Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhalinyarada xeryaha Dhadhaab oo wajahaya xaalado adag kadib markii ay tahriib galeen

Radio Ergo by Radio Ergo
February 12, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dhalinyarada xeryaha Dhadhaab oo wajahaya xaalado adag kadib markii ay tahriib galeen

Halimo Yusuf doesn’t know when she will see her son Yasin again/Ahmed Mohamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Yuusuf Shire oo ku nool xerada Xagardheer ee qaxootiga Dhadhaab, waxaa murug iyo walbahaar ku haaya xirnaashaha wiilkeeda oo 24 jir ah. Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafey ayuu gacanta u galay kooxaha dadka tahriibiya ee dalka Liibiya.

Haweeneydan oo danyar ah ayaa lagu amray inay bixiso $18,000 oo madax furasho ah. Lacagtan ayaa ah mid aysan awoodin inay bixiso oo waxaa ku adag helidda biilka qoyska. Waxay ku tiirsantahay raashin deeq ah oo ay bixiso hay’adda WFP.

Waxay xustay in dhowr jeer ay u soo direen kooxda wiilkeeda haysta muuqaal ay ka soo duubeen, iyagoo garacaaya.

“Wiilka mar walba waa u soo cabanayaa. Muqaalkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid gacanta laga jibiyay oo la qaracaayo. Labo saac ka hor ayuu i soo wacay oo igu oynayay. Afarta bilood waxaa uu xiran yahay waa wax la’aan. Lacagtii ayay naga rabaan in la bixiyo. Ma sii daynayno ayay dheheen oo waxay igu yiraahdeen waan dilaynaa, wax naxriis ah uma hayno,” ayay tiri.

Xaliimo waxay la xanuunsantahay cudurka dhiig karka. Waxay tilmaantay in walwalka haaya ay saameeyn ku yeelatay xaaladeeda caafimaad. Lugta ayay sheegtay inay xanuunayso oo ay ka socon la’dahay. Xanuunka dhiig karka ayay uga shakisan tahay inuu sababay.

Seygeeda oo sidoo kale la nool xanuunka sonkorta iyo dhiig karka ayay sheegtay inuu ku aruursaday sariir. Waxay tilmaantay in horay uu xanuunka lug uga naafooway.

“Aad ayaan u xanuunsanahay. Daawo ayaan iska qaataa, dhiigaygu wuxuu gaaray 400, Ilaahay un ayaan baryaa oo iga dejin kara. Lugta waa i xanuunaysaa oo waan jiidayaa, dhiig karka iyo walbahaarka i haysta ayaan u maleeyay inuu sababay,” ayay tiri.

Xaliimo ayaa sheegtay in wiilkeeda Yaasiin uu iskuulka uga haray fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe, si uu qoyska ugu shaqeeyo. Labo sano ayuu kirishbooy ka ahaa gaari ka shaqeeya xerada dhexdeeda.

Wuxuu maalinkii ka helayay gaariga labo ilaa iyo saddex doolaar. Waxay xustay in dhaqaalaha yar ee ka soo gala shaqada uu ku biili jiray qoyska.

Haweeneydan ayaa tilmaantay in marna uusan soo hadal qaadin inuu damac ka qabo tahriib.

“Yaasiin duruuf ayaa ku kalliftay, reerkaaga amaad dhibaatada ka saartaa ayuu isdhahay, sida aan u maleeyo. Noloshaanaga, haddii aan hal maalin wax karsanno, labo beri ayaa laga yaabaa inaan qadno. Markaa sidaa darted ayuu u tahriibay,” ayay tiri.

Xaliimo oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay 2010 ka soo qaxday magaalada Kismaayo.

Walidiinta qaar ayaa laga bixiyay lacagtii la soo waydistay. Balse, weli carruurtooda looma soo celin.

Maryan Ciise Rooble oo degan xerada Xagardheer waxaa wiilkeed Ismaaciil Abuukar Aadan oo 16-jir ahaa iyo 16-wiil kale oo ay isku xaafad yihiin laga kexeeyay xeryaha qaxootiga.Waxay sheegtay in shan maalmood oo ay la’ahayd wiilkeeda kadib laga soo wacay meel ka mid ah dalka Tanzania. waxay xustay in kooxaha wiilkeeda tahriibiyay ay u sheegeen in ay ka rabaan lacag dhan 2500 $ si ay u geeyaan dalka koofurta Afrika. Maryan oo ah danyar qaxooti ahi ma awoodin in lacagtaa bixiso.

Waxay sheegtay in Magafayaashu u sheegeen in haddii ay bixiso lacag 1000$ in ay wiilkeeda ugu soo celinayan magalada Nairoi. doon doon badan kadib Maryan kooxaha Tahriibiyay wiilkeeda waxay u diray lacag dhan 92000-Ksho oo dhiganta 600$. Mayan ayaa xustay in si ay lacagtaa u hesho ay rahan u dhigtay kaarkii ay ku qaadan jiray raashinka deeqda ah iyo laftii (simcardkii ) ay ugu dhici jirtay lacagta koosarta ah.

“Qof aan u dhiibay kaarka iyo jakuulada Ksh. 77500 ayuu isoo siiyay. Gabar aan deris nahay ayaa igu dartay Ksh. 15000. Waxay i tiri, walaalay haddii wiilkaagii la garaacayo markii aad hesho ii keen. Intaa ayaa sameeyay awood kale oo aan sameeyo waan waayay – Dibad la iima jiro, dal la iima jiro, cunugaa ayaan soo korsaday, hooyo ayaan ahay,” ayay tiri.

Maryan waxay sheegtay in wiilkeeda tahriibay uu dhaxal siiyay in aanay bishan Janaayo qaadan wax raashin ah iyo guno lacageed ah midna oo hadda ay la’dahay  waxay dabka u saarto  qoyskeeda oo ka kooban 11-qof , sagaal caruur  ah oo ay dhashay iyada iyo saygeeda oo shaqo la’aan ah. ma hubto sida uu sii noqon doono xaalka qoyskeeda oo aan wax raashin iyo lacag ah heli doonin 9-sagaal bilood ee socda xiligaa uu ku eg marka ay lacag daynta ahi ka dhamanayso.

“Qoyska noloshiisa culays saayid ah ayuu noqday markii hore digirta ayaa la qaadan jiray , bariiska ayaa la qaadan jiray saliid baa la qaadan jirey, Chakulada ciyaalka bur baa loogu soo qaadi jiray , qoyska iyo ilmaha ilaahay baa nolosha haye laakiin noloshooda aad ayay u liidataa. Wax kale iskadaayee saliid aan ku dalacan lahaa haddii muslinku kiilo bariis ah i siiyaan aanan haysanin dhib aduun w waa jiraa, laakiin ilaahay aakhiro nooguma daro. Caawa oo aad ila joogto caruurta yaryar dab looma shidayo, wixii ilaahau hadda u keeno waa gooni laakii hadda dabkoodaa dansan ba “.

Maryan waxay sheegtay in 20-maalmood kadib Ismaaciil lagu soo celiyay magaalada Nairobi, hadana ay doon doon ugu jirto 7000-Ksho ah oo uu jidka kusooo maro.  waxay xustay wiilkeedu uu sanadkii 2022-kii baxay iskuul hoose/dhexe ee Bii dii ee Xagardheer.  2023-kii wuxuu iskuul sare oo boodhin ah  oo ay bixinaysay hay’adda UNHCR  uu dhiganayay magaalada Saangur oo ka tirsan Ismaamulka Gaarissa, fasaxii  2023-kii oo uu soo gaaray qoyskooda waxaa la soo kulmay hooyadii oo xanuunsan iyo duruufta nololeed oo qoyskooda oo liidata, waana sababta ay maryan u malaynayso in ay wiilkeeda ku riixday in uu tahriibo.

Sanadkii ina Dhaafay ee 2023-dii waxaa xeryaha ka baxay dhalinyaro kor u dhaafeysa 100, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay, guddoomiyaha dalladda ururada dhalinyarada ee Xagardheer Maxamed Cabdullaahi Jimcaale.

Jimcaale waxaa uu sheegay in shaqo la’aanta xeryaha oo aad u koradhay, goobii lagu baran jirey farsamada gacanta oo dhamaantood xirmay iyo fursadihii dib u dejinta oo aad u yaraaday ay sababayaan in dhalinyaradu ay naftooda ku biimeeyaan safarada tahriibka ah ee halista badan.

“Hadda wax iskuul farsamo xeryaha kama furna, waxayna qeyb ka tahay waxyaabaha keenaya in dhallinyarada ay tahriibaan. Hay’addaha markii aan waydiinay waxa sabab u ah in barnaamijyadii dhalinayaradu u baahnaayeen ay istaagaan waxay noo sheegayaan in dhaqaale daro ay jirto oo deeq-bixiyayaashii  ay ka waayeen dhaqaalihii ay siin jireen oo aduunka meelo badan ay dagaalo ka dheceen, sidaa darteed na diiradda la saarey meelahaa kale, maadaama qaxootiga Dhadhaab uu muddo 33-sano meeshan deganaa,” ayuu yiri.

Culaysyada ka dhashay qoysaska qaxootiga ah oo ay dhalinyaradoodii duufsadeen kooxaha wax tahriibiya ayaa aad looga dareemay xeryaha qaxootiga. Waxaana socda dedaalo wada jir ah oo ay iska kaashanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhalinyada xeryaha looga wacy-gelinayo khatarta tahriibka, sida uu sheegay gudoomiye Maxamed Cabdullaahi Jimcaale.

Previous Post

Warbixin ay baahisay Ergo oo sababtay in ay waxbarashada ku laabtaan boqollaal carruur ah

Next Post

Maalinta Raadiyaha – Tebinta Raadiyow Ergo iyo waxa ay dadka uga dhigan tahay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

October 29, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waddooyinka Cadaado ku iibiya cunno bisil oo ka soo kabtay dhaqaale xumo

October 27, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

October 23, 2025
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

October 22, 2025
Next Post
Maalinta Raadiyaha – Tebinta Raadiyow Ergo iyo waxa ay dadka uga dhigan tahay

Maalinta Raadiyaha - Tebinta Raadiyow Ergo iyo waxa ay dadka uga dhigan tahay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-NOV-2025

IDAACADDA 05-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-NOV-2025
November 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2025
November 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2025
November 3, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2025
November 2, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 01-NOV-2025
November 1, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo