Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Puntland: Qoysaskii ay saameysay duufaantii Gati oo aan weli ka soo kaban dhaqaale xumadii ku dhacday

Radio Ergo by Radio Ergo
May 6, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

Kaydka Sawwirada /Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka mid qoysaskii ay saamaysay duufaantii Gati ee bishii Noofeembar ku dhufatay deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayaa wajahaya culeys dhaqaale markii ay hantidoodii iyo waxyaabahii ay ku shaqaysan jireen ay ku waayeen duufaanta.

Dadkaan ayaa dhaqaale ahaan ku tiirsanaa wax-soo saarka badda iyo xoolo dhaqashada, waxaana in badan oo ka mid ah ay noqdeen kuwo shaqo la’aan ah, welina ma aysan helin kaalmo dhaqaale oo ka caawisa in ay dib u soo kabtaan.

Xaliimo Cali Saciid oo qoyskeedu ka mid yahay dadkii ay miyiga duufaantu ku saameysay xoolihii ay u tiirsanaayeen, waxay shantii bil ee u dambeysay ku nool yihiin lacag dhan $80 oo ay bishii ka helaan eheladooda, taas oo ay ku gataan raashin ay cunaan 20 maalin. Tobanka maalin ee bisha ka hartay ayay sheegtay in wax la cunaan qoysaska ay dariska yihiin.

Qoyskaan oo toban ka kooban ayaa hadda deggan buush ay ka dhisteen magaalada Xaafuun, iyagoon helin taakulleyn dhaqaale, Xaliimo ayaa sheegtay in tan iyo markii ay yimaadeen Xaafuun ay noloshu ku adkaatay wax ay miyigii ula laabtaana aysan haysan, taasina ay welwel wayn ku hayso iyadda iyo qoyskeedda.

“Waxaannu u guurnay degmada xaafuun, dabeedna waa ku noolayn ummadaas ilaahay baanu ka mid ahayn, Wax gargaar ah oo noo gooni ah oo aanu helnay ma jirto, wax annagana na la siiyay oo noo gaar ahna ma jirto, oo anaga reer ahaan nala ku tixgeliyay oo la yiri reerihii dhibaatadu gaartay waa kuwaan ama dadkuba wax noo garteen amaba hay’aduhu noo sheegeen oo noo gudbiyeen. Marka annaguna ummadda islaameed wixii na loo heli karo wax waa u baahanahay, baahidu waa jirtaa.”

Qoyskaan oo miyigi ku dhaqanayay 200 oo neef oo ari ah, waxaa duufaanta ugga bedbaaday labaatan neef oo weli u joogga, xoolaha ayaa ahaa isha dhaqaale ee keliya oo qoyskoodu ku tiirsanaa sida aya noo sheegtay.

Axmed Guure Liibaan oo duufaantu ka burburisay saxiimaddii uu ku shaqeysan jiray, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in doonta ay ku shaqaysan-jireen  kuna  tiirsanaayeen wax soo saarkeeda afar nin oo qoysas lahaa, hadda waa shaqo la’aan guriga iska joogga.

Waxa uu tilmaamay in muddo dheer isaga iyo kalluumaysatadii doomuhu ka burbureen ay codsadeen in la taakuleeyo si ay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda.

“Annagu muddo badan baan wax soo codsannay, intaasna waa qaylinaynay. Hadda waxaan codsanaynaa dowladdda iyo hay’aduhu ay wax na taraan oo na taakuleeyaan.”

Waxaa jira gargaar cunno iyo lacago ah oo hay’ado ay siiyeen qoysaska qaar oo duufaantu saameysay, Xaliimo iyo Axmed ayaa-se noo sheegay in gargaarkaas aysan iyagu helin.

Shukri Abshir Cabdi oo ka mid ah dadka gargaarkaas helay ayaa sheegtay in hal mar ay lacag boqol doollar ka heshay hay’adda Bisha Cas, Haweenaydaan oo reerkeedu uu ka kooban yahay afar qof, waxay ka biili jirtay meherad yar oo lagu gado shaaha, sabaayadda iyo kaluunka.

Waxay sheegtay in buushkii meheradda u ahaa iyo gurigii ay deggenaayeen ay duufaantii ka dumisay oo hadda ay deggan yihiin gurigii oo bac dusha ay ka saarteen, Lacagta la siiyay ayay sheegtay Shukri inaysan wax ka beddelin noloshiooda, welina ay guri-joog tahay.

”Wax fiican haddii lagu siin lahaa dhib maba qabtid ma ogtahay. Buushku ninka kuu dhisaaya boqol keen ama toddobaad keen buu ku dhahayaa, boqolna ma haysatid.”

Gudoomiyaha Xaafuun Maxamuud Yuusuf Garoow ayaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in Puntland iyo hay’aduhuba qiimeyn ku sameeyeen dhibaatadii ka dhlatay duufaanti Gati.

Waxa uu tilmaamay in gargaar aan badnayn oo markii dhibaatadu dhacday la sameeyay mooyee, wax kale oo loo qabtay dadka dhibaatadu soo gaartay aysan jirin. Guddimiyaha ayaa intaas ku daray in dadkaas ay wax-u-qabasho dhab ah u baahan yihiin.

“Guddiggii golaha gurmadka ee xukuumada waa yimaadeen, hay’adaha UN-ka iyo kuwa maxaliga ah waa noo yimaadeen, dhamaanba waa la arkay dhibaatada Gati saamaynta ay ku samysay deegaanka Xaafuun.’’

Duufaantii Gati ee bishii nufeember ku dhufatay deegaanka Xaafuun ayaa sidoo kale jartay halkii wado ee tagi jirtay taas oo hakisay in gurmadkii deg-dega ahaa ee loo diray uu gaaro, maamulka iyo bulshada deegaanka ayaana hadda cabsi hor leh ka qaba in hadii roobab ay da’aan ay sii go’do wadadaasu, waakan gudoomiyaha Xafuun oo ka waramaya qorshahooda.

“Degmada waddada loo maro annaga maamulka degmada ahbaa sameeyay, haddana bacaad waaweyn baa fadhiya, qaybna waa go’antahay. Waxaan ku tashannay annagu tabar iyo dhaqaale inaan iska kaashano oo gacantayada aan ku qabsano, dowladdana aan garab ka helno.’’

Deegaanka Xaafuun ayaa ah Jaziirad la mood dhacda Bariga fog ee Soomaaliya, duufaantii ku dhufatay xeebaha Puntland sanadkii 2005 ayaan gebi ahaanba aastay magaaladii hore, waxaana 2006 la hirgeliyay magaalo kale oo cusub, xaafuun waxay leedahay hal waddo oo baddu ku hareeraysan tahay, taas ayaana dadka deegaanka welwel ku abuurta xili roobaadka iyo xiliyadda kale ee duufaanuhu dhacaan.

 

 

 

 

 

Previous Post

Gedo: Qoysas abaarta ku xoolo waayay oo cunno yari ku wajahaya deegaano ay u barakaceen

Next Post

Qoysas ka barakacay daad ku dhiftay deegaanka Heegaale ee gobolka Doollo oo xaalad hoy la’aan iyo cunno-xumo wajahaya

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
SWALIM: FATAHAADO LAGA BAQAYO XILLIGA DAYRTA

Qoysas ka barakacay daad ku dhiftay deegaanka Heegaale ee gobolka Doollo oo xaalad hoy la’aan iyo cunno-xumo wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo