(ERGO) – In ka badan 100 qoys oo deggan toban xero oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ayaa u jiheystay tacabka beero ay ka dhex sameysteen xeryaha. Tan ayaa ka caawisay inay helaan ildhaqaale oo noloshooda wax ka badashay.
Beero cabirkoodu u dhexeeyo 30 illaa 50 miter oo isku wareeg ah ayay ku beertaan dalagyo khudaar u badan oo saddex bilood ku soo go’a. Wax soo saarka beeraha ayaa ka caawiyay inay ka soo kabtaan cunno yari, ayna awood u yeeshaan inay waxbarasho geeyaan carruurtooda.
Cabdullaahi Aadan Cali oo dadkan ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu ku jiro noloshii ugu fiicneyd muddo saddex sano ah oo uu ku nool yahay xerada Ceel-baay-hal.
Yaanyo, Koosto, Ansalaato, Basbaas iyo Barbarooni uu u iib geeyay suuqa magaalada Baydhabo ayuu tilmaamay inuu ka helay dhaqaale gaaraya $300. Waa dalagii ugu horeeyay oo bishii June uga soo go’ay beertiisa oo ah soddon miter oo isku wareeg ah. Nolosha reerka ayuu xusay inuusan hadda ka war-warin oo ay helaan cunto ku filan.
“Hadda sedexda wakhti quraac qado iyo casho xaafada waa lagu kariyaa xiligii hore majirin arintas. Walwalkii nolosha naga haystay wuu naga haray. Hada wax welwel ah dareemayo. Farxad in aan ku jirno ayaan dareemayaa.”
Wuxuu sheegay in markii labaad uu abuur galiyay beerta, kuwaas oo ku dhow goosashoWax-soo-saarkii koowaad ayuu tilmaamay inuu ka caawiyay inuu iska bixiyo $50 oo ah deyn uu galiyay beerta iyo inuu keydsado lacag $50.
Wuxuu intaas ku daray in barashada Qur’aanka ay u billaabeen labo carruur ah, markii bishii hore ee July uu ka dhiibay $12. Waxaa u horseeday dhaqaalaha uu ka helay beetiisa.
“Gacan bini’aadan wax laga sugo ma sii jiraan, gacanteena ayaa khudaartan ku beeranay. Qofka hadii fikrad hal abuur ah uusan lahayn waxa weeyaan qoyiskiisa ma maareyn karo.”
Ninkan oo 40 jir ah ayaa xusay in shaqo la’aan darteed ay ku adkeyd, markii hore inuu maareeyo nolosha qoyskiisa. Wuxuu sheegay inuu ahaa nin faro maran oo mar shaxaatama, marna hela shaqo dhifa oo xamaali ah.
Qoyskiisa oo 6 ah iyo beertaba waxay ku tiirsan yihiin biyo bilaash ah oo gaari gacan uu uga soo dhaansado ceel aan ka fogeyn oo xerada ku dhex yaalla.
Fahamka beerta iyo tacabkeeda ayuu sheegay inay u fududahay, maadama uu horay u ahaa nin ku tiirsanaa wax soo saarka beer 4 hiktar ah oo ku taalla deegaanka Baanow ee gobolka Bay.
Wuxuu tilmaamay in roob yari soo noq-noqotay ay ka saameysay, taasina ay ku qasabtay in sanadkii 2022 uu soo maciin bido magaalada Baydhabo.
“Deegankii aan ku dhashay ee beeralayda aan ku ahayn abaaro iyo amni darro ayaan uga soo cararnay. Beerahaas roobka markii gu’ga iyo dayrta marka la gaaro ayaan abuuri jirnay. Beerta aan hadda beerto ceel ayaan uhaystaa xilli kasta ayaan abuuran karaa, waana faa’iido badan tahay.”
Fikirkan oo dad kooban ay billaabeen ayaa ku sii faafaya xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo.
Waa lagama maarmaan in qofku helo dhul beerashada ku haboon iyo biyo joogta ah. Labadaas arin waa tan qoysaskan u fududeysay inay wax beertaan. Dhulka beeraha iyo hoyga u ah waxaa iska leh dad deegaan ah.
Waa bilaash oo kiro lagama qaado, balse ma haystaan dammaanad fog iyo mid dhow toonna. Waxaa loo sheegay in xilliga loo baahdo ay ka baxaan.
Cali maxamed Aadan oo ku nool xerada Idaale ayaa xusay in isagoo og in xilli kasta la barakicin karo inuu billaabay tacbashada dhul uusan laheyn.
Wuxuu tilmaamay in beertu ay ka caawisay in arimahaas uu ka sii gaashaanto. Dalagii ugu horeeyay oo u soo go’ay bishii May ayuu xusay inuu ka helay afar boqol oo Doollar, hadana uu u beeran yahay mid kale.
Dhaqaalaha uu helay ayuu sheegay in qeyb uu keydsaday, inna u qorsheeyay biilka reerka, qeyb kalana uu iskaga bixiyay deyn lagu lahaa oo ah $40.
“Welwelka aan dareemi jiray wuxuu ahaa carruurtan ma badbaadi doonaan. Armay baahi kaa laysaa ayaan ku welweli jiray. Ilaahey ayaa loogu mahad naqayaa waan ka baxay oo jawi deggan ayaan Henley.”
Rajadiisa ayaa ah inuu ka baxo nolosha barakaca iyo aqal cooshad ah oo reerku ay deggan yihiin tan iyo sannadkii 2023.
“Rajada aan leeyahay waxaan rabaa inaan deegaan Baydhabo ku noqono oo guryo aan ku yeelano. Maamulka Baydhabo iyo hay’ada waxaan ka codsanayaa inay igu garab siiyaan.”
Cali oo 43 jir ah ayaaka soo barakacay deegaanka Ruwey Gaduude oo magaalada Baydhabo u jira 60 km. Wuxuu halkaas ku leeyahay beer saddex hektar ah. Biyo yari ka dhalatay roobabka oo yaraaday darteed ayuu sheegay in tacabkeeda uu sii wadi waayay. Arintaas ayaa ku kaliftay inuu kasoo barakaco deegaankiisa.
Caqabadaha ay wajahaan qoysaska ka soo barakaca deegaanadooda waxaa ka mid ah shaqo la’aan, hoy xumo, cunno yari iyo inaysan helin adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.
Maxamed Aadan Cali oo ah 33 jir ah isaga iyo qoyskiisu ay ku nool yihiin xerada Tugey dheere ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in beertu ka xallisay wixii ugu adkaa oo ahaa helitaanka cunto ku filan iyo waxbarasho.
Bishii lixaad ee sanadkan waxaa u soo go’ay dalagyo uu ka helay boqollaal Doollar, kuwaas oo kala ah yaanyo, Koosto, Ansalaato iyo Basbaas.
Dalagyadaas ayuu sheegay in dhaqso looga gatay markii uu geeyay suuqa Baydhabo oo uu sheegay inay ka jirto qudaar yari.
Arintaas ayuu xusay inay ku dhiiri galineyso in wax soo saarkiisa xoojiyo oo uusan ka caajisin.
“Beerta faa’iido waxaan ka heley $350. Carruurta dugsi aan ku geeyey, labo ayaa dhigta, macallinka wuxuu iga qaadaa min $5. Markii hore waxba ma baran jirin carruurta.”
Maxamed oo ah aabbaha afar carruur ah ayaa tilmaamay in markii uu tacabka billaabay uu awoodi waayay inuu helo $50 oo uu ku soo gato abuur.
Dad xerada deggan oo tacabka uga horreeyay ayaa ku caawiyay inay ku xiraan dukaan uu ka soo qaatay deyn uu sheegay inuu iska bixiyay, markii beertu ay u soo go’day.
Dhulka ay wax uga baxaan ayuu xusay inuu yahay mid jilicsan oo uu gacantiisa ku falay isagoo Yaambo adeegsanaya. Cayayaanka oo beeraley badan oo dalka ku nool qasaariyay ayuu tilmaamay inuusan arag, walina beerta u isticmaalin sun cayayaan dile ah.
Qoyska Maxamed waxay hore u ahaayeen beeraley uu tacab kooda ku tiirsanaa biyaha roobka. Wuxuu bilowga sannadkii 2023, ka soo barakacay degeenka Bakal Eedan oo ka tirsan gobolka Bay.
Beertiisa oo saddex hiktar ah ayuu sheegay inay uga faa’ido badnaan laheyd dhulka uu hadda beerto oo ah 40 mitir oo isku wareeg ah, balse biyo la’aan ayaa ka hor taagan.
Nolosha adag ee ka jirta xeryaha lagu barakacay waxay qoysas badan ku kaliftay in duruufta ay isku dhiibaan, balse waxaa jira tiro kooban oo noloshoodu isbadashay, markii ay furteen ganacsiyo, tacbadeen beero, sidoo kalana ay barteen xirfado ay ku shaqaystaan.