Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha Hoose: Qoysas horey ugu ceyrtoobay abaar oo xoolo loo qeybiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 1, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka soo barakacay abaar oo gaaray Baardheere 04 April, 2016

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo todobaatan qoys oo ahaa xoolo-dhaqato beeraley barakac ah ayaa lixdii Maarso helay xoolo ay dhaqdaan. Qoysaskan oo deggan xeryo ku yaalla magaalooyinka Marka, Baraawe iyo Qoryooley ayaa deeqdan ka helay urur maxalli ah si ay uga baxaan nolosha barakaca.

Xaliimo Caddaawe Abiikar oo ku nool xerada deegaanka Ceeljaalle ee duleedka magaalada Marka ayaa qoyskeeda la siiyay shan ari ah oo afar dhedig yihiin, si la mid ah qoysaska kale.

Haweenaydan oo ahayd xoolo-dhaqato hore ayaa sheegtay in xoolaha ay u baahan yihiin in loo sabro sanado badan laakiin ay aaminsan in nolosha barakaca ay uga bixi karto xoolaha tirada yar ee toban sano ka dib ay heshay.

“Xoolahaas ayaan la guuraa. Dhibkaan waan ka baxaa haddi illaahay ii badiyo.”

Qoyska Xaliimo oo xerada yimid sanadkii 2011 ayaa afartii sano ee u dambeysay ku tiirsan shaqooyin xoogsi ah. Waxay iyadu u shaqo tagtaa xeebta magaalada Marka oo dhagaxyada guryaha lagu dhiso ay ka soo uruuriso. Halkii gaari oo ku dhowaad bil ku qaata ayay ka heshaa $30.

Xaliimo oo ah hooyada labo carruur ah ayaa xustay in sidoo kale carruurta aabbahood uu ka shaqeeyo sameynta nuuradda oo maalmaha uu shaqada helo ay ka soo gasho $3. Waxay nooga warrantay sida hadda ay u maareeyaan nolosha qoyskeeda.

“Shaqadeenna wax kale ma aheyn annaga baddaas ayaan maalintii nolol maalmeedkeena ka soo dhacsanaa. Nimanka raga ahna nuuriyad ayay shitaan. Nolol maalmeedka waan ka helnaa.”

Xaliimo ayaa ariga la siiyay ku darsatay qoys ay daris yihiin oo ay u joogaan carruur xoolaha u ilaalin karta kuwaas oo ku foofiya dhul daaqsimeed duleedka xerada ah.

Ariga la siiyay ayey u soo iibisaa cows, sidoo kale waxa ay siisaa buunsho ay ka hesho qoysas aan xoolo dhaqan oo xerada deggan. Arrintan ayay sheegtay in ay uga hortageyso in xooluhu ka caatoobaan, madaama Jiilaalka dartiis aysan helaynin calaf ku filan.

“Xoolahaas in la dhaqaaleeyo oo gacanta lagu haayo ayey rabaan. Xoolaha ilmo deriska ah ayaa ii daajiya aniga wiillal waa weyn ma qabi. Hadda jiilaal waaye markuu roobku da’o waa laga dhaafaa buunshaha.”

Xaliima oo qoyskeedu lahaa 160 neef oo ari ah iyo labaatan lo’ ah waxay ka soo barakaceen miyiga deegaanka Siinay oo hoostaga degmada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose.

Deeqdan oo uu bixiyay ururka Jubba foundation waxaa maalgaliyay ururka caalamiga ah ee Mercy Corps sida uu sheegay Yarow Maxamed Cabdi oo ah maamulaha mashruucan.

Yarow ayaa tilmaamay in qoysaska ka faa’ideystay ay qiimeeyaan baahidooda iyagoo kaashanaya maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo odayaasha bulshada, si loo helo dadka nugul ee ku haboon.

Wuxuu xusay in shuruudaha lagu xushay ay tahay in ay yihiin xoolo-dhaqato hore, una diyaarsan in xoolaha la siiyo ay uga faa’ideysataan sida loogu talagalay oo dhaqasho ah. Yarow ayaan weydiinnay wuxuu beddeli karo barnaamijkan iyo hadafka ay ka leeyihiin.

‘’Hadafka laga lee yahay waxa weeyaan in dib u kabid lagu sameeyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa, si ay uga soo kabtaan xoolihii ka dhamaaday iyo abaarihii soo maray.”

Mashruucan ayaa socon doonno illaa bisha shanaad ee sanadkan. waxaana ka faa’ideysan doona 340 qoys oo la siinayo 1,700 oo neef oo ari ah.

Yarow ayaa xusay in saddex qoys ay iibsadeen xoolihii dhaqashada loo siiyay, wallow uu xusay in tallaabadaas aysan ahayn hadafka loo bixiyay xoolaha. Baaritaan hay’addu sameysay ayay ku ogaadeen in arrintaas ay salka ku hayso durruufo nololeed oo soo wajahay qoysaska.

“Waa ruux liita masaakiin ah waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay cunno degdeg ah. xoolihii waa gadayaa, Xoolihii maxaad u gadday markaad tiraahdo wuxuu ku leeyahay ninyahow deyn baa la igu leeyahay. Dadka qaar waxay ku leeyihiin beertii baa xilligeedii la gaaray wax qarash ah oo aan ku fasho ma haysto.”

Bashiir Abdikariim Xaaji Mamow oo ah aabbaha afar carruur ah oo 2017-kii abaar ay ka laysay shan lo’ ah oo uu ku dhaqanayay deegaanka Ceelcadow oo hoostaga magaalada Marka ayaa qoyskiisa oo deggan xerada ceeljaalle wuxuu hadda dhaqdaa xoolaha la siiyay.

Bashiir oo ariga ay u raacdo gabar uu dhalay oo 17 jir ah ayaa qorsheynaya in marka uu roob da’o uu ku dhaqdo tuuladii ay abaarta ka soo barakicsay, si xooluhu u helaan calaf ku filan iyo dhul ku haboon.

Wuxuu tilmaamay in halkaas uu ku lahaa beer labo saac ah oo roobka ku baxda taas oo sidoo kale uu doonayo inuu ku tacbado masago iyo digir ay reerku raashiin ka dhigtaan horraanta guga la filayo inuu bilowdo bisha Abriil.

“Ariga wuxuu rabaa dhul baadiye ah oo lagu raaco oo cows leh, marka in tiisa la raaco waa lagu qasbanyahay.”

Abaaro ku dhuftay Soomaaliya sanadadii 2011 iyo 2017-kii ayaa ceyrteeyay kumannaan qoys oo ku nool gobolka Shabeelaha hoose, kuwaas oo ahaa xoolo dhaqato beeraley.

Previous Post

Laascaanood: Qoysas booyado biyo sida waddada ku suga si ay biyo uga baryaan

Next Post

Muqdisho: Dadka barakacay oo dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Muqdisho: Dadka barakacay oo dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

Muqdisho: Dadka barakacay oo dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-MAY-2026

IDAACADDA 10-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo