Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Ragga wareejiya joornaallada oo wajahaya dhaqaale xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
December 6, 2023
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Ragga wareejiya joornaallada oo wajahaya dhaqaale xumo

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Cabdulqadir Maxamed Cali oo 8 qof ah waxaa ku adag inay helaan wax ay hal waqti cunaan muddo labo bil ah oo uu shaqo la’aan yahay. Waxaa u gadmi waayay joornaal uu subux kasta ku iibin jiray maddooyinka magaalada Muqdisho oo ay ku tiirsanaayeen.

Wuxuu ka mid yahay boqollaal qof oo ka shaqaysan jiray iibinta joornaalada ka soo baxa wargaysyada, balse shaqadoodii ay meesha  ka saareen warbaahinta casriga ah iyo baraha bulshada.

Ninkan oo shaqada ka fariistay 15 bishii Oktoobar ee sanadkan wuxuu ka walaacsan yahay inuu ku fillaan waayey maaraynta nolosha reerkiisa. Shaqo la’aantaas ayuu sheegay in ay qoyskiisa ku yeelatay saamayn dhanka nololsha ah.

“Culays ayaan dareemaynaa waad ogtahay qof carruur ku xariirto oo la leeyahay lacag keen oo mar-mar aad waynayso dabka wixii loogu shidi lahaa cid kale oo aan ilaahay iyo xoogayga ahayn oo aan ku tiirsanahay ma jirto. Culayska ugu badan wuxuu ka jiraa markii bisha la gaaro oo lay waydiiyo guryaha kiradooda oo hadda labo bil laygu leeyahay, marka ilaahay ayaan ka rajaynayaa in uu ii fududeeyo.”

Cabdulqaadir waxay hadda qoyskiisu hal waqti oo ah habeenkii karsadaan raashin min 12 kiilo ah oo iskugu jira Bur, Bariis iyo Sonkor, kaas oo uu dayn uga soo qaatay dukaan ay macaamiil yihiin.

Wuxuu xusay in lagu leeyahay lacag dhan $54 oo uusan hayn qorshe uu ku gudo, maaddaama uusan lahay il kale oo dhaqaale ka soo galo. Wuxuu ka welwelsan yahay sida uu xaalkooda noqon doono haddii uu ka dhamaado raashinka u yaalla oo hadda gabaabsi ka sii ah.

Sidoo kale saddex ka mid ah carruurtiisa oo u dhigta dugsi qur’aan ayuu tilmaamay in ay iyaguna qarka u saaran yihiin in ay waxbarashada ka haraan. Wuxuu bixin waayay qarashka macallinka oo ah $30 bishii. Labada bil ee uu shaqo la’aanta yahay ayuu sheegay in lagu yeeshay $60.

Ninkan wuxuu xusay in shaqada ka istaagtay xiiligii hore uu maalintii ka heli jiray lacag u dhaxaysa $8-10, balse marba marka ka danbaysa ay soo yaraanaysay macaamiishiisa. Wuxuu intaas raaciyay in saamaynta ugu wayn ay kala kulmeen baraha bulshada, maaddaama uu qof kasta awoodo in uu xogtii cusub uu kala socdo moobilkiisa.

“Waxaan iibin jirnay markii joornaalku suuqa lahaa xabbaddii shan kun, laakiin hadda saddex kun ayuu gaaray iyadiina waa lagugu bahdilayaa hal saac adoo qofka ag taagan oo uu aqrinayaa markuu fiirfiiriyo ayuu ku leeyahay war naga dhaqaaji waxaan joornaal ma ahane wax fiican ku soo qor. Adigana hal saac ayaa kor taagneed oo kaa dhuntay, heer waxaan soo marnay wajiga nalakaga candhuufo oo nala yiraah hebel maxaa u soo qori wayday? Waan soo aragnay waan soo samarnay haddii aad samarto Allaa wax qayr leh noogu beddeli doona baagamuudadana waan ka bixi donnaa.”

Isaga iyo saaxiibadiisa ay isku shaqada ahaayeen ayuu tilmaamay in ay dantu ku qasbaysay in ay ku wareejinayeen suuqyada magaalada Muqdisho. Wuxuu xusay in ay la soo laabanayeen galabkii iyaga oo aan cidna ka iibsan.

Ma lahan xirfad kale oo uu ku shaqeysto, sidoo kalena magaalada kama jiraan fursado shaqo oo mar kasta la heli karo. Wuxuu sheegay inuu wajahayo nolol xumadii ugu liidatay muddo 11 sano ah oo uu shaqadan hayay.

Cabdiraxmaan Isaaq Diinow waa aabbe leh qoys ka kooban sagaal ruux, wuxuu ka mid yahay dadka shaqo la’aanta noqday. Xaaladdan hadda taagan ka hor wuxuu ahaa qof maalintii celcelis ahaan shaqaysta lacag dhan 10 doollar. Lacagtaas ayuu xusay in ay ku filnayd qoyskiisa.

Ninkan oo shaqadiisii ka fariistay 23 bishii Agoosto ee sanadkan ayaa sheegay in hadda qoyskiisa ay ku adag tahay in ay helaan wax ay hal mar cunaan, maaddaama ay isaga ku tiirsanaayeen.

“Nin waxbartay maahi ilmahayga waan ku fikaraa habeen walba subixii marka soo kaco  waxii ay cuni lahayaan ku harjadaa oo ku rafaaday aad iyo aad iisaameysay suuq la’aanta joornaalka.”

Cabdiraxmaan qoyskiisa waxay hadda ku tiirsan yihiin raashin 20 kiilo ah oo uu ku soo gaday $50 oo uu ku caawiyay nin ay walaalo yihiin. Si ay u beeqaamiyaan raashinkan waxay wax karsadaan hal mar oo ah habeenkii. Carruurta yar-yar ayuu sheegay in ay ku adag tahay in ay qadsanaadaan waqtigaas dheer.

Qoyskan waxaa u dheer canno yarida in ay ka baqayaan in laga saaro guri saddex qol ka kooban oo ay deggan yihiin, kaas oo aysan bixin kiradiisa seddex bil oo xiriir ah. Waxaa looga leeyahay lacag dhan $540 oo ah isku gayn kiradiisa. Lacagtaas ayuu xusay in mar kasta uu ka welwelo sidii uu ku bixin lahaa, maaddaama haddii guriga laga bixiyo ay ku adkaan doonto in uu dego mid kale.

Si la mid ah dadkan waxay suuq la’aanta joornaalka si xooggan u saamaysay dadkii wargaysyada soo saarayay. Wargaysyada Xog-ogaal, Dalka, Xog-doon, Mugdishu Times iyo Xamar oo dhamaantood ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran in ay xirmaan, sida uu sheegay Axmed Maxamuud Dhicisow oo ah agaasimaha wargayska Xamar.

wuxuu xusay in iib la’aanta joornaalka ay soo saaraan ay saamayn ku yeelatay guud ahaan wargaynka. Siddeed shaqaale ah oo ka shaqaynayay ayuu sheegay in ay saddex bilood ay mushaar la’aan yihiin. Wuxuu intaas raaciyay in ay ku adagtahay in ay xitaa dabaraan qarashka ku baxaya soo-saarista joornaalka.

Axmed  ayaa sheegay in aysan hayn qorshe ay suuqa kula soo laaban karaan. Wuxuu xusay in ay isku raacday dadka oo xilligaan aan joornaal u baahnayn iyo iyaga oo aan hayn dhaqaalo ay kula yimaadaan hal-abuur cusub oo ay kula tartami karaan warbaahinta casriga ah.

Dadka shaqo la’aantaan ay ku dhacday ayaa qoysaskoodu wajahayaan xaalad nololed oo liidata. Waxay ku qasban yihiin in waxqi kasta haku qaadatee ay billaabaan shaqo kale si ay reerahooda uga saaraan xaaladdaan adag ee ay ku jiraan.

Previous Post

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo ku go’doonsan xeradooda oo daad ka dhashay roobka uu galay

Next Post

Baydhabo: Sare u kac dhanka maciishadda ah oo saameeyn ku yeeshay awoodda raashin iibsashada Qoysaska Danyarta ah

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
Baydhabo: Sare u kac dhanka maciishadda ah oo saameeyn ku yeeshay awoodda raashin iibsashada Qoysaska Danyarta ah

Baydhabo: Sare u kac dhanka maciishadda ah oo saameeyn ku yeeshay awoodda raashin iibsashada Qoysaska Danyarta ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo