaynaya soo saarista malabka shinida/Cabdullaahi Maxamed/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dumar iskaashaday oo dhallinyaro u badan ayaa shaqo la’aan haysay uga baxay dhaqashada Shinnida. Duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayay ka sameeyeen goob ay taallo 220 sanduuq oo Shinnida ay ku sameyso malabka.

Toddobo bil oo ay howshan wadaan ayay sheegeen inay u soo noqotay lacagtii ay ku maal-galiyeen, sidoo kalana ay heleen dhaqaale joogta ah oo ay ku dabaraan baahida qoysaskooda

Sucaad Aadan Cabdi, waa gabar ka mid ah mulkiilayaasha. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in ganacsigan u suurta galiyay inay ku filnaato maareynta nolosha labadeeda waalid iyo walaalaheed oo siddeed ah.

Qoyska oo beer ay tacban jireen aysan waxba uga soo go’in tan iyo bartamaha sanadkii hore ayay xustay in kaligeed uu ku tiirsan yahay.

Waxay tilmaantay in $150 illaa $200 ay ku dabarto noloshooda, ayna hadda ku jiraan nolol warwar la’aan ah.

“Wax kasta oo nolosha ah oo muhiim ah ayay iga caawisaa howshan. Haddii aysan fiicnaan laheyn aniga ayaaba iska dhaafi lahaa. Lacagta yar ee iga gashay marka la fiiriyo waxaa badan faa’idada aan ku qabo, maaddama aan ka caawiyo dadkeyga oo ku tiirsan.”

Sucaad ayaa tilmaantay in markii ay bilowday ganacsigan ay dib ugu laabatay iskuulka oo dhaqaale la’aan ay uga hartay sanadkii hore, markii waalidku awoodi waayay inuu ka bixiyo lacagta bisha oo ah $20.

Hadda waxay dhigataa fasalka afaraad ee dugsiga sare. Waxay sidoo kale waxbarasho geysay saddex la dhashay oo dhigta dugsi Qur’aan, kuwaas oo bishii ay ka $12.

Waxay intaas ku dartay in waalidkeed ay ka bixisay deyn ay awoodi waayeen inay bixiyaan oo looga yeeshay dukaamo ay raashiin ka soo qaateen.

“Daynta hadda aan iska gudnay waxay ahayd $400. Caqabadaha ugu weyn ee aan kala kulmeynay dadka nagu lahaa waxay aheyd in nala soo wici jiray mar walba, laakiin malabkan ayaan ka guday lacagtaas.”

Sucaad oo 20 jir ah ayaa sheegtay in ganacsigan nolosheeda bedalay ay ku darsatay lacag $70 oo ay soo deynsatay.

Waa go’aan ku dhashay markii ay aragtay gabdho ay saaxiib yihiin oo isku darsanaya lacago ay ku billaabaan dhaqashada Shinnida, kuwaas oo u soo bandhigay inay ku soo biirto.

Shinnida ayay xustay in saddexdii bilba mar ay u sameyso malab ay u suuq geeyaan magaalada Baydhabo, kaas oo ay xustay inay ka helaan ugu yaraan $1,500.

Halka ay ku xannaaneeyaan Shinnida waxay ku tababaraan gabdho gaaraya 15 oo doonaya inay sameystaan ganacsigan oo kale. afar ka mid ah gabdhahaas ayaa halkan ka noqday shaqaale markii ay heleen qibrad iyo aqoon.

Waxaa ka mid ah Xabiibo Axmed Suubow oo subax kasta u shaqo tagta halka shinnida lagu xannaaneeyo.

Waxay sheegtay in labo bil ay qaadatay tababar ku saabsan sida loo dhaqdo, qatarta ay leedahay oo ah qaniinyadana leys kaga ilaaliyo marka laga qaadayo malabka iyo marka la quudinayo.

Xabiibo ayaa ku shaqeysa bishii lacag $100 oo ka caawisay in qoyskeeda oo siddeed ah ay u hesho cunto ku filan.

“Markii hore nolosheeny qiilqiil ayay ku jirtay. Wax shaqo ah maanan haysan. Hadda waan u shaqeeyaa carruurtayyda. Nolol fiican ayaan ku jirnaa.”

Xabiibo oo 40 sano jir ah ayaa sheegtey in howshan ka hor ay nolol maalmeedka ka raadin jirtay qoryo ay soo gurto oo bishii ay ka heli jirtay ugu yaraan $50.

Mararka qaar ayay tilmaantay inay gaajo ku seexan jireen, marka ay weydo waxay dabka ku shitaan.

Tan iyo bishii agoosto oo ay shaqeyneyso ayay xustay in xaaladaas ka gudubtay, ayna ka fakareyso sidii ay u sameyn laheyd dhaqaale oo ay ku abuurato ganacsi u gaar ah.

“Walwel badan ayaan qabay. Hadda waan fiicanahay welwelkii Alle ayaa iga dejiyey. Saddexda waqti cunto nagu filan ayaan helnaa. Nolol aan ku xamdiyo ayaan ku jiraa.”

Waxay intaas ku dartay in iskuul hoose ay geysay saddex carruur ah oo markii hore ay dhaqaale la’aanta ay ka hor taagneyd waxbarashada. Bishii ayay ka dhiibtaa $15.

Qoyska Xabiibo oo hadda ku nool xerada Buula tosi ayaa sanadkii 2023 ka soo barakacay degmada Waajid ee gobolka Bakool, markii roob yari darteed uu hakad galay tacabkii ay galin jirtay beerteeda oo afar hiktar ah.

Yaasmiin Cali waa guddoomiyaha haweenkan oo tiradoodu tahay 33 qof. Waxay xustay in lix bil ay ku aruuriyaan lacagta ay ku billaabeen ganacsigan oo ah $2,300.

Waxay xustay in bishii November ee sanadkii 2024 ay iib geeyeen malabkii ugu horeeyay oo ay ka heleen dhaqaale gaaraya $800.

“Shinida malabkeeda waxan u iibgeynaa gobolada soomaaliya oo dhan. Berdaale ayaan geynaa, Doolow meelo badan ayaan geynaa. Baydhabo keliya kuma ekin. Hadafka aan leenahay wuxuu yahay in ganacsigan aan sii ballaarino si aan u geyno meelo kale oo badan oo ah dalka iyo dibadda”

Saddexda liiter ee malabka ah ayay sheegtay inay ku gadaan qiime gaaraya $55. Waxay xustay in joogto looga qaato oo uusan ku daahin. Ganacsigan ayay ku tilmaantay mid faa’idadiisu badantahay oo lagu maal gashan karo lacag yar.

Waxay intaas ku dartay in Shinnidu u baahantahay daryeel joogta ah, sida inay hesho biyo ku filan oo aan go’in, deegaan ku haboon oo dhir leh, taasina ay tahay sababta ay ku door teen meel leh geedo badan oo ku taalla duleedka Baydhabo.

Xilliga roobka oo dhulku doog leeyahay ayay sheegtay in wax soo saar keedu badan yahay, balse hadda oo jiilaal ah uu yar yahay.

Labaatan xabbo oo ah dharka looga hor tago qaniinyadeeda iyo qiic ayay u adeegsadaan si malabka ay uga gurtaan.

Yaasmiin ayaa xustay in shaqadan ay u rumeysay riyadeeda oo aheyd inay jaamacad bilowdo, taas oo dhaqaale la’aan ay ka hor taagneyd.

Bishii October ayay jaamacadda Zamzam ee magaalada Baydhabo ay ka bilowday barashada kulliyadda caafimaadka, markii ay awooday inay iska bixiso $150 oo laga qaado saddexdii bilba mar.

Dhallinyaradu waxay wehel la yihiin duruufo adag oo shaqo la’aantu ay qeyb ka tahay, mana badna kuwa ku shaqeysta xirfadan oo kale.

Previous Post

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

Next Post

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

Related Posts

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 17, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo