(ERGO) – Todobaatan rag ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla magaalada Cadaado ayaa awood u yeeshay inay nolol xumo ka saaraan reerahooda. Arrintaas ayaa u suragashay, markii horraantii sanadkan ay ku shaqo billaabeen gawaari ay daymiyeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada.
Cabdidirisaaq Cabadullaahi Maxamed oo ka mid ah raggaas wuxuu si maalinle ah ugu shaqeeyaa gaari taksi ah oo bishii May uu daynsaday. Macaamiil joogto ah oo uu helay, kaddib wuxuu sheegay in uu ka helo ugu yaraan $15 oo faa’iido ah maalintii.
Dhaqaalaha soo gala ayuu xusay in ay qoyskiisa oo sagaal qof ah ka saareen nolol xumo badday in ay kaalmo waydiistaan dad ay qaraabo yihiin oo aysan si joogto ah wax uga heli jirin.
“Hadda wax waynaa isbeddelay oo cuntada waagii hore hal waqtiyaa dadku heli jireen haddana saddexda waqtiba waa la cunnaa marka baabuur yaraan ku shaqaystaa oo dhaweeye ah, illaahaybaa wax walba qadara, haddana markii aan dhaweeyaha hellay way isbadashay oo sidii hore way ka roonnahay.”
Cabdidirisaaq wuxuu sheegay in maaraynta nolosha qoyska ay u dheer tahay in uu iska bixiyay $630 oo ka mid ah lacagtii uu gaariga ku qaatay oo ahayd $3700. Inta u hartay ayuu xusay in maalintii uu meel u dhigo ugu yaraan toban doolar.
Wuxuu xusay in uu qorshaynayo in uu iska gudo inta aysan ka dhamaan muddo labo sano ah oo loo qabtay. Ninkaan ayaa sheegay in weligiis uusan ku shaqayn xirfadda wadista gaadiidka balse uu ku dhiiraday markii ay kula taliyeen dad qaraabo la ah oo ka war hayay xaaladda qoyskiisa.
Cabdidirisaaq inta uusan shaqadaan helin wuxuu sheegay in uu horay iskugu dayay in uu magaalada ka raadsado shaqooyin xoogsi ah, balse uu ku hungoobay. Wuxuu u sababaynayaa in magaalada uusan dad ka aqoon iyo in uusan lahayn xirfad loo baahan yahay taas oo quus badday.
“Rajadaydu aad bay u xumeed markaan imaanaayay oo aan barakaca ahaa markaan imidna xaaladdu waaxaan iska aaa sideeda bay sii ahaanaysaa, balse xaaladdu waa is beddeshay oo aniga waxaan noqday nin shaqaysanaya oo magaaladiina wax ka qabsanaya.”
Cabdidirisaaq wuxuu qorshaynayaa in bilaha soo socda uu qoyskiisa ka saaro xerada Hillaac ee duleedka magaalada. Wuxuu tilmaamay in halkaas ay ku haysato hoy xumo oo ay gabaad sadaan buul yar oo aan ka dabaali karin dabaysha xagaaga oo aad kaga dhacaysa gobolka iyo cadceedda.
Waa markii ugu horraysay ee uu ku fikiro arrintaan maaddaama uusan horay awood ugu lahayn in uu magaalada guri kaga kireeyo. Qoyska ninkaan ayaa xerada ku soo biiray sanadkii 2023, xilligaas oo dagaal u dhexeeya dawladda iyo Al-shabaab uu kaga soo barakacay deeganka Camaara ee gobolka Mudug.
Wuxuu sheegay in halkaas uu ku lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo dharka iyo raashinka iyo beer labo hiktar ah oo uu raashin iyo khudaar ku tacban jiray. Ninkaan ayaa sheegay in bishaan uu ku tala jiraa in saddex ka mid ah carruurtiisa oo gaaray da’da waxbarashada uu ku daro iskuul maddaama uu aaminsan yahay in uu bixin karo qarashka ku baxaya.
Dhamaan ragga ka faa’iidaystay fursaddaan ay siiyeen ganacsatada ayaa si isku mid ah u dabaray nolosha qoysaskooda. Xasan Maxamuud Cali oo ka mid ah raggaan wuxuu muddo labo bil ah ku shaqaysanayaa gaari nuuca raaxada ah oo la daymiyay.
Wuxuu xusay in maalintii uu ka helo ugu yaraan $10, taas oo awoood u siisay in uu si buuxda u maareeyo biilka iyo arradtirkooda qoyskiisa oo todobo qof ah.wuxuu tilmaamay in karista arrintaas ay meesha ka sartay welwel xooggan oo ay ku haysat xaaladda ay ku jireen.
“Waxaa fiican inaad shaqadaad aad ku niyadsantahay anigu magaalada macaamiil iyo dad badan baan ku leeyahay, arday iskuullada aan u qaado oo bishii aan wax ka hello waa jiraan, arday, sidoo kole jaamacadaha aan geeyo oo bille ahna waa jiraan.”
Xasan wuxuu sheegay in muddo 4 sano ah oo qoyskiisu ay barakac ku ahaayeen xerada Caymis ay ku adkayd in ay helaan biyo iyo cunto ku filan. Wuxuu tilmaammay in ay ku tiirsanaayeen wax ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin oo magaalada ku nool iyo deeqda hay’adaha oo aan joogto ahayn.
Wuxuuu tilmamay in hadda uu iska guday dayn gaaraysay $200 oo ay ku lahaayeen dukaanno xerada ku yaalla, kuwaaas oo horay ugu cadaadinayay in uu bixiyo.
Fursaddaan ay ganacsatadu ku daymiyeen gaariga ayuu xusay in ay ku soo aadday xilli uu aad uga walaacsanaa xaaladda haysata qoyskiisa oo ka sii daraysay ka dib markii ay ka go’een karrakii hay’adaha oo maramar ay ku heli jireen raashin. Sidoo kale waxaa ku adkaatay in uu magaalada shaqo ka helo.
“Magaalada markii aan imaanayay dhowr bil shaqo maanan helin k dib gaarigii baa la ila damiintay, lacagtana hadda cidda biilkeedii meel fiicanuu ii fadhiistay waayeelkii iyo waalidkiina aad bay iigu mahdiyeen.”
Xasan maaddama uu wax-soo-saar fiican ka helay gaariga wuxuu sheegay in hadda maalin kasta meel u dhigo si uu iskaga bixiyo muddo sanad ah daynta gaariga oo ah $2,500.
Ninkaan oo qoyskiisa kala soo barakacay deeganka Caad ee gobolka mudug snadkii 2021 xilligaas oo abaar jirtay uu ku dhaafay 300 oo ari ah oo uu dhaqanayay ayaa sheegay in arrintaan ay meesha ka saartay duruuftii ay muddadaas ku sugnaayeen.
Ujeedka raggaan loo daymiyay gawaarida ayaa ah in ay gaaraan isku filnaan nololeed si ay barakaca uga baxaan baddalkii ay deeq sugan lahaayeen, sida uu Raadiyow Ergo uu sheegay Cabdicasiis Xassan Cismaan oo ka mid ah ganacsatada gawaarida bixiya.
Wuxuu tilmaamay in ay istuseen muhiimadda ay leedahay maal gelinta loo sameeyo dhallinyarada jecel in ay beddelaan nolosha reerahooda, balse awoodi la’ dhaqaale ay ku billaabaan fursadaha u muuqda.
Waxay sameeyeen xog aruurin ay ku ogaadeen in gawaaridu tahay waxa ugu mudan ee ay ku shaqaysan karaan.Cabdicasiis wuxuu xusay inay gaadiidkaan siiyaan qofka marka uu la yimaado qof damiin ah, taas oo meesha ka saaraysa inay hantidoodu khasaarto.
Shaqo yarida haysatada dhalinyarada ayaa ah mid ku baahsan gudaha dalka iyada oo kuwooda danyarta iyo barakaca ah ay usii nugul yihiin, balse fursadaha nuucaan ah ayaa u muuqda kuwa wax badan ka beddeli kara haddii la sii dardar-galiyo.