Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo xiray ganacsiyo ay ku tiirsanaayen dayn lagu yeeshay awgeed.

Jibril Osman by Jibril Osman
August 22, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Xamdi oo hortaagan dukaan ka xirmay/Cabdiraxmaan Roobe/Erg

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo toban haween ah oo barakac ku ah xeryo ku yaalla magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa wajahaya nolol xumo, markii daymo lagu yeeshay ay uga xirmeen ganacsi yaryar oo ay nolosha qoysaskooda ka maarayn jireen.

Xamdi Cadullaahi Ibraahim oo ka mid ah ayaa saddexdii bil ee tagay qoyskeeda oo 8 qof ah u awoodi la’ cunno joogto. Arrintan ayaa timid markii ay meesha ka baxday meherad yar oo ay ku gadi jirtay bagaash oo ay biilka ka soo saaran jireen.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay haatan ku sugan yihiin iyada iyo qoyskeeda xaalad adag oo ka dhalatay burburka ku yimid ganacsigeeda oo u ahaa isha kaliya ee dhaqaale ee ay haysteen tan iyo dhammaadkii sanadkii 2023, markaas oo ay ku billowday $700 oo dayn ah.

Waxay xustay inay haatan u baqayso xorriyaddeeda maaddaama lagu wargaliyay in xabsi loo dhigayo $1,500 oo ah dayn ku maqan haddii aysan ku bixin muddo saddex bil ah, taas oo aysan garanayn sidii ay isaga gudi lahayd.

“Markii aan ganacsanayay carruurtu saddex ama labo jeer ayay wax ii karsanjireen, markaas ilayn waxaan ahaa qof is dhiirigalisay oo wax haysatay ee, maanta waxba mahaysto oo dayntiibaa la iidiiday oo waxaa la iyiri walaal daynta ma iskaga kaa wadaynaa?, waxaa lagayaabaa hadii aan saddex jeer wax karsan jirnay maaintii inaan hadda mar wax karsanno oo aan cashadii,quraacdii iyo qadadii aan hal mar isku karsanno.”

Waxay xustay inay hadda dad ehelladooda ah marar qaar kiilooyin raashin ah ay ka helaan, kuwaasi oo ay dabka ku shitaan. Waxay xustay inay gaajo ku seexdaan caruurteeda oo kan ugu yar uu yahay labo jir maaddaama aysan quud u haynin.

Ganacsigeeda ayaa ku tiirsanaa dukaamo ay u dan sheegay oo ay kula heshiisay inay adeeg siiyaan si ay faa’iido iyo lafaha uga raadsado balse waxay noqotay inay xitaa soo celin waydo lacagtii ay uga heshiiyay, dhawr mar oo ay ku laalaabatay ayaa daynta ku badisay.

Xamdi ayaa daaha ka qaaday in ganacsigeedu uu sidoo kole uu xirmay markii ay lacagihii ka heli wayday dadkii daymaha ka qaatay. Waxay xustay inay ka maqan tahay lacag dhan $1300, taasi oo haddii ay heli lahayd ganacsigeeda badbaadin lahayd.

“Sidii aan malaynaynay waa ay inoo noqon waysay dayntu maantay waxay igu haysaa kurbo aan innaba caadi ahayn, mahurdo, maharsado, badar maantii haddii aan hello kama baahi beello caawa haddii aan dhinto ruux iga bixinaayo majiro.”

Si la mid ah Xamdi haweenka ay ganacsiyada ka xirmeen waxaa mid ah Fardowso Cabdullaahi Xirsi oo ku nool xerada Daryeel. Muddo labo sano ah ayay nolosha qoyskeeda oo 7 qof ah ka deberaysay meherad ganacsi oo ay ku iibin jirtay qudaar iyo agab kale, taasi oo ay ku billowday $500 oo dayn ah. Waxay sheegtay inay lacag u dhaxaysa $7 illaa $10 ay maalintii ka faa’iidi jirtay goobteeda ganacsi ka hor inta aysan ka xirmin labo bil ka hor.

Dhibaatada nolol xumo ee ka soo gaartay burburka ganacsigeeda waxaa u raacady inay dayntu sabab u noqotay burburka qoyskeeda markii ay xaaladda jirta darteed ku kala tageen saygeedii.

“Odaygii dayntaas laftirkeeda baan ku kala tagnay markii dayn aniga la igu yeeshay ilmihiina ay qaylyaayaan gabigeenba waa naga dhex baxay oo isqabad dayn ka yimid darteedaan ku kala tagnay, Malaga hello wax taageeraa hadda saasaabaan aniga hadda ilmaha ula daalaadhacayaa, taxaddaraan rabay anigu iyo inaan wax soo kordhiyo markii aan gabayna waxaa la iga dhigay qof aan waxba soo kordhayn oo ah adigaaba goobtee dayn anigu ii doon kuma dhihin.”

Waxay sheegtay inay magaalada subax kasta u raadiso shaqo dhar-dhaqis ah oo aan joogto ahayn taasi oo marka ay soo hesho kala soo laabato $5 oo ay ku soo gadato raashin hal mar ay caruurta dabka ugu shubto. Marka ay soo wayso ayay sheegtay inay habeenkaas gaajo ku seexdaan.

Haweenaydan ayaa xustay inay isku dayday dib u billaabidda ganacsigeedii balse aysan arintaas ku guulaysan maaddaama aysan helin cid ku caawisa dhaqaale ay ku socodsiiso, hadda ayay sheegtay inay xaalad quus ah joogto.

Fardowsa oo tan iyo sanadkii 2022 barakac ku ah magaalada Cadaado markii ay colaad u dhaxaysa dowlada Iyo Alshabaab uga soo carartay deegaanka Maygaag-duub ee hoos tagga magaalada Baxdo ayaa hadda waqtiga ugu badan maalintii ku qaadata gurigeeda maadaama aysan haysan shaqo joogto ah.

Daymaha ka dhashay ganacsiyada socon waayay ayaa rajo beel ku riday dad badan oo markii hore naawilayay inay nolosha is beddel ka sameeyaan. Siraad Axmed Yarow oo ku nool xerada Bari ee magaalada Cadaado qoyskeeda oo sagaal ah ayaa wajahaya hubanti la’aan cunno markii uu burbur ku yimid ganacsiga ay ka soo saari jirtay quud-maalmeedkooda.

Siraad ayaa sheegtay inaysan awoodin inay mar kale ku dhiirrato ganacsi, taasi oo badday inay reeraha dariskooda ah uga soo dawarsato waxay hal mar ah maalintii dabka saartaan marka ay waayaanna ay qatooyo ku joogaan.

Haweeneydan burburka ganacsigeedii ku yimid iyo nolol xumada ay ka dhalaatay waxaa u dheer in si gaar loogu dhibaateeyay iyada daynta.

“Waxaa la igu yeeshay lacag dayn ah oo labo jeer la iixiray oo dadka gudiga kaamka ah iga soo damiinteen aanan haddana meelna ugu hayn oo ah lacag $900 oo aan tabar aan ku bixiyo aanan haysan maadaama ay ilmihii noloshooda aysan meelna iigu tiirsanayn,markii la isoo damiintay lacagtii daynta aheedna aan cid iga caawisa aan waayay anna aanan iska bixikarayn taas ayaa keentay in marka xabsiga labo jeer la igu celiyo.”

Waxay sheegtay in hadda si kama danbays ah looga doonayo inay muddo labo bil ah ku bixiso lacag dhan $900, taasi oo wali aysan  haynin qaab ay u bixin karto. Waxaa sidoo kale culeyska ku kordhinaya $1500 oo ay kala guureen macaamiisheedii xerada. Haddii ay raadin lahyd waxay xustay inaysan ogayn meesha ay joogaan.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku sugan xeryaha barakac ee ku yaalla magaalada Cadaado ayaa markii ay gar gaar joogto ah ka waayeen hay’adaha isku dayay ganacsiyo yaryar oo ay noloshooda ka deberaan, kuwaas oo qaar kood ay haatan dhaqaale yari iyo daymo dartood uga burbureen ganacsiyadii ay ku hamminayene inay isku filnaan ku gaaraan.

Previous Post

Gargaar la’aanta oo keentay in haween barakac ah ay u dawarsi tagaan beeraha Baydhabo

Next Post

Xoolo-dhaqato hore oo Cabudwaaq ka hirgaliyay beero kaabay noloshooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Next Post
Xoolo-dhaqato hore oo Cabudwaaq ka hirgaliyay beero kaabay noloshooda

Xoolo-dhaqato hore oo Cabudwaaq ka hirgaliyay beero kaabay noloshooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2025

IDAACADDA 16-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo