Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Nin ku jira xero barakac oo fekrad shaqo abuur oo uu ka maqlay Raadiyow Ergo ganacsi u baddelay.

Radio Ergo by Radio Ergo
February 13, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Nin ku jira xero barakac oo fekrad shaqo abuur oo uu ka maqlay Raadiyow Ergo ganacsi u baddelay.

Ahmed Abdullahi's merchandise being sold in Mogadishu /Rijal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Axmed Cabdullaahi Cali oo ah 25 sano jir ah kunool xerada dadka soo barakacay ee Bacaad ee ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ka hela nolol maalmeedka qoyskiisa oo ka kooban Afar qof iibinta calamada iyo ji-jimaha gacmaha lagu xirto.

Shaqadaan ayaa u sahashay qoyska Axmed in ay maalinkii saddex jeer wax karsadaan halka markii hore oo uu ka shaqeyn jiray gaari gacan uu waayi jiray mararka qaar hal waqti.

Ninkan oo shaqaddan ku jiray muddo todobo bil ah ayaa ganacsigan ku billaabay lacag dhan 200 oo shilinga Soomaaliga ah oo dhigta $10, kaddib markii uu Raadiyow Ergo ka dhageystay dhalinyaro ku nool degmada Xamarweyne oo nolol maalmeedka hela iibinta calanka Soomaaliya bishii todobaad ee sanadkii 2022.

Lacagta uu ku bilaabay ayuu sheegay in uu aruurinayay hal sano iyo laba bil isla markaana uu doonayay in uu ku iibsado gaari gacan uu isaga leeyahay, maadaama midka uu waday maalinkii kiro Siddeed kun oo shilin Soomaali ah laga qaadi jiray.

“Welwelkii iyo dhibaatadii i heystay hadda ma qabo. Waxaan ahay nin dadka waxa ay cunaan cuna bishii sagaashan dollar ayaan isticmaalnaa halka markii hore aan isticmaali jirnay lacag dhan bishii oo dhan $4 ilaa $20,”

Waxaa uu maalinkii wareejiya calamadda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo kan guud ee Soomaaliya. Halkii xabbo ayaa laga siiyaa markii uu suuqa ka soo iibsado lacag dhan nus dollar halka markii uu sii iibiyo uu ka bixiyo hal dollar.

Waxaa uu xusay in tan markii uu ganacsigan billaabay marka laga reebo biilka qoyskiisa oo uu si fiican uga helo in sidoo kale uu ka helay lacag dhan $400, taasoo uu isticmaallay in uu kusoo iibsado Joodariyeyaal, dharka laba Carruur ah oo uu dhalay iyo agabka kale ee guriga, maadaama markii hore ay dhulka seexan jireen.

Lacagta ugu badan waxaa uu helay maalmihii sanadguurada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo aheyd August iyo December ee sanadkii la soo dhaafay.

Maalinkii waxaa uu helaa lacag ay ugu yar tahay $8, waxaa uu calanka ku wareejiyaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumaha ganacsiga ee ku yaalla si dadka ay uga iibsadaan.

“Markii iigu horreysay $5 ayaan tuuray ka dibna waxaan soo iibsaday calanka Galmudug oo aan suuqa ku galay Siddeed xabo ayaa layga siiyay $8 ka dibna waxaan arkay in meesha ay lacag taallo,habeenkii si weyn ayaan u farxay, haddana waxaa timid maalinkii koobfur Galbeed magaalada dhan waxay noqotay calanka koonfur galbeed aniga dhinaceyga ayaan ka iibinayay”

Axmed hadda sidoo kale waxaa uu iibiyaa Jinjiga gacmaha lagu xirto ee laga sameeyo calanka, taasoo sheegay in uu ka helo maalinkii marka ay ugu yar tahay lacag dhan $4 ilaa $5.

Jijimaha wuxuu sameeyaa habeenkii ka dibna maalinkii ayuu ku iibiyaa magaalada, waxaana uu sheegay in ugu yaraan 100 xabo uu soo saaro isbuucii. Sida loo sameeyo ayuu sheegay in uu ku bartay lacag uu ka sameeyay iibinta calamada.

Barashada xirfaddaan ayaa ku qaadatay bil iyo toban berri.

“Maalmaha sanadguuryooyinka ayaan beegsadaa dadka kale ee soo barakacay waxaan u sheegay in meeshaan ay nolol ka jirto”

Ninkaan dhalinyarada wali waxaa uu ku taxan yahay Idaacadda maalinlaha ah ee Ergo oo uu sheegay in uu ka rajeynaayo in uu ka helo fikrado kale oo ganacsi oo noloshiisa wax ka badalla.

Waxaa uu sheegay in markii ugu horreysay uu arkay dad ka mid ah kuwa soo barakacay ee xerada kunool oo dhageysanaya Ergo ka dibna uu siddaasi kula qabsaday.

Waxaa uu tilmaamay in raadiyow Ergo uu ku xiran yahay tan iyo sanadkii 2020 islamarkaana uu aaminsan yahay in ay si gaar ah diirada u saarto nolosha dadka soo barakacay oo uu ka mid yahay ayna maqlaan wararka ku saabsan horumarada ay sameeyaan dadkaasi iyo caawimaada loo sameeyo.

“Muddo ayaan Raadiyow Ergo ka dhageysanayay talooyinka la siiyo dadka soo barakacay, Ergo waxaan ku timaami karaa in dad badan noloshadooda ay wax ka badashay, qofka sida in ay kuula jooggaan ayay kula talinayaan”

Sidoo kale Axmed waxaa uu noo sharaxay sida uu ku maqlay barnaamijka ka baxaayay raadiyow Ergo iyo sida uu uga faa,iiday in uu ku dhiirado shaqaddaan oo uusan horay u qaban jirin.

“5:00 si aan u dhageysanayay barnaamijka oo maalinba maalinta ka dambeysa u maqlaayay dad barakacayaal oo noloshooda horumar ka sameeyay oo faraxsan oo la wareysanaayo oo ka shaqeynaya noloshii hore iyo mida hadda ay ku sugan yihiin ka dibna waxaa is iri dadkaan adiga maxaa kaa reebay maadaama ay kula mid yihiin, markaas ayaan maqlay maalinkii xigtay dhalinyaro calanka beeso ka helay galabtaasi ayaan go,aansaday in aan calankaasi iibiyo”

Axmed iyo qoyskiisa oo ka kooban afar ayaa kasoo barakacay sanadkii 2020 degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ka dib markuu uu saameeyay ganacsi yar oo uu heystay go,doonka magaaladdaasi ay galiyeen kooxda Al Shabaab.

Previous Post

Sanaag: Xoolo-dhaqato ku ceeyrtoobay abaarta oo xalad adag ku wajahaya markii uu ka dhamaaday raashin ay ku caawiyeen dadka deegaanka

Next Post

Dhadhaab: Boqollaal qoys oo xaalad cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryaha qaxootiga oo ay barakac ku tageen

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dhadhaab: Boqollaal qoys oo xaalad cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryaha qaxootiga oo ay barakac ku tageen

Dhadhaab: Boqollaal qoys oo xaalad cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryaha qaxootiga oo ay barakac ku tageen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo