(ERGO) – Faadumo Cabdi Maxamed waxay qoyskeeda u awoodi la’dahay cunnada, biyaha iyo baahiyaha kale ee aas aasiga ah tan iyo dhamaadkii bishii hore.
Waxay xaaladaan galeen, markii dab xooggan oo 27 Oktoobar qabsaday suuqa xerada qaxootiga Xagardheer uu ka baabi’iyay dukaan dhar oo ay ku tiirsanaayeen.
Waxay ka mid tahay in ka badan 400 oo ganacsata ah oo ku hanti beelay musiibadaas, kuwaas oo hadda la daalaa dhacaya saamayn dhaqaale iyo nolol xumada soo wajahday qoysaskooda.
Gudiga suuqa ayaa sheegay in ugu yaraan 1.8 Million oo dollar ay ku burburtay. Faadumo ayaa sheegtay in dukaanka gubtay uu ahaa halka meel ee dhaqaale uu ka soo gali jiray.
Waxay xustay in sida kali ah ee hadda ay hal mar oo cunno ah ugu hesho carruurteeda ay tahay deyn ay ka soo qaadato bakhaaro ay macaariifo la tahay. Waxay ku jirtaa xaalad quus ah.
“Xaaladayadu aad ayay u adag tahay. Dadkii aan halkaas ka biili jiray noloshoodu waa liidataa, waxaan ku dabaraa deyn dariska laga soo qaado, markii hore saddex waqti ayaan karsan jirnay. Haddase waa hal mar.”
Faadumo ayaa sheegtay in dukaanka gubtay oo dhar iyo agabka dumarku isku qurxiyaan ay ku iibinaysay ay nolol maalmeedka muddo shan sano ah uga soo saari jirtay shan carruur agoon ah oo ay dhashay.
Waxaa maalinkii ka heli jirtay shan boqol illaa sideed boqol oo lacagta Kenya ah, taas oo ay u kala qaybin jirtay biilka, waxbarashada iyo wax ay ganacsiga dib ugu celiso.
Haweenaydaan ayaa sheegtay in aysan waxba u cayman, sidoo kalena aysan lahayn wax keyd ah ama cid ay taagero ka helayso.
Waxaa intaas u dheer in aysan kala garanayn deymaha lagu leeyahay iyo kuwa ka maqan oo buugii deynta uu gubtay.
Faadumo ayaa sheegay in aysan rajo qabin in ay ganacsigeeda dib u soo celiso wax la’aanta haysa darteed.
“Aniga qaas ahaan khasaaraha I soo gaaray aad ayuu u badan yahay illaa shan boqol oo kun waa gaarayaa. Hantidii aan haystay intaas ayay ahayd. Dabka si kadis ah ayuu u dhacay naftayda ayaan kala baxay shay kama qaadan.”
Faadumoayaa xustay in xaaladaan ka hor ay nolol wanaagsan ku jireen, balse hadda ay wax kasta isbeddelleen iyaduna aysan xal hayn.
Waxay ka murugsan tahay saddex carruur ah oo dugsi qur’aan iyo iskuul gaar ah u dhigan jiray, kuwaas oo bishii ay ka bixin jirtay shan kun.
Waxay tilmaamtay in macalimiintu dhowr mar waydiiyeen, balse ay ka codsatay in ay sugaan. Waxay carruureedu ku jiraan fasallada saddexaad iyo lixaad ee dugsiga hoose dhexe iyo 11 oo dugsi sare ah.
Qoyska Faadumo ayaa sanadkii 2019 sababo amaan uga soo tagay magaalada Kismaanyo, markii halkaa lagu dilay carruurteeda aabbahood.
Dabka ka kacay suuqa xerada Xagardheer waxaa ku baaba’ay bakhaaro raashin, dukaamo dharka jimlo iyo tafaariikh lagu iibinayay, xawaalado, xarumo isgaarsiin iyo maqaayado cunno.
Suuqa oo aan lahayn dab damis iyo dabka oo ka bilowday bartmaha ayaa horseeday in khasaaruhu bato.
Cibaado Cali Ibraahin waxaa ka gubtay labo dukaan oo raashin iyo dhar lagu iibinayay, saddex foorno iyo maqaayad cunto.
Waxay sheegtay in aysan waxba uga cayman ganacsigeedii oo ay ku tiirsanaayeen qoyskeeda oo 20 qof ka kooban. Waxay sheegtay in hoos u dhac weyn uu ku yimid helitaanka quud-maalmeedkoodii.
“Ilmihii gaajo ayay ku seexanayaan. Xalay ayaan gasac caano ah iyo nus kiilo sonkor ah u soo qaaday oo subixii ayaan koob koob ka siiyaa kuwa yar yar. Nolosheena aad ayay cariiri u gashay.”
Cibaado ayaa sheegtay in lix mar uu ganacsigeedu gubtay, balse hadda ay khasaarihii ugu badnaa la kulantay.
Waxay tilmaamtay in dabka oo ka bilowday meel u dhow dukaamadeeda oo gudaha ku yaallay ay sababtay in aysan waxba soo badbaadsan.
Waxay xustay in mararkii hore ay wax u badbaadi jireen sidoo kalena ay taageero ka heli jirtay ganacsatada waa weyn, balse hadda ay isku mid noqdeen oo qaybihii jimlada ay wada gubteen.
Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in marka laga yimaado badeecada ka khasaartay aysan dhismeyaashii, agabka foornooyinka iyo alaabtii kale ee lagu shaqaynayay waxba uga cayman, taas oo sii adkaynaysay in ay wax dib u bilaabato.
“Illaa labo milyan iyo shan boqol oo kun oo Kenya waa ka badan tahay alaabta taallay. Khasaaraha meeshaas iga soo gaaray wax la soo koobi karo ma ahan, laakiin Ilaahay ayaan kaashanaynaa. Dukaamadaydii hal wax oo aan ka soo qaaday malahan.”
Cibaado ayaa sheegtay in deymo badan ay ka maqnaayeen sidoo kalen iyada lagu lahaa lacag qornayd, balse aysan waxba ka xasuusan buugaagtiina ay wada gubteen.
Ganacsiga ka baaba’ay oo miis yar ay ka soo bilowday ayay soo waday in ka badan 25 sano ah.
Ku dhawaad 15 qof oo goobaheeda ganacsi uga shaqayn jiray ayay sheegtay in ay maalinkasta u yimaadaan oo ay waydiiyaan goorta ay dib u furayso, iyadoo dhanka kale aan hayn qorshe ay wax ku bilowdo. Xilliga uu dabku qabsanayay ayay sheegtay in ay dukaamada u soo adeegtay.
Cibaado waxay xeryaha Dhadhaab timid 33 sano ka hor iyadoo dhalinyaro ah. Xilligaas ayay ganacsigeeda ka soo bilowday meel hoose illaa ay ka mid noqotay ganacsatada waa weyn.
Qoyskeedu waxay sanadkii 1992 uga soo qaxeen colaado qabiil duleedka magaalada Marka oo ay beeraley ku ahaayeen.
Suuqa Xagadheer oo ah kan ugu weyn xeryaha Dhadhaab waa markii sagaalaad ee uu gubto. Waxaa ku xoolo beelay dad marxalado adag ka soo maray ganacsiyadooda.
Dabkii ugu danbeeyay ayaa ku soo beegmay xilli qaxootigu ay dhaqaale xumo wajahayaan, hay’aduhuna ay dhimeen deeqdii ay bixin jireen.
Diiriye Bashiir Cabdi oo ah xoghaya gudigga ganacsatada Xagardheer ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladahaas isbiirsaday dartood ay yar tahay rajada soo kabashada ay ka qabaan dadkii dhibaatadaan ku cayrtoobay. Wuxuu sheegay in saamayntu ay sidoo kale gaartay xoogsatada suuqa ka shaqaysan jiray iyo qoysaskooda.
“Khasaaraha waxaa heerkaas gaarsiiyay dab damis ma aanan haysan qoraxdu aad ayay u kululayd dadkiina waa niyad jabeen, markii dabku xoogaystay waa la is caymin waayay. Waxaa hoos u dhacay nolosha dadkii xoogsatada ahaa waxaa suuqa ka baxay. Waxaa meesha ka baxay xarumo badan oo muhiim u ahaa nolosha.”
Diiriye ayaa sheegay in dabkaan uu koronto ka bilowday, kadibna uu dhismeyaasha suuqa oo jiingado, geedo iyo maryo u badnaa si sahlan isaga gudbay.
Wuxuu xusay in dhowr mar oo hore ay ka tashadeen in xal loo helo dabka soo lalaabta, balse aan lagu guulaysan.
Dabka wuxuu ka mid yahay musiibooyinka saamaynta xun ku yeeshay dhaqaalaha iyo ganacsiyada Soomaalida.
Khuburada ayaa sheegay in taxadar la’aanta dadka, sharciyada dabka oo aan adkayn iyo daaraha loo dhisayo qaab aan nabad galyo ahayn ay keenaan dhibaatooyinkaan.









