Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Dadka barakacay oo dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

Radio Ergo by Radio Ergo
April 5, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Dadka barakacay oo dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

Maymuun Maxamed oo ka mid ah dadka dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka mid ah dadka soo barakacay ee deggan xeryaha degmooyinka Dayniile, Kaxda iyo Hodan ayaa dhaqan-gelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka karoona markii ay heleen agab iyo wacyigelin. Dadka barakacay oo helay wacyigelinno dhowr ah uma suuragalaynin inay raacaan tallaabooyinka ka hor inta aysan helin agabka hortagga Karoonaha.

Waxaa ka mid ah qoyska Maxamed Isaaq Ibraahim oo ah xerada Shiniile ee degmada Daynile oo bishii labaad ee sanadkan la siiyay saddex kartoon oo af-xir ah oo midkiiba ay ku jirto konton xabbo, shan caag oo jeermisdilee ah, saabbuun iyo galoofis.

Maxamed ayaa sheegay in faa’iidada ay ka heleen agabka ay ka mid yihiin in marka ay magaalada aadayaan ay xirtaan afka si la mid ah dadka kale ee awooda iyo inay ka yaraatay cabsidii ay qabeen. 

Wuxuu agabkan u sahlay inay gacmaha ku dhaqdaan jeermis dilaha markii ay xerada ka baxayaan iyo sidoo kale markii ay soo galayaan. Wuxuu nooga warramay waxa iska beddelin taxaddarkoodii.

“Wax badan bay noo tartay wacgelinta oo kala fogaanshaha waan ilaalinnaa. Salaadda gaar baan u tukannaa. Dadka waan salaami jiray, hadda ma sameeyo, kamana ag-dhowaado,”

Maxamed ayaa xusay in xerada oo ay ku deggan yihiin 70 qof uu yahay qofka keliya ee laga horay cudurka bishii Janaayo.  

Wuxuu sheegay in mar uu iska shakiyay calaamadaha cudurka uu tagay xarun caafimad oo hooyada iyo dhallaanka ah kuwaas oo ku wargeliyay inuu tago isbitaalka De Martino. Baaritaan kaddib ayaa loo sheegay inuu cudurka qabo. Wuxuu tilaamay inuu isku karantiilau buush ku yaalla xerada maaddaama xaaladdiisa aheyd mid wanaagsan.   

Maxamed oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaa iyaga iyo qoyskiisa oo toddobo qof ah ay dagaallo uga soo barkaceen sanadkii 2018

Ku dhowad 400 oo qoys oo ku nool 12 xero oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka faa’ideystay agabkan ka hortagga cudurka Karoonaha oo ay bixiyeen ururrada Barwaaqo, SOCCO iyo DOSYO

Guddoomiyaha hay’adda SOCCO Abuukar Xuseen ayaa sheegay in u jeeddada ay ka leeyihiin ay tahay in dadka soo barakacay ay ka badbaadaan halista uu leeyahay cudurka ayna helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay u ilaaliyaan badqabkooda.

Waxaa uu tilmaamay in iyagoo xeryaha ka sameynaya wacyigelin ku saabsan ka hortagga cudurka Karoonaha ay ku ogaadeen in dadkaasi aysan agabka haysan. 

“Baraarug kama Jirin sabaabto ah dadka marka ay ku nool yihiin meel ka baxsan Magaalada inta badan waxba si fiican uma gartaan. Waxay u baahan yihiin wacyigelin. Baraarugas ma jirin annagaa u tagnay oo wacyigelin xooggan baan u samaynay.” 

Qaar ka mid ah haweenka ku nool xeryaha ayaa ka welwelsan in uusan ku filneyn agabka Karoonaha ee hay’adduhu gaarsiiyeen, waxaana ay bilaabeen dadaallo ay ku helayaan af xir dheeri ah. 

Maymuun Maxamed oo ah oo hooyada siddeed carruur ah oo deggan xerada Kheyr-sugge waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in afxirka la siiyay bishii February uu yahay mid hal mar qaadasho ah oo aan laheyn dhaqasho.  

Dadka dariska la ah leh ayay ka heshay afxir ka sameysan maro oo hal xabbo ah, kaas oo toddobaadkii ay labo jeer dhaqato, ayna xirato mar waliba.  

“Saabuun waxaa qoyskeyga la siiyay saddex xabbo. Sidoo kale Af-daboolka waa lix xabbo, markii ay naga dhammaan rabeeb Rabbi Ayaan talo saarannay. W =axaan helay mid baati ah oo aan iska xirto, maaddaama aan qaadanay wacyigelin. Waan ognahay in cudurka xaaladdiisa ay tahay mid aad u xun, marka waan taxaddarnaa.”

Marka laga tago hay’daha, waxaa jira haween wacyigaein iyo sidoo kale agabka ka hortagga cudurka Karoonaha ka wada xerada Shiniile kuwaas oo dhaqaale ay iska aruuriyeen ay ku soo iibiya afxirka.

Nuuro Salaad Maxamed oo ah hooyada afar carruur ah waxay ka mid tahay haweenka ku howlan soo aruurinta dhaqaalaha ay kusoo iibsadaan afxirka iyo agabka kale ee ka hortagga cudurka Karoonaha, waxaana ay sheegtay in bilowgii bishan ay 50 qoys gaarsiiyeen 200 oo ah afxir oo baati ka sameysan.

Waxaa sidoo kale todobaadkiiba hal mar Nuuro iyo haween kale oo xerada ku nool ay sameeyeen olole wacyigalin ah, maadaama ay horay u barteen waxyaabaha cudurka Karoonaha looga hortaggo iyo halista uu leeyahay. 

“Subaxii ayaan u tagnaa dadka oo wacyigelinnaa, wayna ku dhaqmaan. Waxaan ka dareemay in xoogaa dadka ay yeesheen maskax furan, ayna ogaadeen in cudurka dilaa yahay, loona hortagi karo in la kala fogaado, in lays nadiifiyo, in musqulaha ay nadiifsadaan.”

Dadka barkacay ayaa la halgamaya sidii ay u heli lahaayeen nolol-maalmeedkooda, waxaana caqabad ku ah helista agabka ka hortagga cudurka, walow ay jiraan dedaallo hay’adaha iyo dadka wax haysta ay ku caawinayaan.

 

Previous Post

Shabeellaha Hoose: Qoysas horey ugu ceyrtoobay abaar oo xoolo loo qeybiyay

Next Post

Kismaayo: Qoysas danyar ahaa oo nolashoodu isbadashay kadib marki la caawiyay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Eyl: Haween Kaluumaysiga heer-sare ka gaaray

Kismaayo: Qoysas danyar ahaa oo nolashoodu isbadashay kadib marki la caawiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo