Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sool: Xoolo-dhaqato silig ku oodaya xeryaha xoolaha si ay dhirta u bedbaadiyaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 17, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: Xoolo-dhaqato silig ku oodaya xeryaha xoolaha si ay dhirta u bedbaadiyaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad xoolo-dhaqato ah ayaa dadaallo ay uga hor tagayaan jarista dhirta ka wada deegaanno ku yaalla gobolka Sool. Xerada xoolaha oo markii hore ay ku wareejin jireen dhir ay soo jaraan ayay hadda ku beddeleen silig si ay u badbaadiyaan noocyo dhirta ah oo ka sii nabaad-guureysa deegaanka.

Dadkan oo ku nool deegaannada Ximidka, Bancadde iyo Buurcaanood ee gobolka Sool ayaa neef ari ah oo u dhigma qiimo ahaan $70 ilaa $80 siisanaya siligga ay ku ootaan xerada xoolaha

Khadar Saalax Maxamuud oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka Ximidka oo qiyaas ahaan 90 km dhanka waqooyi ka xiga Laascaanood ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in go’aankan uu yahay mid waxtar u leh dadka, noolaha kale iyo deegaanka. Wuxuu xusay in dhibaato weyn ay soo gaartay dhir har u lahayd dadka xoolahana ay daaqi lahaayeen, kaddib markii la jaray si xoolaha xero looga dhigo.

“Feker ahaan markaannu aragnay in dhibaato badani dhulkii ka socoto oo la xaalufinayo. Geed yar iyo mid wayn dhaqaalahayaga ayaanu u hurnay in nalagaga daydo si deegaankii loo badbaadiyo.  Waxaanu wadnay in dhawayd gebyag ama silig in xoolaha xero looga dhigo si uu deegaanka u badbaado. Marka reer xero samaysanayo ilaa 100 geed ayuu jarayaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaasi ku daray in isticmaalka siligga xoolaha xerada looga dhigayo uu faa’iido u keenay deegaanka, sidoo kalena uu u wanaagsan yahay xoolaha dhanka xafidaadda, uuna ka ilaalinayo dugaagga sida waraabaha oo gobolka aad ugu badan. Wax badan ayuu sidoo kale fududeeyay siligga sida uu noo sharraxayo Khadar.

“Wax badan ayuu difaacay deegaankii, dhaqaalihii iyo dhibkii ay reerku markay guurayaan qabeen. Way duubayaan horay ka qaadanayaan. Deegaankii ilaalintiisii qayb ayuu ka qaatay oo reerka siligga leh wax geed ah jari maayaan. Dhirtu qodax ayay lahayd xoolahu dhibaato ayay ku qabeen way mudi jirtay waana ku ragaadi jireen reerka leh silig neef ka ragaadi maayo.”

Khadar Saalax oo ah aabbaha lix carruur ah oo dhaqda 180 neef oo ari ah, wuxuu afar bil ka hor siligga $80 uga soo iibsaday. Deegaannada laga wado dedaalladan ayuu xusay inay yihiin afartan kiiloo mitir oo isku wareeg ah iyada xoolo-dhaqatada siliiga iibsaday ilaa hadda ay dhan yihiin 120 qoys.

Xasan Yuusuf Diiriye oo ah aabbaha 13 carruur ah, kana mid ah xoolo-dhaqatada ah deegaanka Buurcaanood oo 85 km waqooyi uga beegan Laascaanood ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu ka mid yahay dadkii ugu horreeyay ee isu taagay joojinta dhirta laga dhiganayo xerada. Wuxuu qeyb wayn ka qaatay inuu xoolo-dhaqatada kale ku wacyigeliyo inay iibsadaan siligga oo ay iska dhaafaan dhirta ay jarayaan.

Xasan ayaa aaminsan in dhirta ay xoolaha iyo dadku u baahan yihiin. Xooluhu waxay ku nool yihiin wixii ay daaqa dhirta dadkuna xoolaha ayay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wuxuuu ka warrramaya faa’iidada xooluhu ka heleen siliggan.

“Siliggan xoolihii xitaa waxay ka heleen dugsi oo bac ayaa lagu soo xidhayaa. Waraabihii xoolaha u soo dhici jiray uma soo dhici karo oo markaa labo faa’iido ayaa laga helay durbaba, dhir badan ayaa soo noqonayso,” ayuu yiri Xasan.

Xasan ayaa intaa ku daray inay jirto dhir dabar-go’ ku dhow oo ay ka mid yihiin dhirta qodaxda leh sida qudhaca, quwaaxa iyo gobka. Muddo sanad ku dhowaad ah ayuu sheegay inay wadeen joojinta jarista dhirta iyadoo durbaba ay dareemeen in dhir badan ay soo noqonayso.

Jaamac Axmed Ducaale oo ah bare Cilmiga Beeraha iyo Deegaanka ka dhiga jaamacada Nugaal oo ku taal Laascaanood ayaa ka warramaya waxay ka dhigan tahay tallaabada noocaan ah ee ay reer miyiga ku badbaadinayaan deegaanka.

“Dhirtu xuquuqda dadka iyo xooluhu leeyihiin mid la mid ah ayay leedahay. Sil-siladda nolosheennu waxay ka imaanaysaa dhirta. Noloshu waa dhirta. Xoolaha ayaa ku nool xoolaha dadka ayaa ku sii nool. Dhirtu dhulka ayay biyaha u qabataa. Meeshaan dhir lahayn biyo ma qabsato dabalaha ayay celisaa. Tallaabadan ay qaadeen dadka xoolo-dhaqatada ah deegaanka waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah, waxayna mudan yihiin in lagu bogaadiyo faa’iidooyin badan ayayna deeganka u leedahay sida deegaankii oo wixii dhir hadhay badbaadayso.

Wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyin badan ka dhashaan xaalufinta dhirta sida roobka oo yaraada iyo xoolaha oo waaya waxay daaqaan.

Dadaallada ay wadaan dadka reer miyiga ah ee deegaanka lagu badbaadinayo waxaa u sii dheer wacyigelin ay isa sii gaarsiinayaa si gebi ahaanba ay meesha uga baxdo isticmaalka dhirta xeradda laga dhigayo.

Previous Post

Hargaysa: Gabdho laga bixinayo waxbarashada jaamacadaha iyo iskuullada

Next Post

Suuq casri ah oo laga dhisay Guriceel oo kor u qaaday ganacsiga ariga

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Suuq casri ah oo laga dhisay Guriceel oo kor u qaaday ganacsiga ariga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo