(ERGO) – Shaqo la’aan soo wajahday 500 oo dhallinyaro ah oo ku nool xerada qaxootiga Dhadhaab ayaa cunno xumo u horseedday qoysaskooda. Xaaladdan waxay ka dhalatay, markii la dhimay dadkii u shaqaynayay hay’adaha gargaarka.
Hay’adahaas waxaa ka mid ah Terre Des Hommes, Save the Children, Kenya Red Cross LWF, iyo UNHCR. Shaqaalaha ayaa dhamaantood la fasaxday bishii Abriil ee sanadkan sida lagu ogaaday xog-aruurin ay samaysay dalladda dhallinyarada xeryaha xaqootiga.
Aadan Aweys Cabdullaahi oo uu ka istaagay mushaar dhan 10,000 oo shilling-ka Kenya ah wuxuu ka cabanayaa culays ka soo wajahay maaraynta nolosha qoyskiisa oo shan ah.
Dhaqaalaha uu ka helayay shaqadiisa wuxuu ku kabi jiray gunno raashin ah oo xeradiisa Xagardheer laga bixiyo, taas oo hoos loo dhigay sanadihii u danbeeyay.
Wuxuu sheegay in gunnadii uu helay bishan ay ku filnaan wayday noloshooda, isla markaana ay ka dhamaatay 10 bishan. Wuxuu ka dariyay nolol xumada ay ku jiraan carruurtiisa.
“Caanihii ilamaha waa waynay. Cuntadii qoyska waa waynay, Sababtoo ah biilkii aan si joogta ah u qaadanaynay bil walba meesha wuu ka baxay. Hadda hal mar baan wax karsanaa. 24 saacba hal mar baan wax karsaan.”
Wuxuu tilmaamay Aadan in shaqada uu waayay ay ku dhalisay fikir joogto ah oo ah sidii uu u maarayn lahaa nolol-maalmeedka qoyskiisa iyo mustaqbalka carruurtiisa. Waxaa se ay dantu bidday in uu raadiyo shaqo xoogsi ah.
Wuxuu ku biiray shaqada wadidda Gaari-dameerka biyaha lagu qaado. Wuxuu xusay in uusan lahayn gaadiid uu ku xamaasho, balse uu taageero dhif ah ka helay nin ay saaxiibbo yihiin, kaas oo maalmaha qaar u dhiiba kareetadiisa.
Qoysaska deggan xeradiisa ayuu u geeya biyaha laga soo dhaamiyo ceelasha. Shaqadan wuxuu ku foogan yahay tan iyo billowgii bishan Julay. Lacagta uu helo ayuu sheegay in aysan u goyn cunnada iyo caanaha carruurta halka waqti ee uu helo.
Wuxuu doorbiday in uu qabto shaqo kasta oo xoogsi ah, halkii uu noqon lahaa guri-joog ka quustay helidda nolol-maalmeedka.
“Qoyska si aan u maareeyo aniga ma fariisto. Magaalada ayaan aadaa. Mid saaxiibkay ah gaari-dameer uu wato ayaan raacaa isagaan la soo shaqaynayay maanta. Waxaan ka soo helay nolol-maalmeedkayga, maalin walbana maahan sidaas. Maanta saddex boqol (shilling Kenya) baan ka soo helay.”
Wuxuu sheegay in uu u shaqaynayay hay’adda Terre Des Hommes. Wuxuu u qaabilsanaa badbaadada carruurta la shaqaalaysiiyo iyo kuwa la kulma tacadiyada ama guurka qasabka ah. Wuxuu ka mid noqday 130 qaxooti ah oo hay’addan ay fasaxday.
Aadan oo 37 jir ah wuxuu shaqadan ku biiray sanadkii 2017. Wuxuu qayb ka ahaa dhallinyaro dhameeyay dugsiga sare, kuwaas oo nasiib u helay in ay qaataan hay’adaha samafalku. Wuxuu xusay in fursaddan uu ka helay khibrad iyo nolosha qoyskiisa oo meel fiican soo gaartay.
Shaqo la’aanta waxay bidday in bilihii May iyo Juun ee sanadkan uu nolosha qoyskiisa uu maaraynayo raashin uu ka daysaday ganacsade ay macaamiil ahaayeen, kaas oo ku yeeshay 30,000-ksho. Daynta lagu leeyahay waxay ku noqotay culays horleh.
“Anigu markii socdo deyntaa darteen welwel ayaa igu abuuran, sababtoo ah 24 saac marka aan wadadaas marayo ninka daynta igu leh wuxu dhahayaa ilaa hadda kuma hayo; Iima timaaddida sidaas buu i dhahaa. Walwal baan dareemaya, sababtoo ah lacagtii ma hayo, ninkiina uma tagi karo. Haddaan u tago lacagta ayuu u baahan yahay.”
Ninkan oo da’yar ah ayaa qoyskiisu kala soo qaxeen deegaan Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo ay ku lahaayeen beer 10 hiktar ah. Colaaddo iyo abaaro isbiirsaday ayaa ku qasbay in ay soo maciin bidaan xeryaha Dhadhaab sanadkii 2006.
Dhalinyarada shaqo’aanta noqday qaarkood malahan carruur, balse waxay dhinaca cunnada iyo arrad-tirka ka taageeri jireen waalidkooda iyo walaalahood oo danyar ah.
Maajid Daahir Aadan oo 24 jir ah wuxuu gacanta ku hayay qoys ka kooban 12 qof. Wuxuu ka caawin jiray dhinaca masruufka, hase ahaatee taasi shaqo xumada ayaa curyaamisay.
Waxaa uu tilmaamay in uu ahaa qof kaliya ee u dhaq-dhaqaaqa qoyska oo il-dhaqaale oo kale aan lahayn. Wuxuu ku kabi jiray lacag dhan 12000-ksho oo mushaar ahaan uu u heli jiray.
Wuxuu shaqo la’aan yahay tan iyo billowgii bishii Abriil ee sanadkan. Sanadihii 2023 ilaa 2024 wuxuu la shaqaynayay hay’adda FilmdAid, taas oo dhaqaale xumo darteed u fasaxday Maajid iyo shaqaale kale.
Wuxuu u qaabilsanaa hay’addan sawir-qaadista iyo muuqaal-duubista. Maajid oo ah xirfadle ku wanaagsan howshan wuxuu billaabay in uu raadiyo shaqo kale oo uu nolosha ku dabbaro.
Wuxuu tagaa goobaha bulshadu ku kalanto, halkaas oo sawirro uu uga qaado dadka ka dalbada. Lacagta uu ka helo ayuu xusay in aysan badnayd, sidoo kalana aysan joogto ahayn.
“Nin shaqo u bartay ayaan ahay fadhi umaanan baran. Sawiradayda iyo waxayga ayaan soo qaad-qaataa iyo wixii aan dhalinyarada saaxiibaday ah oo shaqooyin aan u qabto kasoo qaato, waxaasina wax joogto ah maahan. Marmar uun bay iska soo dhic dhici.”
Wuxuu sheegay in ay ku tiirsanaan waayeen gunnada raashinka ah oo aad u yar. Intaas wuxuu ku daray in xaaladdu ay ka sii dartay, markii la joojiyay bishii hore lacag gunno ah oo qaxootigu ay heli jireen bilwalba, taas oo ahayd $75.
Dhibaatooyinkan isku beegmay ayuu sheegay in ay u horseeday hubanti la’aan cunno oo saamaysay qoyska uu ka soo jeedo iyo qaxootiga kale.
“Saamayn wayn ayay igu yeelatay. Waayo awal hore qado, quraac iyo casho waa la helayay. Laakiin sidii hore maahan way adkaatay. Waayo hadda marmar waxaa jiray qado iyo quraacba aan la helin oo casho bis la helayo, lacagta aan shaqada ka soo qaadan jiray ayaa faamiliga ku biili jiray. Hadda laakiin wixii way istaageen.”
Qoyska Maahid wuxuu amni xumo uga qaxay magaalada Muqdisho sanadkii 2010. Waxay noloshoodu ku tiirsanayd shaqo muruq-maal ah oo aabbihiis uu ka qaban suuqa bakaaraha. Xasaradaha ka jiray Muqdisho waqtigaas ayaa ku qasbay in ay noqdaan qaxooti.
Boqollaal qoys ayaa shaqo ka fasixidda dhalinyarada ay saameysay. Waxaa naruuro u ahaa dhaqaalaha ay bilwaba ka helayeen, taas oo meesha ka baxday.
Waxaa hoos u dhacay dadkii suuqyada ka iibsan jiray badeecadaha dhibaatada dhaqaale xumada la’aan darteed, sidoo kalana shaqo la’aanta waxay sababtay in dhallinyada qaar ay nolosha ka dhacaan sida uu Raadiyow Ergo uu u sheegay Cabaas Cabdullaahi Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka dallada dhallinyarada xerada Ifo
“Dhaqaalihii yaraa sidii looga goostay dhallinyaradii boqolkiiba toddobaatan iyo shan waa iska baagamuuddo. Qaar Drugs-ka ku biiray, qaar meelaha iska socda iyo qaar falal amnidarri sameeya ayay u kala bexeen. Noloshu way isbeddeshay waxyaabo badan ayaa camp-ka ka dhacay. Tuugadii ayaa aad u badatay iyo dhallinyardii oo macno la’aan iska jooga.”
Shaqo la’aanta ku dhacday dhalinyarada waxay sii cakirtay nolosha qaxootiga Dhadhaab, kuwaas oo hore ba u la daalaa dhacayay dhismis lagu sameeyay gunno iskugu jirta raashinka iyo lacagta. Waxaa ugu danbeysay bishii Juun oo la joojiyay lacag $6.4 ah oo qofkiiba uu heli jiray bilwalba.