Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Kismaayo: Haweenay la nool HIV/AIDS oo takoor looga raray toban guri

Radio Ergo by Radio Ergo
February 26, 2021
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Haweenay la nool HIV/AIDS oo takoor looga raray toban guri

Haweeneyda dhibbanaha ah/Axmed Cabdi Maxamed Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliima (ma aha magaceeda rasmiga ah) waa hooyo haysata lix carruur ah oo deggan magaalada Kismaayo, muddo labo sano ah oo ay la noo shahay xannuunka HIV AIDS-ka ayey sheegtay in faquuq joogto ah ay kala kulmeyso bulshada ay la noo shahay.

Xaliima waxa ay sheegtay in lagu takooro shaqo dhardhaqis ah oo maalinka ay shaqeyso ay ka hesho boqol kun oo shilin soomaali ah, una dhiganta $5, taas oo qoyskeedu uu ku tiirsan yahay. reerkii ogaada in ay qabto xanuunka ayey sheegtay in shaqada ay ka eryaan.

Sanadkii hore waxaa takoor looga saaray 10 guri oo ay kiro ku deganneyd. warwarka ugu weyn ee maanta haysta ayaana ah ku sii waaritaanka Labo qol oo ay ku degantahay kiro $50 ah.

“Dadkii dad kale ayey u sii sheegayaan, markey maqlaan gurigii waa leyga rarayaa, waxey dhahayaan cudurkaas ayaad qabtaa ilmaha ha inooga daararin. aniga niyadeyda waa xumaanaysaa markii sidaa ley dhaho, wax irabo oo aan ilaahey aheyn ma jiro.”

Xaliima ayaa sheegtay in Seygeedii uu labo sano ka hor xannuunka ugu geeriyooday magaalada Kismaayo, iyadoo bilo kadib ay sidoo kale xannuunka u geeriyoodeen labo xaas oo kale oo uu qabay.

In seygeedu uu xannuunka qabo waxaa lagu ogaaday isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, halkaas oo la geeyay xilli uu xanuunsanayay, balse dhaqaatiirta ayaa u sheegay in xannuunka uu la il daranyahay uu yahay HIV AIDS.

Isbitaalka ayey sheegtay in ay tagtay geerida ninkeeda kadib si ay isaga baarto cudurka, dhaqaatiirta ayaana u sheegay in ay qabto, waalidkii dhalay iyo walaalaheyd ayey u sheegtay in laga helay xannuunka, balse waxa ay xustay in ay kala kulantay takoor oo ay diideen in ay la sii noolaato.

“Hooyo waxey i dhahday cudurkaa igu rideysaa ee iga guur, waxaan ku dhahay hooyo gabadhaada ayaan ahay, ha i eryin, cudurkaas ilaahay ayaa ii keenay, hooyo waa idiiday, waan ka xumaaday boqolkiiba boqol.”

Seygeeda oo ahaa dareewal shaqaale ka ah gaari xamuul ah oo badeecada u kala gudbiya deegaanada jubbada hoose ayey sheegtay in geeridiisu ay ku yeelatay saameyn nololeed iyo mid dhaqaale.

Geerida ninkeeda kadib ayey sheegtay in ay ku qasbanaatay in ay bilowdo shaqada dhardhaqista, si ay u maareyso noloshooda. duruuf dhanka nolosha ah oo ay wajahaayaan carruurteeda ayey tilmaantay in ay u dheertahay takoor ay bulshada kala kulmayaan. wallow dhammaan carruurtu aysan qabin xanuunka.

“Heer maxaa la gaaray ilmihii dukaan aadi Karin, la leeyahay cudurkaasey la nool yihiin ilmahaan iyo hooyadood. ilmihii waa lagu cayni, waa lagu dhago hadli.”

Carruurta oo kan ugu weyn uu 12 jir ah ayey sheegtay in 5 kamid ah oo gaaray waxbarashada aysan waxba baran, maadaama aysan awoodin in ay ka bixiso lacagta waxbarashada.

Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ayey Xaliima ka qaadataa daawooyin kaal maati ah oo loogu talagalay dadka la nool HIV AIDS. Radio Ergo ayey uga warantay sida uu dareenkeedu noqday markii ay dhaqaatiirtu u sheegeen in ay qabto xannuunka.

“Waan murugooday, niyadeydu wey isla hadashay, laba isbuuc sariir ayaan jiifay naxdin darteed. waa ley waaniyey, kadib ayey niyadda ii dhisantay.”

Haween iyo rag la nool xannuunka HIV AIDS-ka oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 10 ruux ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ka guuray magaalada Kismaayo, iyagoo u guuray magaalooyin ay Muqdisho ka mid tahay, si ay uga fogaadaan bulshada deegaanka ee ku faquuqaya Cudurka, sida Radio Ergo uu u sheegay Cali Daa’uud Cabdi oo ah guddoomiyaha dadka la nool xanuunka HIV AIDS ee magaalada Kismaayo.

Cali oo qudhiisu la nool cudurka ayaa sheegay in takoorku sababay in qaar ka mid ah dadka qaba xanuunka ee kismaayo deggan ay ku dhiiran waayaan iney yimaadaan isbitaalka si ay u qaataan daawada, taasina ay kaliftay in si dadban oo dhuumaaleysi ah lagu gaarsiiyo daawada, iyadoo loo dhigayo goobo ay doortaan ama loogu dhiibayo qof ay ku kal soon yihiin.

“Bannaankaas ayuu istaagi ha la iigu keeno ayuu dhihi, xitaa isaga arki maysid, dadka waxaa waxaas ku ka lifay, qofka markii la ogaado businesskiisa wey saameyni, oo hadduu dukaan lahaa waxba lagama iibsanayo waa faquuqayaan, HIV hadduu qabo in sokorta laga gato laga qaadayo ayey aaminayaan.”

Cali ayaa xusay in xoogga uu saaro wacyi galinta bulshada fakarka qaldan ka haysata sida leysku qaadsiiyo cudurka iyo dheerri galinta dadka la nool xannuunka.

Tirakoob rasmi ah lagama hayo dadka la nool xanuunka HIV AIDS ee Magaalada Kismaayo, balse isbitaalka guud ee magaalada ayaa diiwaangaliyay 62 qof oo iskugu jira 38 haween ah, 20 rag ah iyo afar carruur ah, kuwaas oo isbitaalka ka qaata daawooyin kaalmaati ah.

Previous Post

Nin xaaskiisa ku waayay cudurka Koroona oo billaabay olole uu ugu gurmanayo bukaannada isbitaalka De Martiino

Next Post

Coronavirus prevention and what Islamic religion says about taking precautions as new wave starts

Related Posts

Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo

November 16, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhaqaale la’aan ku qasabtay qoysas ku nool Hargaysa in ay ku biiraan xeryo barakac

November 14, 2025
Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda

November 13, 2025
Nolol xumo haysa qoysaska rag Muqdisho ku wareejin jiray shidaalka gaadiidka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa qoysaska rag Muqdisho ku wareejin jiray shidaalka gaadiidka

November 11, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Haween qaxooti ah oo dib uga soo kabanaya nolol xumo markii xoolo la siiyay

November 10, 2025
Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa

November 7, 2025
Next Post
Coronavirus prevention and what Islamic religion says about taking precautions as new wave starts

Coronavirus prevention and what Islamic religion says about taking precautions as new wave starts

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-NOV-2025

IDAACADDA 16-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-NOV-2025
November 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-NOV-2025
November 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-NOV-2025
November 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-NOV-2025
November 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-NOV-2025
November 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo