Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galkacyo: Haween warato ahaa oo helay suuq cusub oo ay ku horrumarinayaan ganacsigooda

Radio Ergo by Radio Ergo
April 6, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Maalgelin dayn ah oo lagu kabayo ganacsatada degmada go’doonsan ee Diinsoor

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sareedo Axmed faarax oo ah hooyada qoys shan qof ah, waxay muddo 10 sano ah ka mid ahayd haweenka waratada ah ee hareeraha waddooyinka ku ganacsada. Bartamihii bishii Maarso ee sanadkan ayay heshay dukaan cusub oo aan kiro ahayn. Waa goob ammaan ah, nasiino leh, ganacsigeedana ay ku xafidan karto.

Dowladda hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug ayaa hirgalisay suuqaan. Waxaa ka faaii’deysanaya 70 hawwen ah oo uu saameeyay howlgal waddo furid ah oo laga sameeyay suuqa wayn ee magaalada. Sareedo waxay suuqaan ka heshay dhul cabbirkiisu yahay labo mitir iyo bar oo ay ku iibiso bagaashka iyo raashinka.

Waxay sheegtay in dhibaato badan ay kala kulmi jirtay dhul la’aanta iyo dayaca ka jira hareeraha waddooyinka oo ay ku ganacsan jirtay.

“Qorax baan joognay biyo nooma xirnayn meeshaan aan nimidna waan ku fiicannahay waana ku liibaannay, markaad waddo geeskeed fadhido ma gaari baa ku maridoona ma baqaarka kugu soo jeedaa ku kicin doona qaab-darro oo dhan diyaar baad u tahay iyo wax walba in ay ku soo gaaraan.”

Inkastoo wali qaar ka tirsan macaamiisheedu aysan baran suuqeeda cusub waxa ay sheegtay in maalintii ay hesho ku dhawaad $4 oo faa’iido ah. Waxay ku maaraysaa nolosha carruurteeda oo iyadu ay korsato.

Waxaa u baaqatay Sareedo $10 oo kiro ah islamar kaana bil walba uu ka qaadi jiray ganacsadaha leh bakaar ay hortiisa dhigan jirtay miiska ganacsigeeda, waxay qordhaynaysaa in ay kobciso ganacsigeeda maaddama culayskii dhul la’aanta ay ka baxday.

“Hadda in la imaalgaliyo ayaan suganayaa kiro la’aanna waan fadhiyaa, marka qof boos-kiro la’aan ah la siiyay oo la yiri waa laguu maal-galinayaa yaaba helikara, ganacsiguna waa calaf qof walba wixii calafkiisa ah baa u imaanaya.”

Sareedo iyo haweenka la mid ka ah oo maal-galinta ka sugaya dowladda hoose ee Gaalkacyo ayaa aaminsan in ay dani ugu jirtay bannaynta waddooyinkii ay ku ganacsan jireen maaddama baddelkood ay heleen suuq ay ku horrumarin karaan ganacsigooda.

Caasho Maxamed Axmed oo suuqa cusub ka heshay dukaan ka samaysan alwaax iyo jiingado waxay ku iibisaa kiilooyin qudaar iyo raashin ah. Dhaqaalaha ay ka hesho meheradeeda ayay ku maaraysaa nolosha carruurteeda oo afar qof ah. Waxay ka warramaysaa sida howl galka looga kiciyay waddooyinkii ay ku ganacsan jireen uu u baddelay qorshahooda ganacsi.

“Waana hool wayn hadaan ka dhaqaaqo hadda qof baa kuu waardiyaynaya daris baan leeyahay, wax wayn bey ku kala baddelantahay xagga markaan ahayn neefkaaba afka badarka gashanaya mid baa lagaa dafaya tabtaas bey ahayd maantoo dhan intaad nasan lahayd xoolihii baan iska celinaysaa saa waa meel bannaan ah oo wax kaa celinaya maleh.”

Kicin joogta ah ayay kala kulmi jirtay ganacsatada iskaleh bakhaarrada ay hor fariisan jirtay markii ay waratada ahayd, taasi oo ku qasbi jirtay in maalin ba ay meel dagto waxaana u dheera qoraxda iyo nadaafad-xumada xiliga roobka.

Ganacsigeeda ayay ku dartay iibinta bagaasha, markii ay heshay dhul iyadu ay leedahay, waxay xustay in ganacsatada ay taqaan ee leh bakaarda ay ka soo amaahato bagaashka ay iibiso, taasi oo faa’iido u ah iyada iyo ganacstada ay ka soo qaadato sida ay sheegtay.

“Walaalow aan soo caddeeyo anna aan wax ka raadsado weeye howshu way ii oggolaadaan waan soo qaata, alaabtaas wax yar weeye ma badna waa oomadaas shaambadaas biilkaygaan ka raadsadaa ilmahayguna waa agoon, haddii wax nooga haraana miiska ayaan saaranaa intaan dukaamada ka soo qaadanno.”

Dhaqaalaha ay ka hesho meheradeeda cusub maalintii ay ku sheegtay $5 oo faa’iido ah ayay sidoo kale waxbarashada uga bixisaa labo wiil oo u dhiganaya dugsiga hoose dhexe ee Cabdullaahi Ciise waxaana bil walba ka dhiibtaa $15.

Dowladda hoose ee Gaalkacyo dhinaca Galmudug ayaan ka ogaannay in howl galka lagu furay waddooyinka xirmaa ee suuqa wayn dadka ugu badan ee uu saameeyay ay ahaayeen haweenka waratada ahaa, Madaxa fayo dhowrka iyo bilic soo celinta dowladda hoose Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cumar ayaa u arka suuqaan ay siiyeen haweenka mid wax wayn ka tarikara mustaqbalka noloshooda.

“Annagu ka raankeenu wuxuu noqday in aan jidadka ka soo ka xayno oo si bilaash ah halkan ganacsi yaryar ay ka furtaan waxaana rajaynaynaa ganacsigaas in uu kor u kicidoono, howshayada kalana waxaan ugu qareemi doonnaa in hay’adaha kobciya dhaqaalaha dadka danta yar in ay howshaas qayb wayn ka qaataan.”

Haweenka ayuu sheegay in ay ku xusheen maaddama ay yihiin laf-dhabarta qoysas badan oo ay u soo dhiciyaan nolol-maalmeedka, in ka badan $7,000 ayuu sheegay in ay ku baxday dhismaha suuqaan oo haweenka lagu wareejiyay bartamihii bishii maarso.

Previous Post

Kismaayo: Qoysas danyar ahaa oo nolashoodu isbadashay kadib marki la caawiyay

Next Post

Jowhar: Shan kun oo qoys oo lagu caawiyay abuur dalagyo kala duwan ah

Related Posts

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Next Post
Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

Jowhar: Shan kun oo qoys oo lagu caawiyay abuur dalagyo kala duwan ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-JUL-2026

IDAACADDA 17-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo