(ERGO) – Cabduqaadir Nuur Faarax wuxuu awood u yeeshay in uu nolol xumo ka saaro qoyskiisa oo 5 qof ah. Arrintaas ayaa u suuragashay, markii bishii Abriil ee sanadkaan uu helay shaqo uu ka qaato mushaar gaaraya $300.
Wuxuu kamid yahay labaatan rag ah oo ka soo jeeda qoysas danyar ah, kuwaas oo fursado shaqo ka helay labo xarumood oo si jumlo ah loogu iibiyo waxyaabaha udugga iyo saliiddaha noocyadooda kala duwan oo uu magaalada Muqdisho ka hirgaliyay nin dhalinyaro ah.
Waxay horray ugu hungoobeen raadinta shaqooyinka xamaalka ah. Fursaddan shaqo ayaa u fududeeysay in qoysaskooda ay u soo dhiciyaan nolol-maalmeedka.
Cabdiqaadir ayaa xusay in waalidiintiisa, walaalihiis iyo xaaskiisa uu noloshooda ku maarayn jiray wax ay dad ku caawiyaan oo aan joogto ahayn.
“Markii hore waxaa nagu adkayd inaan hal mar ah dabka shidano, waxaan caawimaad ka heli jirnay dad daris nala ah. Hadda lakiin saddexda waqti oo nagu filan ayaan dabka shidana, waana soo adeegana bil walbo, waxaana noqonnay dad isku filan oo aan caawimaad u bahneyn.”
Cabdiqaadir ayaa sheegay in markii hore uu caqabad kala kulmayay dhanka xisaabaadka, maaddaama uusan waxbo soo baran, hasa ahaate uu hadda la qabsaday muddo kaddib.
Wuxuu subax walba u soo kallahaa gobtiisa shaqada oo ku taalla suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag, taas oo 8 km u jirto degmada Dharkenley oo uu daganyahay.
Galaan-galkiisa shaqo ayaa u fududeeyay in uu macaamiil badan ku soo xiro xarunta uu ka shaqeeyo. Wuxuu oo uu ku muteystay in maamulka uu ku abaal mariyo inuu ka mid noqdo dadka ugu mushaarka badan.
Wuxuu tilmaamay in helidda shaqadan ay u ahayd fursad mar la’arag ah oo uu qoyskiisa kaga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd ee haysay, maaddama uusan heysan shahaado uu shaqo kaga doonto xafiisyada dowlada iyo hay’adaha.
Wuxuu sheegay in mararka qaar uu si dhib ah ku heli jiray shaqooyin xoogsi ah oo ay ka soo gali jirtay ugu badnaan $3. Cabdiqaadir ayaa sharaxaya waxa ay uga dhigantahay shaqadan.
Markii hore qof aan wax ku soo kordhin reerka baan ahaa. Haddase qof wax laga sugo oo lagu tashto ayaan ahay. Waa daremi karta qofka dhalinyarada ah haddu wax shaqo ah heyn reerkiisa iyo waalidkiisa midna waxbo ma tari karo.”
Cabdiqaadir ayaa bishii july iskuul gaar loo leeyahay geeyay labo wiil oo la dhashay, si ay uga bartaan xisaab, Ingiriis iyo Carabi, kuwaas oo aan waligood waxbo baran dhaqaale la’aan darted. Wuxuu bil walba ka bixiyaa $10.
Sidoo kale wuxuu si joogta ah bishii u keydiysa $30 oo uu sheegay inuu rajaaynaya inuu gob u gaar ah ku furto marka ay ku filnaato.
Ninkaan ayaa sheegay inuu yahay qofka kaliya ee u dhaqdhaaqo qoyskiisa, maaddama ay waalidkiisu yihiin wayeel da’a ah ayna tahay markii ugu hooreysay oo uu helo shaqo joogta ah.
Shaqooyinka hoos laga bilaabo waxay si lama filaan ah rajo ugu abuuraan qoysas danyar ah oo markii hore la daalaa dhacayay waahaya adag ee daruufuhu badeen. Sahal Maxamed Nuur waa mulkiilaha dukaamada Bakaaro Xaraash ee fursada siiyay dhalinyaradan. Wuxuu xarumahani furay bishii Janaayo ee sannadkan
Ninkaan ayaa sheegay in ay u suurtagalisay $1,5000 oo ah keyd uu ku dhawaad sagaal sanno ka arruurinaayay shaanbo, sabuun iyo cadarrada yar oo uu ku wareejin jiray suuqa Bakaaraha.
Wuxuu sheegay in hadda alaabaha uu gado oo jimlo ah loo iib geeyo qaar ka mid ah gobollada dalka. Wuxuu ku faraxsanyahay in dadaalkiisa uu miro dhal noqday sidoo kalana uu fursad u abuuray da’yar kale.
“Celcelis ahaan waxay qaatan $100 illa $300. Waa dhalinyaro firfircoon oo aan ku soo xushay daruftooda iyo kartidooda shaqo, waana ku faraxsanahay in ay iyagana ku nooladan reerahoodana ka sii dabaraan.”
Sahal oo waxbarashada dugsiga sare dhameeyay sanadkii 2015 ayaa awoodi waayay inuu waxbarashada sii wato, maaddaama ay qoyskiisu dhaqale u waayeen. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale uu ku hungoobay raadinta shaqooyinka dowladda iyo hay’adaha.
Hal Sano oo uu shaqo raadinayay, kaddib ayay ku dhalatay fikradda ah inuu ganacsiga meel hoose ka bilaabo, kaas oo mira dhalkiisa uu maanta ku naaloonayo.
Markii ugu horraysay wuxuu ku bilaabay alaabo uu ka soo qaadi jiray ganacsatada suuqa, kuwaas oo ku wareejin jiray xaafadaha. Haddii uu maalinkaas gado $5 waxaa kaga soo aadi jirtay $2.5.
Wuxuu hadda qorsheynaya inuu dib u bilaabo waxbarashadiisi jamaacada oo uu dib uga dhacay 10 sanno uuna barto cilmiga maamulka iyo maareynta.
“Sanaadkan marka ay jamacadaha furman ayaana qorsheynaya inaan la kowsado. Sidoo kale maaddama aan aniga ka haray waxbarashada hadda saddex walaalahey ah ayaan lacagta waxbarashada ka dhiba oo dugsi sare iyo jaamacad dhigta. $200 ayaa iga baxda dhamaan baahiyahooda waxbarasho.”
Sahal ayaa qabo rajo ah in ganacsigiisa uu sii balaarto ayna dhalinyarro badan fursad ka helan. Dhamaan ragga ka shaqeeya goobahan ayaa si isku mid ah u helay isbbedalka noolaleed. Cabdiraxmaan Jeylaani Mayow wuxuu dhaqaalaha ka soo galo shaqadan ku kaba noolasha hooyadii iyo walaalihiisa oo 6 ah.
Ninkaan ayaa bishii qaato $200 oo ah mushaarkiisa. Wuxuu hadda awooday in horraanta bil walbo uu qoyskiisa ka bixiyo $20 oo ah korontada iyo biyaha. Wuxuu sheegay in mararka qaar oo ay waayan lacagtaas laga xiran jiray biyaha sidoo kalana korontada laga dansan jiray, balse hadda uu ay ka walwal la’yihiin.
“Noolasheyda waxaa ku soo korortay inaan awooday in aan maareeyo noolasha qoyska iyo teydaba. Biyaha iyo korontada aniga ayaa bixiya hadda. Sidoo kale jaamacadda ayaan qeyb iskaga bixiya, qeybna waan keydsada.”
Cabdiraxmaan oo curad u ah reerkooda ayaa sheegay in horran ay ku tiirsanayeen $2 illa $3 oo ay hooyadiis oo da’a ah ka hesho dukaan bagaash oo xaafadooda ugu hor yalla, taas oo aan si joogta ugu filnaan jirin cunno malmeedka.
Cabdiraxman oo 20 jir ayaa jaamacada Somaville bishii August ka billaabay barashada macluumaadka Tignoolajiyada ee (IT), taas oo markii hore dhaqaale xumadu ka hortaagayd, maaddama uu dugsiga sare dhameeyay 4 sano ka hor.
Wuxuu shaqadan ku helay dadaal uu shaqo kaga goobayay goobaha shaqooyinka bixiya ee magaalada Muqdisho. Wuxuu tilmaamay in ku soo koray agoonimo una yahay qofka kaliya ee madaxa u soo qaaday reerkooda, kaas oo ay saarantahay masuuliyada ilmaha ka yaryar iyo hooyadii.
Iyada oo dalka ay weli dalka ka jirto shaqo yari ay sabab u tahay dhaqaale xumada dalka ka jirta ayaa hadana waxa sii kordhaya dedaalka dhallinyarada qaar ay ugu jiraan in ay isbeddel sameeyaan, taas waxay muujinaysaa in ay weli sii siyaadayso rajadooda.










