Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas uu dhaqaalahooda saameeyay cudurka Koofid19 oo helaya kaalmo lacageed oo bille ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 20, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsi, karoona

Xuseen Geeddi oo hoos fadhiya geed ku yaalla xarunta degmada Shangaani/Axmed Maxamed Maxamuud/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun shan boqol soddon iyo shan qoys oo barakac ku ah xeryo ku yaalla degmooyinka Dayniile, Shangaani iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa ka faa’iidaysanaya kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee shaqooyinkooda oo muruqmaal ahaa uu saameeyay cudurka Koroona.

Barnaamijkan oo wajigiisa koowaad uu soo billowday bishii Feberaayo ee sanadkan 2021, uuna socon doono ilaa bisha Nofeember ee sanadkaan ayaa dadka ka faa’iidaayo bil walba loogu qeybiyaa $35. Lacagtaan ayaa loogu diraa telefoonnadooda gacanta si meesha looga saaro isu imaashaha iyadoo la tixgelinayo talooyinka caafimaad ee ka hortagga cudurka COVID-19.

Farxiya Maxamuud Cabdulle oo qoyskeedu uu ka kooban yahay 10 qof waxay ka mid tahay 400 oo qoys oo ku nool degmada Shangaani, kuwaasi oo ka faa’idaysanaya barnaamijkan oo ay si wadajir ah u fulinayaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha Danish Refugee Council iyo Save the Children.

Farxiya oo ku nool xerada Jubba ee degmada Shangaani ayaa sheegtay in lacagtaan ay ku kabato nolol-maalmeedka qoyskeeda.

“Soddon iyo shantaas doollar marka ay na soo gasho wax wayn ayay noo tahay, muddadii ayaan dharareynaa bisha. Haddii farriin ay soo dhacdo soddon iyo shantii inay soo dhacday ayaan u maleynaa taleefanka ayaa fiirinnaa,” ayay tiri.

Hooyadan oo nolol-maalmeedka carruurteeda ku dabbarta shaqooyin yaryar oo dhar-dhaqista ay ku jirto ayaa xustay in culeyska ugu badan ee xilligan haysta uu yahay helidda cuntada.

“Waan ordaa, hoyaan ahay meel ma joogayo, haddii sab karis iyo wax la ii sheego waan aadaa. Mar dhar dhaqow ayaan ku maqanahay. Labo qof ama saddex qof oo aan xerada ku joogno ayaan ku baxnaa maalinta aan u socono qof casuumaad ama aroos leh,” ayay tiri.

“Gabdho ayay u badan yihiin carruurta, midaa xijaab rabta, cidaas dabaqa deggan gabadhooda waxay xirato ayey taadana rabtaa inay xirato, wax ayaan kala maareynaa.”

Sicir-barar ka jira magaalada oo sababay in qiimaha raashinka uu cirka isku shareero ayaa saameyn toos ah ku yeeshay noloshooda. Farxiya waxay sheegtay kiilada bariiska ah oo markii hore ahayd lix kun oo shilin inay hadda gaartay 12,000 oo shilin Soomaali ah.

Qoysaska kale ee mashruucaan taakuleynta ah ka faa’iideysanaya waxaa ka mid ah qoyska Xuseen Geeddi Calasow oo barakac ku ah Shangaani tan iyo 2011-kii.

Xuseen oo ah aabbaha saddex carruur ah ayaa inta uusan barakac noqon tobaneeyo lo’ ah ku dhaqanayay degmada Afgooye, halkaas oo sidoo ale uu beer ku lahaa. Balse colaad iyo abaar isbiirsatay ayuu ku waayay xolihiisa qeyb iyo beerta, halka intii u soo hartay uu sheegay inuu iibiyey qoyskiisa.

Xuseen oo mid ka mid ah labadiisa lugood ku waayay waxyaabo uu ku ciyaarayay oo ku qarxay carruurnimadiisa ayaa noo sheegay in kaalmadan ay u tahay kab balse ay jiraan culeyso u gaar ah.

“Hadda wax shaqo la dhihi karo oo la leeyahay shaqadaas ayaa la aadi ma jiraan. Laakiin subixii waan la iska baxaa. Adoo naafo ah inaad hawl qabato way adag tahay, haddana cidna kuu aqbali mayso inaad iska fadhido.”

Cabdijaliil Cabdullahi Cabdi oo u qaabilsan hay’adda Danish Refugee Council dhanka mashaariicda ee gobolka Benaadir ayaa Raadiyow Ergo u sharraxay nidaamka ay ku soo xusheen qoysaska ay haatan caawinayaan.

“Waa inuu qoysku yahay qoys danyar ah oo aan haysan meelo kale oo uu dakhli ka soo galo, shuruudda labaad waa inuu qoysku yahay qoys ballaaran oo ka kooban saddex qof iyo wixii ka badan,” ayuu yiri Cabdijaliil.

Waxaa uu intaa ku daray in ay sidoo kale fiiriyaan in qoyska uu ku jiro qof waayeel ah oo u nugul cudurka COVID-19 ama qaba baahiyaha gaarka ah ka hor inta ay caawin.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Midowga Yurub oo u wakiishay hay’adda UN-Habitat, waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya $6.233 milyan. Wuxuu qorshuhu yahay in lagu taageero 10,000 oo qoys oo danyar ah sidoo kale na ay dhisaan xaruumo lagu baar.

Previous Post

Xafiis dhallinyarada ku soo barakacay Muqdisho ka caawiya inay shaqooyin helaan

Next Post

Dhaqashada digaagga oo fursad shaqo-abuur u noqotay dhallinyaro waxbartay oo ku nool Muqdisho

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
Next Post
Arday kaalmaha koowaad ka galay iskuullo ku yaalla Jowhar iyo kuwa tartan galay oo waxbarasho bilaash ah la siiyay

Dhaqashada digaagga oo fursad shaqo-abuur u noqotay dhallinyaro waxbartay oo ku nool Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY-2026

IDAACADDA 19-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo