Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargaysa: Gabdho laga bixinayo waxbarashada jaamacadaha iyo iskuullada

Radio Ergo by Radio Ergo
September 11, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: Hab cusub oo lagu ogaanayo shaqooyinka cusub

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hani Maxamed Shufeec oo waxbarashada uga hadhay lacag la’aan iyo kow iyo toddobaatan gabdhood ayaa ka faa’iidaysanaya waxbarasho bilaash ah oo jaamacado iyo dugsiyo sare ah oo ay ka bixinayso Hay’adda Waxbarashada Afrika.

Gabadhan oo dugsiga sare ee Gaandi ku jirta fasalkii saddexaad ee dugsiga sare ayaa aabbaheed u waayay lacagta fiiga, buugaagta iyo balcadka, isagoo ku wargeliyay inay iska joogto. Labo bilood markii ay ka maqneyd fasalkeeda ayaa dib loo geeyay iyadoo laga bixinayo lacagta oo bishii noqonaysa 20$. Waxay lacag la’aan sidan oo kale uga hadhay dugsigii hoose markaas oo ay ka bixiyeen qaraabadeeda.

Hani ayaa iiga warantay waxaa ay kaga duwan tahay hadda ardayda kale maaddaama laga taageeray iyada iyo walaasheed kharashkii ku baxayay waxbarashada oo lacag la’aanta ay uga hadhay waxbarashada.

“Waxay iga caawisay in bishaydii anigoon werwerayn aan waxbarashadaydii si toosa u dhigto, waxaa marar badan dhacda in ardeyda badan aan ka nasiib badanahay oo iyagoo bishii lagu saarayo oo igaba liita aabahayaashoodna dhinteen aanan anigu ka werwerin oo aan kalaaskii fadhiyo, sidoo kale buugaagtii halkii aan ka werwerayay halkeed ka keeni sida ay ardayda kale qabaan aan anigu haysto, mararka qaar buugaagta lacago ay iiga soo hadhaan oo waxyaabihii aan gaarka ugu baahnaa aan kasoo iibsado.”

Aabbaheed waxaa uu ka shaqeeyaa rinjiyaynta guryaha oo aan ahayn shaqo uu joogto u helo, maalinta uu shaqeeyana waxaa uu ku biilaa sagaal carruur ah oo uu dhalay. Gabadhan oo aan ka walwal qabin inay mar kale waxbarashada uga harto lacag la’aan ayaa aaminsan inay mustaqbalka wax badan ka beddeli doonto nolosha qoyskeeda iyo dalkaba maaddaama ay heshay waxbarasho bilaash ah.

Maamulaha dugsigeeda oo ay ugu tageen waalidiintu si uu uga dhaafo bisha ayaa ku xidhay haayada si ay u siiso kharashka waxbarashada.

“Haddii aanan xitaa ku shaqeysan waxaan ku anfacayaa qoyskayga iyo ubadkeedii, wixii xun iyo wixii sanba waan garan doonaa, waxay ii suuro galisay inaan hadda wax badan kala saaro oo Ilaahay ayaa yidhi kuwa cilmiga bartay iyo kuwa kale ma isku midbaa?waxay ii suuro galisay inaan anigu aqoontay sii wato oo aan dad badan aragti dheeraado, fikir lahaado hami igu jiro, iskuna dayo inaan wax soo kordhin karo.”

Mashruucan oo ay ka faa’ideysteen saddex boqol oo hablood oo ku nool gobolada Somaliland ayaa loogu talagalay siddii ay habluhu u sii wadan lahaayeen waxbarashada marka ay dhameystaan dugsiga sare iyo hoose sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Cabdilaahi Maxamed madaxa hay’adda ee Somaliland.

Axmed ayaa xusay in warbixin ay sameeyeen 2017 ay ku ogaadeen in hablaha ugu badan ay waxbarashada uga hadhaan dhaqaale la’aan marka ay dhameystaan dugsiyada sare oo ay keento in aanay la tartamin wiilasha.

“Runtii mabda’iyan ayaan u taaganahay in fursadihii waxbarashada loo sinaado jaanisyada la helayana loo sinaado, markaa anagoo ka duulayna in fursadihii waxbarashada loo sinnaado ayaa hadba halka ay dhibtu u badantahay ayuun baan xoogga saareynay,  aqoontii oo ka maqan ayaa noo soo baxday markaannu qiimeynta sameynay xarun kasta markaad aragto labaatan ama soddon qof  waxaad ku arkayaa labo ama saddex hablood oo dhex taagan,.”

Hablahan oo hadda hay’addu ay ka bixiso lacagta waxbarashada, buugaagta iyo bas raaca waxaa laga fiiriyaa awoodda dhaqaale ee qoyskoodu u leeyihiin inaysan bixin karin lacagta, qaar waxbarashada ka hadhay dhaqaale dartiis iyo inay diyaar u yihiin inay waxbarashadii sii dhameystaan haddii laga caawiyo lacagta ay ku dhiganayaan.

Hinda Cartan Yuusuf oo ka mid ah gabdhahan, waxay hay’addu ka bixiysay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda sanadihii 2016 ilaa 2018.

Hinda oo hadda heerka labaad ee waxbarashada ka diyaarinaysa jaamacada Hargeysa oo ay iyadu iska bixiso, waa isha keliya ee dhaqaale ka soo galo qoyskooda oo lix qof ka kooban. Waxaa ay Raadiyo Ergo u sheegtay in haddii aanay fursad heli laheyn aanay u suurto gasheen in ay horumariso nafteeda, tan qoyskeeda iyo bulshadaba.

Hinda ayaa ka waramaysa qaabka ay u heshay fursadan oo ay sheegtay in nolosheeda ay wax badan ka bedeshay.

“Wallaahi walaal waxaan odhan karaa wax aad iyo aad u balaadhan ayay ka bedeshay, horumar ayuu qofku naftiisa gaadhsiinayaa, warshad wax soos aar ayaan ahaa oo ardeydii meel kasta igaga soo baxaan bulshadii wax ka bedeshay oo cilmigii aan baray dad kale uga sii faa’ideeyeen, imikana wasaaraddii waxbarashada qeyb dhan haysta oo bulshada ugu adeega, nafteydii horumar ayaa ka sameeyay, tii bulshada shacabka aan u shaqeynayaa.”

Gabadhan oo hadda ah madaxa qeybta tababarada waaxda farsamada ee wasaaradda waxbarashada Somaliland waxay shaqadan ka dabbartaa nolosha qoyskeeda iyo kharashk jaamacadda.

Agaasimaha hay’adda waxbarashada Afrika ayaa tilmaamay in waxbarashada gabdhaha ay muhiim u tahay nolosha qoyska, bulshada iyo dalkaba. Mashruucan ayuu sheegay in laba sano oo dambe ay sii wadayaan. Waxaa uu ka waramayaa isbeddellada ay ku arkeen hablihii ay waxbareen ee ka faa’ideystay mashruuca.

“Horta waxa ugu weyn ee kasoo baxay, waxaa weeyaan in saameyn wax ku ool ah lagu yeeshay hablihii, ama ha sameysteen ganacsiyo yaryar oo ay ku howlgalaan oo ay noloshoodii ku dabaraan, ama ha noqdeen shamac markaa qoyskoodii u baxay oo saameyn ku yeeshay ama ha noqdeen hablahaa hamada yeeshay ee imika qaarkoodna xarumaha dowladda ka shaqeynayaan qaarna ay ka shaqeynayaan macalimiin ay yihiin oo dugsiyada ay joogaan.”

Guurka gabdhaha yar yar, dhaqaale yarida iyo dhaqanka Soomaalida ayaa inta badan la aaminsan yahay inuu waxbarashada hablaha ka joojiyo iyagoo dhameysan inkastoo gabdhaha qaar ay ku adkaystaan inay waxbarashada sii wataan haddii ay caawin helaan.

 

Previous Post

Isbedellada nololeed ee barakacayaasha Doolow kadib sannado badan oo barakacnimo

Next Post

Sool: Xoolo-dhaqato silig ku oodaya xeryaha xoolaha si ay dhirta u bedbaadiyaan

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Sool: Xoolo-dhaqato silig ku oodaya xeryaha xoolaha si ay dhirta u bedbaadiyaan

Sool: Xoolo-dhaqato silig ku oodaya xeryaha xoolaha si ay dhirta u bedbaadiyaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo