(ERGO) – Kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaro iyo colaado ayaa xaalad nolol-xumo ah ku wajahaya xeyo ku yalla magaalada Muqdisho. Muddo sanado ah oo ay joogaan ayay la qabsan waayeen xaaladda magaalada, maaddaama aysan lahayn xirfad ay ku shaqaystaan. Waxay weli ku tiirsan yihiin gargaan aysan u helin si joogto ah.
Maxamed Nuur Geelle waxaa ku adag in uu u helo wax ay hal mar cunaan carruurtiisa oo 10 ah. Muddo sagaal sano ah oo uu deggan yahay xerada lagu barakacay ee Danyar ee degmada Kaxda.
Gargaar aan joogto ahayn oo ay ka heli jireen Hay’ado gurbo-joog soomaali ah ayuu sheegay in aysan helin muddo saddex bil ah, taas oo xaalka ku sii adkaysay. Wuxuu hadda ku qasbanaaday in uu dawarsado dadka ka agdhow xerada oo uu kaga warramo xaaladdooda.
“Waxa buushkaas nagu hayaa waa tabar. Hadda lacag ma heyno, raashin ma heyno, guri ma heyno, aad iyo aad ayay xaaladda u xun tahay, xaasas ayaan ahay oo ay carruur u joogto cid na og ma jirto, ehel iyo qaraabo na caawisanaa ama na kaalmeynaysa ma qabno.”
Maxamed nolol-xumada waxaa u dheer in uu naafo ka yahay labada lugood oo uga jabay shil gaari sanadkii 2005. Arrintaas waxay sababtay in uusan hamin shaqooyinka xoogsiga ah. wuxuu xusay in muddo dhawr jeer ah uu isku dayay in magaalada uu shaqo ka raadsado, balse lagu cileeyay naafo nimada iyo waxbarasho la’aan.
Si ay u buuxiso booskiisa xaaskiisa ayaa maalin kasta magaalada u aadda shaqo dhar dhaqis ah oo aysan helin inta badan. Maalmaha ay nasiib u yeelato ayay soo heshaa lacag u dhacaysa $3 ilaa 5 dollar oo ay ku kabto hadba wixii ay haystaan.
Ninkan oo qoyskiisu ka soo barakacay Bariire sanadkii 2015 kii aya nololsha reerkiisa ka maarayn jiray beer hal hictar oo uu ku ku beeran jiray dalagyo uu ka heli jiray dhaqaalo wax ku ool ah. barakaca ayuu tilmaamay ku qasbanaaday, markii deegaanka ay ka dheceen colaado u dhexeya labo qabiil.
Wuxuu sheegay in ay ku hungoobeen rajadii ay ka qaben xerada oo ahayd in ay ka heli doonaan nolol dhaanta middii ay ku jireen. Wuxuu tilmaamay in dhawr jeer ay isku dayeen in ay dib ugu laabtaan deegaankoodii balse ay waayeen qarash ay ku laabtaan.
Wuxuu aaminsan yahay in haddii shaqo abuur loo samayn lahaa ay uga wacnaan lahayd caawinta ku salaysan quudinta.
“Waxaa beddal noo noqon karaa in shaqo abuur na loo sameeyo oo camal aan ka qabano aan helno. Waxaan rabnaa in aan gacmaheena wax ku qabsano sida in dukaan na loo furo. Waxaa fiicnaan laheyd in nala maalgaliyo si aan gargaar uga maarano.”
Xaaladda nolol xumada ayaa ah mid ay ka siman yihiin dadka barakacay ee xeryahan ku sugan. Waxay wadaagaan shaqo la’aan sababtay in ay ka soo kabsan waayaan nololsha barakacnimada oo ay waayo ku raageen.
Cali Faarax Muumin oo ah Aabbe heysta 12 Carruur ah waxaa u socda sanadkii Siddeedaad uu yahay barakaca. Cali iyo qoyskiisa hadda wali waxa ay kunool yihiin guri ka sameysan baco, gasacado iyo ulo kaasoo aan celin Karin roobka.
Wali qoyska cali Waxaa ku adag tan sanadkii 2017 kii helitaanka cuntadada, hal waqti ka badan. Waxa uu ka shaqeeyaa qoditaanka godadka xaafaddaha ee Muqdisho taasoo maalinkii uu helo shaqo uu kala hoydo wax ka yar afar dollar.
Waxaase soo maray gargaar cunto ah oo lix jeer la siiyay iyo lacago teleefanada lagu diro oo laba jeer ay siiyeen hay,ado gargaar oo kala duwan. Waxaa uu naawilayay in maalin ay soo mari doonto fursad maalgalin ah oo ku sameysan karo miis iyo sandaqad balse wali uma suurtagalin.
Ma jiro isbeddel uu dareemaayo qoyskiisa dhammaan waxaa ka maqan waxyaabihii nolosha aas aaska u ahaa. Cali waxaa uu sheegay in gargaarka teel teelka ah uusan waxba kusoo kordhin, balse uu jeclaan lahaa in isbedel lagu sameeyo.
“Sidda aan hadda kunool nahay waa naf dhici weysay, dhul ma heysano oo goofley ayaan dhul ka deganahay. Markaste waxa ay leeyihiin naga guura, deegaan iyo biyo midna ma lihin.”
Ninkaan hadda wuxuu degay xeradii lixaad tan iyo markii uu barakaca soo noqday. Wuxuu sheegay in saldhigo la’aanta dhanka deegaanka ay tahay dhibaatada ugu weyn ee keentay isbedel la’aanta in ay kusii jiraan xaaladda barakaca.
Cali waxaa uu kasoo barakacay sanadkii 2016 kii baadiyaha deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan markii abaartii SIMA uu ku waayay xoolo dhan 120 neef oo uu dhaqan jiray, wuxuu soo maciin biday Muqdisho balse wali wuxuu aamisan yahay in uu ku sugan yahay xaalad ka adag midii uu ku xoolo waayay.
Qoysaska barakaca ayaa qaarkood la dhibaatoonaya deymo waqti dhaafay oo ay ku leeyihiin dadka heysta ganacsiyadda ee degan degmooyinka Dayniile iyo Kaxda kuwaasoo qaarkood sugga markii lacago ama raashin gargaar ah loo keeno dadka.
Dadka ku soo biiraya xeryaha ee Muqdisho ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, xilli kuwii hore ee xeryaha ku jiray ay wajahayaan xaalad nolol xumo.