(ERGO) – Todobaatan iyo lix haween ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla magaalada Cadaado ayaa ku filnaaday nolosha reerahooda markii ay dhaqaale ka heleen ganacsiyo ay qaab deyn ah ku billaabeen bishii May ee sanadkan.
Falis Xuseen Maxamed oo ka mid ah waxay dhar iyo bagaash ku weejisaa xaafadaha Cadaado. Badeecadaas oo ay ka soo qaado nin ka mid ah ganacstada magaalada. Waxay si maalinle ah uga heshaa seddex illaa shan dollar oo faa’iido ah.
Haweenaydaan oo kaligeed korinaysa 12 carruur ah oo agoon ah ayaa xustay in lacagtaas ay u horseedeen in ay ka soo kabtaan nolol xumo badday in ay dawarsato dadka kale. Muddada ay shaqaynaysay ayay sheegtay in ay awood u yeelatay in carruurteeda ay u iibiso cunno ku filan.
“Ganacsiga hadda aniga aan wado waxay ka tartaa qoys keyga ama noloshayda wax weyn. Shaley ma awoodin ilmaheyga dab inaan u shito, maantana waxaan awoodaa saddex waqti inaa ilmahayga dab u shito kaamamka ma lahan tubooyin biyaha waa la dhaan sadaa inaan biyo u shubto ma awoodin alxamdulillaah maanta ilmahaygii cuntadoodii saddex waqti ayay cuno helayaa.”
Falis oo muddo 6 sano ah qoyskeedu ku nool yihiin xerada Mudug ee duleedka magaalada ayaa sheegtay in tan iyo markay shaqada bilowday ay ka soo kasbatay walaac ay ka qabtay xaaladda carruurteeda.
Waxay sheegtay in ay ku tiirsanaayeen wax ay ka soo hesho dadka magaalada ku nool oo ay u dan sheegan jirtay kuwaas oo waxa ay siiyaan aysan ka badnayn in ay hal waqti karsadaan.
Maalmaha ay soo wayso waxay ku seexan jireen caarruurteeda gaaajo, maaddama aysan awood u lahayn in ay wax u iibiso. Waxay sheegtay in cunno xumo darteeed ay dhawr mar kaga dhacday nafaqo darro. Waxay sheegtay in xaaladdaas ay ka soo kabteen markay u heshay cunno ku filan.
Fikirkaan ganacsi ee ay mahdisay ayay sheegtay in ay ka heleen tababar ay siiyeen maamulada xeryaha haweenka ay ka midka tahay. Waxay tilmaantay in ay horay u jeclayd in ay shaqaysato si xaaladda haysatay uga saarto qoyskeeda balse ay la’ayd meel ay ka billowdo.
Guddiga ayaa ka caawiyay in ay la qabsadaan shaqada iyaga oo ku caawinayay in dadka ay daynta kala qaadaan sidoo kalana u sameeyay la talin ku sabsan sida dadka ugu qancin lahaayeen in ay badeecaddooda ka gataan. Caawintaas ayay sheegtay in ay sahashay in ay muddo kooban kula qabsadaan.
“Maalmahaan ganacsiga ku cusbaa way igu adkeed inuu i aamino ninka aan ganaciga ka soo qaato, sidaas darteed ganacsigii intaan galey wixii aan ka soo shaqeeyo meel wax intaan ka dhigaan u aruurinayay, wayna Ii fududaatay inuu i aamino.”
Falis waxay sheegtay in ay dhibaato badan ka marto iibinta alaabta oo maalinta dhan ay socod ku qaadato. Dadka ayay ku garaacdaa guryaha si ay wax uga gataan. Waxay siisaa qiimo ka jaban kuwa dukaanada si dadku ay u daneeyaan ganacsigeeda.
Inkasta oo ay daal iyo rafaad badan ka marayso haddana waxay sheegtay in wax kasta ay kaga muhiim santahay in carruurteeda ay helayaan cunto iyo arad tirkooda.
Qoyska haweenaydaan ayaa ka soo barakacay deegaanka Caad ee gobolka Mudg sanadkii 2019, xilligaas oo dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo Al-shabaab uu ku dhintay Saygeedii. Sidoo kale waxaa xaaladdaas u raacday daaq yari ay kaga dhamaadeen 150 arri ah oo ay dhaqanayeen.
Haweenaydaan ayaa xilligaas magaalada la soo gashay carruurteeda si ay ugu raadiso nolol dhaanta midday wajahayeen. Waxay sheegtay in tan iyo xilligaas ay hadda ku jiraan noloshii ugu wanaagsaneed maaddaam ay iyadu u shaqayso.
Dhanaan haweenka ku shaqeeya qaabkan ayaa ka siman faa’iidada dhaxalsiisay in qoysaskooda ay maareeyaan. Farxiyo Cali geedi oo ka mid ah waxay carruurteeda oo todobo ah ka saartay nolol xumo ay wajahayeen muddo afar sano ah oo ay barakac ku yihiin xerada Badbaado ee duleedka magaalada.
Haweenaydaan oo si gaar ah u iibisa dharka dumarka ayaa sheegtay in ay ka hesho maalintii lacag ugu yaraan gaaraysa $3. Ganacsigaan ayay sheegtay in uu geliyay rajo aad u sarraysa iyada oo naawilaysa in dhawaan ay ka hesho dhaqaale si buuxda ugu filan nolosheeda iyo tan carruurteedaba.
“Rajo fiican ayaan leyahay inaan heer weyn ka gaaro oo dukaan weyn furto oo ganacsato fiican noqdo oo mutaqbalka wax badanaa rajeynayaa inshaa’Allaah in dadku ani la ii baahdo oo wax qabasado oo qof wax tar leh noqdo oo noqdo qof ilmaheeda iyo nolosheeda maareysan karata saan rajeynayaa.”
Farxiyo oo kaligeed korisa carruurteeda oo ay aabahood kala tageen ayaa sheegtay in ganacsigaan uu ku soo aaday xilli ay waysaneed qaab ay carruurteeda noloshooda ku maarayso. Waxay sheegtay in horay ay iskugu daysay in ay magaalada ka raadsato shaqo, balse ay waysay maaddaama aysn lahayn xirfad ay ku shaqaysan karo.
Waxay tilmaantay in qoyskeeda ay ku tiirsanayeen raashin ay ku caawiyaan dadka xerada la degan kuwooda dhaaama markay ka war helaan in dabku ka damay. Waxay tilmaantay in mararka qaar ay ku qaadan jirtay in ay 24 saacba halmar siiso carruurteeda cunto aan ku filnayn oo aan iidan lahayn.
“Waxyaabaha is beddalka noloshayda u keeney waa inaa anigu shaqeysto oo xifrad yeesho oo noqday hooyo ilmaheeda korsan karto oo awoodi karto oo meel kasta hooyo maaddama ay ilmo sugayan wax kasta u soo marto dhib kasta u soo marto hooyo diyaar u ah ayaan ahay.”
Qoyska Farxiya ayaa ka soo barakacay Camaara ee gobolka Mudug sanadkii 2021 xilligaas oo abaar jirtay ay ka nacfi tirtay beer labo hektar ah oo ay noloshoodu ki tiirsaneed. Waxay tilmaantay in tan iyo markaas ay ku laaban waayeen beertoodii abaaro iyo colaado deegaanka weli kataagan darteed.
Haweenaydaan ayaa intaas ku dartay in hadda ay rajaynayso in qoyskeeda ay ka saarto xerada ay ku nool yihiin. waxay aaminsan tahay in haddii ay ganacsigaan sii waddo sanadkaan ay gaari doonto isku filnaan ah in ay ka maarmi karto nolosha xerada.
Haheenkaan in uu guulaysto gnacsiyadooda waxaa suurageliyay maamuladah xeryaha ay degan yihiin oo damiin kaga noqday ganacsatada markii ay shaqada bilaabayeen, illaa ay kasbadeen aaminaad buuxda.
Fu’aad Cabdi oo ka mid ah ganacsatada oo si joogto ah alaab ku siiya 15 haween ay aaya sheegay in markii hore uu cabsi wayn ak qabayin dhaqaalihiisa ay kaga lumaan balse matrkii uu arkay daacad nimada iyo ka go’aanta haweenka uu hadda siiyo wax kasta oo ay dalbadaan isaga oo aan faa’iido ka raadin.
Fu’aad wuxuu sheegay in hada uu qorshaynayo in uu kordhiyo tirada haweenka uu alaabaha daymiyo si kuwa badan oo kale ay fursad ugu noqoto. Wuxuu aaminsan yahay in arrintaan ay tahay mid beddeli karta nolosha dad badan haddui ay fahmaan.