Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay khudaar la’aan ay sababtay fatahaadda webiga

Jibril Osman by Jibril Osman
June 8, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay khudaar la’aan ay sababtay fatahaadda webiga

Haweeney iibinaysa khudaarta ka soo go'da beeraha dalka/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qof oo ka mid ah danyarta ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa wajahaya cunno yari tan iyo horraantii Abriil markii fatahaadda Webiga Shabbeele iyo daadadka togagga ay u istaagtay khudaartii laga keeni jiray magaalada Beledweyne, taas oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Goobahii lagu iibin jiray khudaarta ee suuqyada magaalada ayaa badi xiran. Tiro yar oo furan ayaa haya nuucyo xaddidan oo dadku aysan wada gadan karin. Qoysaskii ka ganacsan jiray ayaa ah kuwa ugu daran ee ay taabatay noloshooda maalinlaha ah.

Xabiibo Cabdi Cadceed oo 36 jir ah waxay awoodi la’ dahay inay cunno u hesho carruurteeda oo lix ah markii 10 bishii Abriil uu ka xirmay miis yar khudaar ah oo nolosha qoyskeeda ay ka soo saari jirtay.

Haweenaydan oo maalinle ugu shaqo tagi jirtay miiskeeda oo ay u saarnaayeen noocyada kala duwan ee khudaarta sida moos, kabsar, liin, qaraha, canbaha yaanyo, basal iyo baradho ayaa hadda ah shaqo la’aan.

Xabiibo ayaa xustay inay habeen walba la hoyan jirtay faa’iido u dhaxeeya $5-7 doollar taas oo qoyskeeda ka caawin jirtay inay helaan cunno saddex waqti ah.

Haweeneydan ayaa sheegtay in nolosha qoyskeeda ay ahayd mid isku dheelli-tiran oo wax welwel ah aysan ka qabin helidda quud-maalmeedka balse hadda ay wajahayaan hubanti la’aan cunno.

“Hadda khudaartii waa istaagtay. Roobbaa da’ay. Carradii waa kala xirxirantay. Baabuur meel uu maro ma leh. Khudaar ma leh. Saameyn weyn bay nagu yeelatay. Ilmah biilkooda halkaasa nafta ka raadin jiray. Hadda guri joog baa noqday ileeen wax aan ka shaqeeyo ma lahane.”

Haweenaydan ayaa sheegtay inay khudaarta dayn uga dalban jirtay dadka beerta. Markay gado ayay celin jirtay daynta, iyadoo inta kalana nolosha qoyska ku maarayn jirtay. Xabiibo ayaa sheegtay in helidda khudaarta oo yaraatay darteed ay keentay inay qaali noqotay. Waxay xustay in jirgaanka yaanyada ah oo loogu keeni jiray $13 uu hadda marayo $25. Si lamid ah waxaa labo jibbaar ku dhaw khudaarta kale.

Waxaa hadda suuqa yaalla kooban oo ka timaada deegaano ka tirsan Itoobiya. Xabiibo waxay tilmaamtay inay hoosayso rajada ah inay dib u furato miiskeedii inta ay jiraan fatahaadaha.

Waxay intaas raacisay in beeraha gobolka Mudug ku yaalla khudaarta ka soo go’da aysan ku filnayn baahida suuqa Gaalkacyo.

Waxay qabtaa walwal ku aadan shaqadeeda maadaama ay laf-dhabarta u ahayd qoyskeeda. Waxaa culays ku haya quutul yoomka, kirada iyo waxbarashada carruurteeda. Intaas waxa u dheer daynta ay ku leeyihiin dadka khudaarta u soo diri jiray.

“Markasta dadka aniga wax ii soo dhiibi jiray dayn baa uga soo qaadan oo waxba igama hormarsadaan. Dadka Baladweyne iyo aageeda ah baa khudaartu iiga imaan jirtay. Badanaa waxba lama kaasho. Wixii waa ii soo dhiibayeen waan cadeyn jiray. Wax kalaa la soo dhiibay waxbay kugu yeelanayaan. Lacago badan baa la iiga leeyahay hadda. Waxaan iraahdaa shaqo ma haayo markaan shaqeeyo baa  iska bixinayaa. Lacagta badan baa la igu leeyahay waa $2,000 oo dhowr qof igu leedahay.”

Dhaqaale xumada soo food-saartay haweenaydan darteed waxay bixin waysay lacagta waxbarashada saddex carruurteeda ah oo dhigta iskuul bishii laga qaado $35 ayaa lagu leeyahay  bishan May.

Xabiibo ayaa sheegtay in haddii aysan soo laaban khudaarta ay ku jirto aragti ah in carruurta ay gayso baadiyo oo ay halkaas iska soo joogaan, inta shaqo ka helayso. Haweeneydan ayaa quus ka taagan shaqadan oo ku jirtay toban sano. Waxay sheegtay in carruurteeda aabbahood ay kala tageen isla markaanna uusan ku biilin.

Saamaynta ka dhalatay khudaar yarida Keliya kuma eka qoyska Xabiibo, waxaa jira boqolaal kale oo dhaqaalahoodu hoos u dhacay.  Maryamo Siciid Daahir waxaa feker ku haya cunnada, arrad-tirka iyo waxbarashada carruurteeda oo siddeed ah.

Haweeneydan ayaa nolosha qoyskeeda ka soo saari jirtay miis oo ay ku gooba-goobayso khudaar kala duwan balse hadda waxba uma saarno sabab la xiriirka khudaar yarida magaalada ka jirta awgeed.

Waxay xilligan wajahayaan caqabad aan horay u soo marin sagaal sano. Waxay sheegtay in lagu leeyahay kirada miiska oo bishii ah $12. Waxay isbarbar dhigaysaa isbeddelka ku dhacay.

“Nolol maalmeed fiican baa naga soo gali jiray. Haddase lakiin nolol maalmeedkenii hoos buu u dhacay. Saan waxaa ka shaqeeyo malahan. iyada ka shaqayn jirnay waana istaagtay. Waxaa iga soo gali jiray awal mar shan doollar, mar toban dollar, marba waxbaa naga soo gali jiray. Markaan waa liidataa wax ka yimaada ma lahan.”

Haweenaydan ayaa xustay in shaqadan ay haysay ay tiir u ahayd nolosha qoyskeeda. Shan kamid ah carruurteeda ayay ka bixisaa iskuulka, kuwaas oo wadar ahaan laga qaado $45 bil kasta. Waxa ay sheegtay in bishan aysan bixin isla markaana ay ka walwal ka qabto inay tacliinta ka haraan. Waxay intaas ku dartay in macallimiinta ay ku wargalisay in shaqadii ay ka istaagtay 29 Abriil. Waxay ka codsay in loo dulqaato intay shaqo billaabayso.

Maryamo ayaa  subax kasta u kallahdo dadkii miiskeeda ku xirnaa kuwii ay daymaha ku lahayd si ay ugu hesho cunno hal waqti ah carruurteeda oo ay aabbahood kala tageen oo aan lagu biilin.

“Dareenkaygu waa dareen Alle lakiin qof hooyo ah oo masuuliyad saarantahay wax walba iska badalaya, Saa wax walbaa laga rabaaye. Macalinkii iskuulka waa ka fakarayaa, kii dugsiga waa ka fakaraya, kiradii waa ka fakarayaa, quutul yoomkii waan ka fakarayaa, dawadii waa ka fakarayaa, waalinkana waxbaa iska badalaya, markii intaas oo dhan sii fuulaan waliba uu yahay qof dumar ah.”

Maryamo ayaa sheegtay caqabada ka hortaagan abuurashada shaqo kale inay tahay dhaqaalaha, maaddaama aysan dhigaal samaysan. Waxay ka dalbatay hay’adaha iyo maamulka inay hoos u soo eegaan oo ay xirfad u sameeyaan.

Guddoomiyaha Ganacsatada khudaarayda Gaalkacyo Gani Cumar Barre ayaa sheegtay in fatahaadda webiga iyo roobab ay sababeen in ay shaqo la’aan noqdeen ilaa 3 kun oo qof oo horay ugu tiirsanaa khudaarta kuwaas oo ku nool magaalada.

Waxay rajo xumo ka muujisay xaaladda qoysaska ay arrintaan saamaysay oo aan lahayn il oo ay ciirsadaan.

“Shaqo la’aan baa ku dhacday. Waa kuwan xamaaligu darbiyada fadhiyo umadii oo dhan waxba ma hayaan. Hadii hadda ay saa ku sii jiraana dadka waxaa lasoo darsaya nolol aad u adag, dadkii intii isku xirnayd.”

Ganacsatada yaryar ee ay saamaysay khudaar yari ayaa u badan qoysas kasoo xarooday abaarahii deegaanka ka jiray iyo colaado kuwaa oo magaalada soo maciin biday. Marka laga tago inay ka maaraynayeen noloshooda waxay ka kabi jireen eheladooda miyiga ku danbeeya balse iyaga ayaa u baahan caawin.

 

Previous Post

Muqdisho: Qoysas ku jira xeryo barakac oo la qabsan la’ nolosha magaalada

Next Post

Qardho: Daraasad ku saabsan waxyeellada daawooyinka la isku caddeeyo oo ay haween badan isbitaal u galeen

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
Qardho: Daraasad ku saabsan waxyeellada daawooyinka la isku caddeeyo oo ay haween badan isbitaal u galeen

Qardho: Daraasad ku saabsan waxyeellada daawooyinka la isku caddeeyo oo ay haween badan isbitaal u galeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo