Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Qoysas danyar ahaa oo nolashoodu isbadashay kadib marki la caawiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 5, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Eyl: Haween Kaluumaysiga heer-sare ka gaaray

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas isugu jira barakacayaal iyo danyar oo ku nool magaalada Kismaayo ayaa nolashooda isbadal ku timid kadib marki lagu caawiyay qalab kalluumaysi oo kala duwan oo ay ku gancsadaan.

Sanadki 2020-ki ayaa la siiyay qalab isugu jiray tallaagdaha lagu kadiyo kalluulnka oo soollar ku shaqeeya, gaari kalluunka ku wareejiya xaafadaha magaalada oo iibiya, doonyo ay ku soo jilaabtaan kalluulnka, miisas iyo agab kale, taasi ayaa qoysaskan ka caawisay in qaarkood ka guuraan xeryaha barakaca oo ay degaan guryo aan buushash ahayn.

Faadumo Maxamed Cumar, oo qoyskeedu ka kooban yahay 12 ruux oo degan guri ay ka kiraysatay xaafadda  Calanley oo bishi laga qaado 75 doollar ayaa sheegtay in ganacsigan uu sabab u ahaa in ay ka soo guurto xeradii barakac oo ku taalla isla xaafadda Calanley ee waaxda  Mariino. Waxay sheegtay in maalin walba ay ka hesho lacag dhan 25 doollar oo faa’ido oo $15 ay ka soo gasho gaariga iyo $10 ka ay ka hesho kaluunka ay ku iibsi suuqa.

Dhaqaalahaas ayaa faadumo u sahlay  in lix ka mid ah carruurteeda ay geeyso waxbarasho oo ay bishi ka bixiso lacag dhan 42 doollar.

“Lacagta waxbarashada waxaa dhici kartabain  bisha maalinta ay soddon tahay in aan iska bixiyo, waxabarshada,waxbarashada iyo korontada meel ayaan sii dhigaa lacagtooda. Awal hore raashinka marka ay noqoto waan soo tafaariiq gadan jirnay hadda jumlo ayaan soo gadanaa,” sida waxaa Radio Ergo u sheegtay Faadumo Maxamed Cumar.

Gaariga kalluunka lagu wareejiyo ayaa waxaa la wadaaga laba haween ah oo kale oo ay shirko ku yihiin, kaasi oo ay sheegtay in maalinti ay ku iibiyaan 300 oo doollar kalluun u dhigma, lacagtaas ayaa waxa laga jaraa 18 dollar oo isugu jirta shidaalka gaariga iyo lacagta laba qof oo gaariga ka shaqeeya. Haweenkan ayaa kalluulnka gaarig alagu iibiyo ka hela 45 o ofaa’ido oo ay u kala goostaan min shan iyo toban doollar.

Haweenaydaan iyo ganacsatada yar yar ee kaluunka waxaa haysataycaqabado ahaa in kalluunka u soo hara ay ku bixin jireen lacag kale si ay baraf ugu kadaan.

“Kalluunka hebeenkii noo hara, baraf ayaan awal hore ku bixin jirnay lacag kale, hadda waxaan ku xaraysanaa talaagad u diyaarsan oo waxba nagama hallaabaan,  lacagta barafka nooga bixi jirtay waxaa ay ahayd sadex dollar, laaakiin kan hadda gaariga saran solar ayuu wataa,” sida waxa trii Faadumo Maxamed Cumar.

Faadumo Maxamed Cumar ayaa ku biirtay ganacsiga kalluunka sanadki 2017-kii, kadib marki abaarti 2016 ay saamaysay wax soo saarkii beeraha, waxay ka soo barakeeceen qoyskeeda degmada Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose. Duruufihi nolaleed ee xerada barakaca ay kala kulantay ayay ku khasabanaatay inay ku biirto ganacsigan oo ay ku billowday kalluun ay deyn ku soo qaadatay oo ay ku iibin jirtay xerada dhexdeeda kaas oo maalinti ay ka heli jirtay sedex doolar.

Guud ahaan qoysaska la siiyey taageeradan oo gaaray 72 qoys ayaa 56 yihiin barakacayaal halka inta kalena ay yihiin danyar. Mashaaruuca  lagu caawiyey oo sedex waji ahaa, ayaa kii ugu hoorreeyey uu ahaa bishi Sideedaad ee 2020-ki, halka labada waji ee kale ay ahaayeen sanadkan 2021.

Afartan iyo sideed qoys oo dadkaas ka mida waxaa lagu caawiyay doonyo halka 24 kale-na la siiyey sideed gaari iyo 24 talaagadood iyo waliba agab kale. sida uu Radio Ergo u xaqiijiyay Maxamed Axmed oo ah la taliyaha wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda  ee Jubbaland oo mashruucan hirgalisay.

Dadka kale ee ka faa’iideystay waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Maxamed,  oo horay uga mid ahaa qoysaska barakacayaasha ee ku nool xerada Sanguuni ee magaalada Kismaayo,waxaana bishii sagaalad ee 2020 la siiyay doon leh talaagad lagu kaydiyo kalluunka iyo waliba matoor.

Maxamed iyo sedex qof oo kale oo ay kuwada shaqaystaan doontaan ayaa qaybsada lacagta maalinti ka soo gasha oo 70 doollar ah. Lacagta u uhelo ka soo ayuu ku maareeyaan nolasha carruurtiisa oo lix ah, halka qaarnau ukayd ahaan u dhigto si xilliga bad xirnaka ay u isticmaalaan qoyskiisa.

“Carruurta waxbay iiga bartaan, dukaan ayaan ka furtay inti aan waday shaqadan waxyaabo badan oo aan ka iibsano, inta aan doonta la isiinin waxaan ahaa xoogsato oo maalinti waxaan heli jiray lix dollar,” sida waxaa Radio ergo u sheegay Maxamed Axmed.

Maxamed Dhaqaalaha ka soo gala doonida kalluumaysiga wuxuu ka biixiyaa kirada guri laba qol oo bishi laga qaado 50 doollar iyo waxbarashada afar carruur ah oo u dhigata fasalka koobaad iyo fasalka labaad ee dugsiga hoose oo uu ka bixiyo 28 doollar.

Qoyska Maxamed ayaa ka guuray xeradii barakacayaasha ee uu deganaa ilaa 2017. Sababta keentay in barakac uu noqdo ayaa ahayd in abaarihi 2017- ay ku cayrooben qoyskiisa oo ku noolaa tuulada Buula Xaaji oo Kimaayo Galbeed kaga beegan.

Qoyska Maxamed ayaa lahaa 45 neef oo ariya iyo 15 neef oo lo ah, kuwaas oo dhamaan ku dhaafay abaartii dalka ka dhacday 2017.

Wasaarada Kalluumaysiga Jubbaland waxaa mashaariicdan ka taageeray hay’adaha kala ah FOA iyo GIZ ee Iskaashiga Jarmalka.

Maxamed Axmed oo ah la taliyaha wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Jubbaland ayaa sheegay in mashaariicdan laga lahaa laba qorshe  oo ah  in dadka barakacayaasha ah loo sameeyo fursado shaqo iyo in kor loo qaado ka faa’iidaysiga khayraadka badda si kalluunka looga wada helo xaafad magaalada.

“Xeebta Calanley barakacayaasha u dhow ayuu target-ka ahaa, marka qaabkaas ayaa  lagu soo xulay waxaa loogu talogalay maadama ay dad danyar ah yihiin, inta badana ay ka shaqaysan jireen kalluunka,” sidaa waxaa Radio Ergo u sheegay Maxamed Axmed.

 

Previous Post

Muqdisho: Dadka barakacay oo dhaqangelinaya tallaabooyinka ka hortagga cudurka Koroona

Next Post

Galkacyo: Haween warato ahaa oo helay suuq cusub oo ay ku horrumarinayaan ganacsigooda

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Maalgelin dayn ah oo lagu kabayo ganacsatada degmada go’doonsan ee Diinsoor

Galkacyo: Haween warato ahaa oo helay suuq cusub oo ay ku horrumarinayaan ganacsigooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo