Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Jowhar: Shan kun oo qoys oo lagu caawiyay abuur dalagyo kala duwan ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 7, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 5000 kun oo qoys oo ay horay u saameeyeen fatahaadda webiga Shabeelle ee soo noqnotay ayaa billaabay inay dib u abuuraan beerahooda kadib marki lagu caawiyay abuur dalagyo kala duwan ah.

Qoysaskan ayaa qaarkood afar xilli roobaad aan waxba beeran, maadaama dhowr jeer dalagyo ay beerteen fatahaaddu ka qaadday. Beeralaydan ayaa ku kala sugan 17 tuulo oo ka tirsan degmada Jowhar, waxaa intaa dheer in 770 qoys abuurka loogu daray lacag 60 doollar oo ay qaadan doonaan sedex bilood oo loogu tala galay inay sii isticmaalaan inta uu abuurka uga so go’ayo.

Nuux Aaddan Axmed oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 12 ruux oo ka tirsan dadka helay macaawinadan abuurka beeraha iyo lacag, kuna nool tuulada Bayaxaaw oo 3 km dhanka bari ka xigta Jowhar ayaa sheegay in kaalmadan ay u tahay fursad uu mar kale dib ugu billaabo noolashiisa.

Afar xilli beereed oo ay fatahaad ka baab’isay dalagaydi u saarnaa beertiisa oo sedex higtar ahayd ayuu marki ugu horreysay uu sugayaa in uu u bislaado dalag abuuray labaatan maalmood ka hor oo isugu jira gallay, Sisin, digir iyo khudaar.

“Aniga oo aan abuur haysan ayaan helay abuurkan, kaas oo iga caawiyay in aniga iyo carruurtayda aan beerno beerta, hadda way noo soo dhalatay.”

Nuux oo fataahaddii ugu dambaysay ee bishi Juun ee sanadki hore ay ka baabi’say dalagyo kala duwan ayaa waxaa ka khasaaray dhaqaale gaarayay 1000 kun doollar, kaas oo isugu jiray shaqada guud ee beerta laga qabtay marki la abuurayay sida makiinadda oo deyn ahaan ugu shaqaynaysay.

“Laakin markaan meelkasta galay oo dad qaraabada ah la hadlay, ayaan qayb ka mid ah iska bixiyay lacagti lagu lahaa, waxaana igu hartay $549 doollar.”

Nuux ayaa nasiib u yeeshay in uu sidoo kale ka mid noqdo qoysaska lacagta helay, taasi oo uu sheegay inay aad u anfacday.

Nolasha qoysaska ku nool tuulada ayuu sheegay inaay ku tirsan tahay haweenka oo cows ay ka soo gura beeraha iyo qaar ka tirsan ragga oo shaqo u raadsada beeraha ay leeyihiin.

Cabdi Cabdullaahi Nuur ayaa qaba rajo ah in uu iska bixiyo lacag dayn ah oo dhan 100 doollar ah oo lagu leeyahay marka uu u soo go’o dalag u beeran muddo laba toddobaad ah.

Cabdi oo haysta carruur dhawr iyo toban ah ayaa sheegay in tani tahay fursad wanaagsan oo ka caawin karta in uu sameeyo dib u soo kabasho nolaleed maadaama mudda sedex xilli beeraad ah uusan wax dalag ah u soo go’in oo fatahaadda ay mar walba ka baabi’inaysay waxa uu beerto.

“Waxaan uga faa’iideystay abuurkii leeysiiyay beerta oo iga qallalli rabtay ayaan maalintii xigtay ku abuuray, wuu iisoo baxay, ilmaha biilkooda hay’dda Samsam ayaa iga qabatay hal bil ayaa ii dhiman laba bilood ayaan qaatay lacagtooda.”

Xilliga adag ee uu soo maray ayaa nolasha qaoyskiisa ku tiirsanayd wixii ay soo helaan laba wiil oo u dhalay oo jira magaalada Muqdisho oo qabta shaqooyin xamaali ah iyo asaga oo suuqa magaalada Jowhar u shaqo tagi jiray.

“Ka hor inta aan abuurka qaadan waxaa nala siiyay tababaro ku saabsan aqoonta beeraha oo ka duwan sidaan u beeran jirnay iyadoo tallaabo talaabo leysu jirsiinayo abuurka, waana abuur daaweysan oo nalagu soo kormeerayay inaan iibsanayno iyo in kale,” ayuu yiri Cabdi.

Fataahadaha Soo noqnoqday dhawrki sano ee la soo dhaafay ayaa saamayn dhaqaale iyo barakacba ku riday kumaan qoys oo keentay in qaarkood lagu yeesho deyn halka qaarna ay ku noolyihiin nolal barakaca ah.

Beeralayda lagu caawiyay abuurka ayaa tuulooyinka ay degan yihiin waxaa ka mid ah kongo, Garaash, Halgan, Nuukaay, Moyko, Bayaxoow, Birimo iyo kuwo kale.

Madaxa mashaariicda hey’adda Zamzam Foundation, oo beeralaydan siisay abuurka Ilyaas Maxamed Sheekh ayaa sheegay in marki hore ay sameeyeen sahan ay ku ogaanayeen qoysaskan xaalkooda.

Sahanka oo ay ka sameeyeen tuulooyinka hoos yimaadda magaalada Jowhar ayuu sheegay in ay so xuleen qoysaski ay u arkeen inay yhiin kuwa mudan in la tageero marka loo fiiriyo xaalkooda.

“Lacagta waxaan siinay qoysas gaar ah sida kuwa xaalkoodu aad u liitay, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, haweenka kaligood carruurta korsada ama ka mas’uulka ah qoyska iyo waayeellada,” ayuu yiri Ilyaas.

Previous Post

Galkacyo: Haween warato ahaa oo helay suuq cusub oo ay ku horrumarinayaan ganacsigooda

Next Post

Galgaduud: In ka badan kun neef oo harraad ugu dhintay deegaanka Maarsamage

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Biyo yaraan ka jirta tuulada Docol

Galgaduud: In ka badan kun neef oo harraad ugu dhintay deegaanka Maarsamage

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo