Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Daymaha ay qaataan xoolo-dhaqatada ay abaartu saameysay oo culeys ku haya ganacsatada Ceelhuur

Radio Ergo by Radio Ergo
November 3, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Ergo news , Somali live news, Somalia news, Latest news, Mogadishu live news

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Cali Axmed oo baqaarada raashinka lagu iibiyo ku leh deegaanka Ceelhuur wuxuu la daala dhacayaa sidii uu ganacsigiisa u sii socon lahaa. Abaarta ka jirta deegaankii ayaa sababtay in macaamiishiisa ay deyn uga qaataan raashiinka.

Macaamiishiisa oo ku sugan Ceelhuur oo 70-KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa u badan dad xoolo-dhaqato ah oo ay saameeysay biyo iyo baad la’aan baahsan.

Xoolaha ay abaartu saameeysay oo aan suuq lahayn awgeed, dadka deegaanka ayaa ku qasbanaadey inay raashinka iyo alaabaha ay deyn ku qaataan.

Xasan ayaa sheegay inuusan u diidi karin deynta macaamiishiisa, maaddaama ay ku xirnayeen in muddo ah.

“Waa laga fiican yahay in aad tiraahdo maanta xoolahaagii iyo neefkaagii waa gadmi waayeen ee aan kala guurno. Waxaa meeshii ka baxay iibkii xoolihii lagu tiirsanaa. Culaysku ayagana waa saran yahay annagana waa na saran yahay,” ayuu yiri Xasan.

Toddobo sano oo uu dukaanka maamulayay ayuu sheegay inuusan horay u arag xaaladdaan oo kale. Dhowaan ayuu dukaankiisa ku soo cammiray badeecoyin uu isaga laftiisa deyn uga soo qaatey baqaarro ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan ku xiran nahay baqaarro kale oo carro kale ah. Ayagaan la gorgortamaa, sida dadkaan ay ileyihiin war waxaa beddelmi doona ayaan aniguna waxaan leyahay war adinkuna waxaad sameysaan dadkaas aan wax siiyaa wax laga heli doonaye ha la ii soo dhiibo alaabihii aan qaadan jiray. Marka meel kasta waa gaadhay canaabtu,” ayuu yiri.

Suuq-xumo ayaa saameeysay Maxamuud Aadan Xaashi oo maqaaxi uu shaah iyo rooti ku iibiyo ku leh deegaanka Ceelhuur. Wuxuu maqaaxida maamulayey 12 sano, balse wuxuu hadda u furaa si maalin-dhaaf ah. Wuxuu ku fikirayaa inuu gebi ahaanba iska xiro, maaddaama ay suuq la’aan jirto. Maalmaha uu furo ayuu sheegay in macaamiisha yar ee timaada ay si deyn ah wax uga cunaan.

“Ganacsigu waxaa uu ku xirnaa dadka reer miyiga ah, dadkiina abaarbaa ku dhacday. Hadda waxaan iyo ganacsigii hore isku mid maahan. Adiga maalintii waxaan gadi jiray 15 kiilo oo bur ah. Balse hadda waxaan dubaa shan kiilo oo kala bar uu iska baaro. Halkaas ayay maraysaa noloshu,” ayuu yiri.

Maxamuud waxuu sidoo kale tuulada ku dhaqdaa 20 neef oo ari ah iyo 10 neef oo lo’ ah, kuwaas oo uu ka heli jiray caano ku filan qoyskiisa iyo kuwo uu suuqa uu iib geyo. Maalintii wuxuu ka heli jiray caanaha uu iibiyo shan doollaar. Balse xoolihiisa oo ay abaartu saameeysay ayaan cad iyo caano midna lahayn. Wuxuu hadda ku quudiyaa xoolaha baakado uu wiil uu dhalay uga soo aruuriyo magaalada Gaalkacyo, maaddaama uusan hayn lacag uu ugu soo iibiyo raashinka xoolaha lagu quudiyo.  Waxaa loo soo saaraa gaawaarida dadweynaha ah oo $2 looga qaato kiishkii.

Labo xaas uu Maxamuud qabo iyo caruurtiisa oo 16 ah ayaa hadda ku tiirsan cunno uu ka soo deynsado dukaamada Gaalkacyo, taas oo gaartay $800. Waxaa isaga laftiisa deyn uga maqan $2,600 oo uu macaamiishiisa deymiyey tan iyo bartamihii 2020-kii, mana filayo in mar dhow uu helo deyntiisa xaaladda adag ee soo food saartay xoolo-dhaqatada awgeed.

“Carruurta canahooda hadda Gaalkacyo rag jooga oo awal aan wada shaqay jirnay ayaa ii soo dhiiba. Nimankaas ayaan iraahaa, nimanyahaw wax ii soo rara waa laga bixi doonaaye. Marka shaqo ma jirto, Allaah ayaa naga bixin kara dhibaatadaan,” ayuu yiri.

Deegaanka Ceelhuur waxaa sidoo kale jirta biyo yari, iyadoo helista biyaha ay maalinba maalinka ka dambeyo ay sii xumaaneyso.

Dahabo Maxamuud oo ah hooyada qoys ka kooban 12 qof waxay nolosha reerkeeda ka maaraysaa shaah ay ku iibiso magaalada. Waxay xustay in si maalin-dhaaf ah ay u soo dhaansato hal fuusto iyo bar oo biyo ah, taas oo loogu keeno $5. Arrintaan ayaa aad u saameeysay nolosha qoyskeeda, maaddaama faa’idada ay ka soo hesho ganaacsigeeda oo ah $5 ay biyaha kaliya ku go’aan.

Fuustada biyaha ayaa lagu kala iibsan jiray $2, ka hor inta aysan abaartu dhicin. Biyaha ay dadka tuulada cabaan ayaa gaari dameer looga soo dhaamiyaa ceel ku yaalla meel 18km u jirta deegaanka.

Dahabo ayaa sheegtay inay dhowr jeer ku hammisay inay meheradeeda iska xirto suuq la’aanta jirto awgeed.

“Waxaan ku beddelo ma garanaayo oo wax kale kama lug aqaano. Shaahaas ayaan ilaa aan shaqaba faraha ku taagay aan ka shaqaynayay. Xilligaan oo kale waa xilligii deynta nalagu yeesho,” ayay tiri.

Previous Post

Taxanaha Gargaarka: Xaaladda bani’aadannimo ee xilligan ka taagan Soomaaliya

Next Post

Taxanaha Gargaarka: Sida ay hay’adaha gargaarka u qiimeeyaan baahiyaha ay qeyladhaanta ka soo saaraan

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Gargaarka, Soomaaliya, Wararka, Barakac, Caasimadda, Caasimada, Abaaraha, Roobabka, COVID19, Ayaxa, Dagaalo, Colaad, Bani'aadanimo

Taxanaha Gargaarka: Sida ay hay'adaha gargaarka u qiimeeyaan baahiyaha ay qeyladhaanta ka soo saaraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo